Axad, March 16, 2008(HOL): Hay'adaha Samafalka ka howl-gala ee ka howl-gala Gobalka Hiiraan iyo Ururadda aan Dowligga aheyn ayaa siweyn ugu howlan wax ka qabashadda xaaladda caafimaad ee dadka uu soo ridanayo cudurka Shubanka oo 48 Saac ee la soo dhaafay ku dhacay in badan oo ka mid ah Caruurta ku dhaqan Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaaladda Beledweyne.
Hay'adaha IMC, Bisha Cas, iyo Seva The Childaren oo qeyb ka ah olalaha wax looga qabanayo dhibaatadda Cudurka ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay geeyay labo Xarumood oo laga furay Dulaadka Magaaladda Daawada lagula tacaalo Fuuqbaxa, iyagga oo dhanka kalana bilaabay wacyi galin dadka looga digayo qatarta Cudurka Shubanka oo ay gacan ka geysanayaan Ururo ay ka mid yihiin Hapochild, Israac, iyo Baydo.
Inta la og yahay waxaa sacadihii aynu soo dhaafnay uu soo riday Cudurka Shubanka ilaa 55 Caruur ah sidda ay cadeeyeen Hay'adaha Caafimaadka oo warbixino ka helaya Odayaasha Xaafadaha Magaaladda Beledweyne, halka 3 Caruur ahna ay u dhiteen 24 saac ee la soo dhaafay.
Xasan Odawaa oo ah Madax Hay'adda IMC oo u waramayay HOL ayaa sheegay in ilaa hadda aan la ogeyn Nooca Shubanka lakiin waxaa uu sheegay in dhawaan lagu sameyn doono Baaritaan, isagga oo intaa ku daray in sababta ugu weyn ee keeni karta in ay sii bataan Caruurta u soo ridayo Cudurka loo sababeyn karo Qoysaska oo markiiba aan la gaarin goobaha Caafimaadka ilmaha lagu arko Calaamadaha Cudurka Shubanka taa oo keenta ayuu yiri uu u gudbo ilamaha kale ee ka fiyow dhibaatada Cudurka.
''' Hada waxeynu sameynay Xarumo la geeyo dadka qaba Cudurka si markaa looga bad baadiyo Qoyska intiisa kale, waxaadse moodaa in wali Waalidiintu ku baarugsaneyn muhiimada Xarumuhu u lee yihiin faya dhowrka Gurigga ayuu yiri Xasan Odawaa Madax Hay'adda IMC.
Abaaraha daran iyo Biyo yaraddi ka jirta qeybo badan oo ka mid ah Gobalka Hiiraan ayaa sidoo kale la leeyahay waxaa ay sara u sii qaadayaan si fiditaanka Cudurka Shubanka,
maadaama dhulka Miigga ah Biyaha Kaliya ee hadda la heli karo yihiin kuwa wabigga oo aan Caafimaad ahaan wanaagseyn.
Meelaha kale ee sidda weyn looga soo cabanayo ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka Buula-burte, Jalalqsi, iyo Matabaan oo dhamaantood siweyn uu cudurku u saameyay, gaar ahaan marka la eego Degmadda Jalalqsi oo aan laheyn Goobo caafimaad oo rasmi ah dhanka kalana siweyn uga fog Magaaladda Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Dadka uu soo rito Cudurka Shubanka oo si weyn ugu soo badanaya Gobolka Hiiraan
More News
- Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in aysan Wax Wada hadal ah la geleynin Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Dowladda Uganda oo Gaadiid ugu deeqday Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Madaxweyne Daahir Rayaale oo markii u horaysay sheegay inuu Maraykanka ku marti-qaaday Saldhig Milatari oo uu ka siiyo Berbera
- Xafiisyo ay leedahay Wasaaradda Caafimaadka Somailland oo la jabsaday
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddiga Ammaanka Qaranka oo shir ku leh Muqdisho
- Maxkamadaha Islaamka oo sheegtay in ay ka dambeeyeen weerar xalay lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah
- Maamulka Degmada Buur-Hakaba oo Degmadaas isaga baxay kadib markii ay ku soo dhawaadeen Xoogagga Al-Shabaab
- Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab oo ka badbaaday isku day lagu dili lahaa
- Soomaalida UK oo ka qaybgalay Dibad-bax lagu diidan yahay Duulaanka Maraykanka ee dunida Muslimka.