Arbaco, June 04, 2008(HOL): Ergooyinka Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya uga qeybgelaya wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee Jibouti ka socda ayaa waxay ka baxeen Hoolka Guriga Umadda Jibouti, kadib markii uu Hoolka shirka soo galay Safiirka Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti.
Ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo dhegeysanayay Khudbooyin ay u jeedinayeen wakiillo ka socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa Hoolka shirka soo galay Safiirka Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti, waxayna kadib Ergada Isbaheysiga ka codsadeen Wakiilladii Qaramada Midoobay ka joogay Shirka, iyadoo kadibna uu Safiirka ku adkeystay in uusan bixin.
Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ah Ergooyinka Isbaheysiga Dib u xoreynta uga qeybgelaya wada hadallada ayaa sheegay in markii uu Safiirka Itoobiya diiday in uu Hoolka ka baxo ay iyaguna madashii ka tageen, iyagoo diidayay in uu goob-joog ka ahaado Wada hadallada u socday Ergooyinka Soomaalida.
“Waxaan diidnay in aan meel isla fadhinno Safiir ka socda Itoobiya oo Taangiyadeeda iyo Ciidamadeeda ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, shirkana sidaas ayaan uga soo baxnay”ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble oo sheegay in uusan kala ogeyn in uu meesha ku yimid Safiirka Itoobiya casuumaad ay Qaramada Midoobay u fidisay iyo in uu iskiis isaga yimid.
Waxaa socda dadaallo diblumaasiyadeed oo Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta lagu qancinayo, isla markaana lagu sii amba qaadayo Seminaarka labada dhinac u socday , walow Afhayeenka Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta oo lagu magacaabo Daahir MAxamuud Geelle uu sheegay in aysan hor-fariisaneynin Safiir ay Ciidamada Dalkiisa dileen Shacab badan oo Soomaaliyeed, sidoo kalena ay barakiciyeen Dad kale oo aad u badan.
Saaka ayay ahayd markii ugu horeysay oo ay Qaramada Midoobay ku guuleysato in ay meel isugu keento Ergooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, waxaana kulankii oo socda soo galay Safiirka Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti, kaasi oo sababay in uu hakado seminaarkii labada dhinac u socday
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia