4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Nolosha Qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka gudahiisa oo heer quus ah taagan kadib markii sicir barar ku yimid maciishadda quutul-daruuriga ah

Khamiis, 20, Mar, 2008 (HOL)  Waa yaab iyo Amakaag iyo waliba arin  lama filaan ah kadib markii Qoysas badan oo Soomaaliyeed xiligan Noloshoodu gashay heer quus ah kadib markiii Sicir bararka ku yimid maciishadda uu qasab ka dhigay in ay soo baxaan Qoysas hal galin maalintii wax quuta maadaama qarashka ay heli karaan uu yahay mid intaa kaafiya.
 
Lakiin waxaa taa ka sii daran dhibaataddu xoogeedana ay saameysay dadka Muruq maalka ah ee ku nool waxa ay maalintii soo shaqeystaa kuwaa oo marka aad la sheekeysato kuu sheegaya xaalkoodu yahay (Farta iyo Wadnaha isku Qabo)  mar hadii si kasta oo ay u shaqeeyaan aysan waxba suuqa ka iibsan karin.
 
HOL oo siweyn ugu guur-gasha Nolosha dadka Xoogooda Maala waxaa ay ugu danbeytii ogaatay hadii uusan xiligu is badalin in la arki doono Qoysas Soomaaliyeed oo Gaajo u dhimanaya, C/laahi Kuusow oo ka mid ah dadka xoogooda Maala Islamaraana sidda uu HOL u sheegay gacanta ku haya 5 caruur iyo Hooyadii oo waayeel ah ayaa sheegay in in cel celis ahaa maalintii uu helo wax u dhigma 50  Sh. So. ah oo la og yahay maanta wax ay ka joogta gudaha dalka Soomaaliya.
 
C/laahi Kuusuw Waxaa uu intaa ku daray in mar marka qaar oo uu suuqu xun yahay uu helo wax u dhigma 30 Sh. So. oo  marka la eego ku filan oo kaliya Caanaha 5 tiisa Caruurta ah  "" Walaahi waa Nolol aan la ogeyn meel laga aado, waxaan u dhaxeynaa dhimasho iyo Nolol Been ah ayuu  hadalkiisa sii daba dhigay.
 
Dadku sidiisaba waa uu kala dabaqad sareeyaan mar kastana waa uu ku kala duwan yahay Nolasha,  dadka heli kara lacagta Adag ee Doolarka ah waxaa la oran karaa kuwo isku dheeli tiri kara halka Maciishaddu mareyso iyo waliba qarashka ay heli karaa, Sidaa daraadeed ma isweydiisay xaalka ay ku nool yihiin kuwo Nolashoodu ku tiirsan tahay qaraabka ay ka dhax helaan suuqa.
 
Maana Islaaw oo ah Gabar Soomaaliyeed oo ka shaqeysa mid ka mid ah Makiinadaha lagu shiido (Cajiinka) Waxaana ay HOL u sheegtay in dadka Makiinadda yimaada ay u tunto Badarka ama (Haruurka)  waxaa ay tiri "" Maalintii oo dhan waxaa helaan 40 kun oo Sh. So. sidaa daraadee marka aan ku dhawaan 20 kun oo Sh. So. ah ka bixiyo Koonbo Bariis ah Maxaa noo soo haraya Anigga iyo Caruurta Biilka igga Sugaya ayeey intaa sii raacisay''',
 
Maata waxaa la heli karaa Qoysas Soomaaliyeed oo Biil ahaan u qaata wax u dhigma 50 $ Doolar, Lakiin waxaa xusid mudan in xitaa marka aad tegto suuqyadda raashinka lagu kala iibsado 50 $ Doolar lagaaga qaadanayo loor Bur ah oo kaliya sow lama oran karo marka waa Nolol dhabana heys ah.
 
Inta badan eeda arintan Sicir bararka waxaa dusha laga saaraa lacagaha la soo dabacayo ee sidda xad dhaafka ah ugu soo qul qulmaya Gobaladda dalka Soomaaliya, Balse dhanka kale marka aad la sheekeysato dadka dhaqaale yahanka ah waxaa ay kuu sheegayaan in sidoo kale dhibaatadu ka taagan tahay dhinaca Burcad Badeed oo laftirdooda la oran karo waxaa ay xayireen badeecadii dalka dalka soo gali laheyn.
 
Sidoo kale waxaa iyana xusid mudan in hoos u dhac uu ku yimid dacabkii dhulka abaarta jira awgeed iyo Roob yar Gobaladda qaar soo food saartay waana arimahaa oo is biirsaday ayaa la lee yahay halka arimuhu iska diidan  yihiin.
 
Goobaha ganacsigga qaarkood hadda waxaa layska joojiyay in wax lagu iibsado lacagta Sh. So. oo hadii aadan wadan lacag Doolar ah wey adag tahay in aad hesho badeecada aad u baahan tahay, taana waxaa ay qasab ka dhigtay in dad ay ku adkaato maareynta Nolashooda Caadigga ah.
 
Waa ka dar oo Dibi dhal markii hore dadku waxaa uu la daalaa dhacayay colaado aan dhamaad laheyn, waxaase uga sii daray Sicir bararka sameeyay Nolashooda waana dhif iyo naadir in aad aragto Qoysas wax iska weydiinaya Colaadaha jira waayo waxaa ay ku mashquulsan yihiin wax ogaanshaha Subax walba halka maciishaddu ku waabariisatay.
 
C/raxmaan Diini Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia