4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Dagaalkii ka socday Qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha iyo Suuqa Bakaaraha oo sii xoogeystay

Khamiis, 20, Mar, 2008 (HOL): Waxaa sii xoogeystay Dagaalkii saaka ka bilowday Isgoyska Howl-Wadaag ee ka mid ah Waddooyinka laga galo Suuqa Bakaaraha, iyadoo dagaalkaasina uu ku faafay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha.
 
Dagaalkan oo bilowday kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Howl-Wadaag ay dhac u geysteen Bakhaar ku yaala meel aan u dheereyn Isgoyskaas, kadibna ay kooxo hubeysan weerar ku soo qaadeen.

Dagaalka ayaa intii uu socday waxaa gacan ku heynta qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, gaar ahaan Isgoyada Howl-Wadaag, Aadan Cadde iyo Xaafadda Geed Jaceyl la wareegay Kooxaha hubeysan ee dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo kadibna ay Isgoyska Howl-Wadaag isugu soo baxeen Dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo riixayay labo gaari oo la sheegay in ay ka carareen Ciidamadii Isgoyskaas ku sugnaa.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa wuxuu gaarayaa dhimashada Shan Ruux oo isugu jira Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dad Rayid ah, iyadoo sidoo kalena ay jiraan Dad aan tiradooda la ogeyn oo dagaalka uu dhaawac ka soo gaaray.

Dagaalka ayaa haatan wuxuu ka soconayaa qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Xaafadda Geed Jaceylka iyo Isgoyska Xararyaale, halkaas oo laga maqlayo rasaas ay labada dhinac isku ridayaan, iyadoo mararka qaarkoodna laga maqlayo dhawaqa Madaafiic ku soo dhaceysa qeybo ka mid Suuqa Bakaaraha.

Suuqa Bakaaraha ayaa kadib markii uu dagaalkan dhacay waxaa isaga baxay Dadkii ganacsiga u soo aaday iyo kuwo wax iibsiga u yimid, kuwaasi oo la arkayay iyagoo ku sii kala cararaya Waddooyinka ka baxa Suuqa Bakaaraha.

Dagaalka maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Nawaaxigiisa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Deegaanka Suuqa Xoolaha uu ka dhacay Dagaal dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo dagaalkaasina uu sababay dhimashada 8 Ruux oo isugu jiray Dad Rayid ah iyo Ciidamadii Itoobiyaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia