4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2008
Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab oo ka badbaaday isku day lagu dili lahaa

Axad, March 16, 2008(HOL): Waxaa saaka isku day lagu dili lahaa ka badbaaday Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Shiikh Maxamuud Qoor-leex, kaasi oo ay rag dhalinyaro ah ay bambo gacmeed ku tuureen meel uu ku sugnaa.
 
Guddoomiyaha oo ka soo baxay Hotelka Madiina ee Degmada Xamar Jajab ku yaala ayaa waxaa bambo gacmeed kuy tuuray labo wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo markii ay bamka tuureen kadib baxsaday.
 
Guddoomiyaha oo qudhiisa ka hadlay qaraxa la doonayay in lagu dilo ayaa sheegay in uu arkay ragga bamka ku soo tuuray, balse ay baxsadeen, isagoo caddeeyay in aysan jirin wax khasaare ah oo weerarkaas bambaano ka soo gaaray.
 
Mar wax laga weydiiyay sababta keentay in ay baxsadaan raggii soo weeraray oo uu arkayay ayaa wuxuu sheegay in ay taasi ku timid iyadoo ay ilaalada Hotelka is-bedelayeen, isla markaana aysan ka dhaweyn goobta wax Ciidamo ah.
 
Waa weerarkii labaad oo lagu qaado Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Shiikh Maxamuud Qoor-leex, wuxuuna dhawaan ka badbaaday qarax miino oo loo dhigay gaari uu la socday.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, weerarka saaka lagu qaaday Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay Muqdisho loogu dilay 9 Guddoomiye degmo, guddoomiye ku xigeenno, guddoomiye waaxeedyo, Agaasimayaal degmo, Guddoomiye Waaxeedyo iyo weliba labo Afhayeen oo uu lahaa Maamulka Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia