| |
Warbixin Shirka Jabuuti
Wednesday, June 04, 2008
Jabuuti (HOL) - Waxaa maanta halkiisii kasii socday kulankii fool kafoolka ahaa ee u dhexeeyay wafdiga dowaladda Soomaaliya iyo midka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya in kastoo ay Qaramada midoobay ugu yeerto kulankani Aqoon isweydaarsi. Kulanka maanta ayaa waxaa looga hadlayay Sidii loo maxkamadeyn lahaa dadka dambiyada dagaalka ka geystay Soomaaliya iyo sida soomaalida oo ay colaado fara badani soo kala dhex galeen ay isku cafin karayaan. Saminaarkan ayaa si habsami leh waxa uu ku sucday qeybtiisii koobaad hase yeeshee birirftii yareyd dabadeed ayaa waftiga isbaheysigu waxa ay ka war heleen in uu goobta uu kulanku ka dhacayay joogo safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya waddanka Jabuuti taasina waxa ay keentay in ay Qaramada Midoobay ka codsadaan in ninkaasi fadhiga laga saaro. Markii qeybtii labaad dib leysugu laabtay isla markaana ay dhici weyday inuu safiirka Itoobiya fadhiga dibadda uga baxo ayaa wafdiga Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya waxa ay go’aan ku gaareen in ay ka dareenaan goobta uu shirka aqoon isweydaarsiga ahi ka soconayay .
Afhayeenka wafdiga Isbaheysiga Daahir Max’uud Geelle ayaa saxaafadda uga warramay sababta keentay in uu wafdigoodu ka baxo fadhiga ,waxaanu arrintaasi ku micneeyay in ay tahay gadood ay ka muujinayaan xaadir ahaanshaha safiirka Itoobiya. Mr:Geelle waxa uu sheegay in Safiirka itoobiya aanu Soomaali aheyn Qaramada Midoobayna kasocon Isla markaana kamid aheyn Khubarada duruusta ka bixineysa aqoon isweydaarsiga sidaa daraadeedna aanay haba yaraatee u furneyn waddo uu kaga qeyb qaadan karo fadhiyada Soomaalida. Waxa uu intaasi ku daray inaanay suurta galba ahayn in goob looga hadlayo aayaha Soomaaliya uu soo fariisto Masuul ka socda dowlad Cadow ah oo gumaad xooggan u geysatay shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye. Afhayeenka Isbaheysiga waxa uu intaasi ku daray inaanay fadhiyada soo socda dib ugu soo laaban doonin ilaa iyo inta dibadda looga saarayo Shamsu-diin oo ah danjiraha Itoobiya Jabuuti u jooga.
Dhinaca kale waxaa hakad uu ku yimid kulankii maanta markii uu Isbaheysigu wufuuddiisii kala baxay hoolka iyadoo Axmedo wald cabladdana uu sheegay in mar kale dib leysugu soo laaban doono. Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna ka hadlay aragtidooda ku aaddan tallaabadaasi ay qaadeen isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ,iyagoo ku tilmaamay tallaabo aan u adeegeynin umadda Soomaaliyeed. C/risaaq Ashkir Cabdi Waziirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in waxa wada hadlayaa ay soomaali yihiin isla markaana aan loo baahenyn in lasoo hadal qaado goobjoogayaasha caalamka ka socda ee ku sugan madasha shirka.
Waxa uu tilmaamay in safiirka itoobiya uu ka mid yahay sufarada kale ee caalamka iyo gobolka ka socota ee ku sugan shirka loomana baahna buu yiri in lakala sooco dadkaasi qaabka korjoogtada ah u jooga kulanka. Mr:Ashkir waxaa kaloo uu tibaaxay in danjiraha dowladda Itoobiya Jabuuti u jooga Shamsudiin uu xaq buuxa u leeyahay inuu soo xaadiro kulamada ceynkan oo kala ah maadaama buu yiri ay joogaan rag isaga dhigiisa ah oo ka socda caalamka. Wakiilka Xog-hayaha guud ee qaramada midoobay ayaa dadaal xooggan u galay sidii uu ugu qancin lahaa isbaheysiga in ay wadahadalladooda sii wataan hase ahaatee waxaa muuqata in ay iyagu ka go’an tahay in aanay dib ugu laaban shirka inta uu diplomaasigaasi reer itoobiya goob joog ka yahay . Ma cadda sida ay ku suurta gali kareyso in danjiraha itoobiya lagu qanciyo inuu shirka dibadda ka istaago ama in Isbaheysiga dib loogu soo laabo shirka oo uu goob jog ka yahay Shamsudiin.

Maraakiib Shisheeye oo lagu arkay Xeebta Magaalada Muqdisho
04/06/2008 8:12 AM EST
Arbaco, June 04, 2008(HOL): Maraakiib Shisheeye ayaa saaka waxay aad ugu soo dhawaadeen Xeebta Magaalada Muqdisho, iyadoo dad ku sugan Xeebaha Degmooyinka C/casiis, Shangaani iyo Xamarweyne ay arkeen Maraakiibtaas.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|

|
|
 |
|
|
|
 |
Ottawa pressing Ethiopia on Canadian prisoner: MP
- Toronto Star
04/06/2008 11:07 PM EST
A Canadian citizen who has been imprisoned in Ethiopia for 18 months without being formally charged is being treated humanely and is in "good health", says the parliamentary secretary to Canada's Minister of Foreign Affairs, who was in Ethiopia earlier this year.
|
Alliance of Re-liberation of Somalia Walk Out of Djibouti Conference
- HOL
04/06/2008 9:48 PM EST
Djibouti (HOL) - Representatives from the ICU walked out of a discussion session with TFG facilitated by the UN after the Ethiopian Ambassador in Djibouti walked in. The session was taking place at the Djibouti National Hall of Djibouti. At the time UN Security Council representatives were giving presentations to members of the TFG and ICU.
|
Refugees farming Burlington plots
- AP
04/06/2008 8:37 AM EST
BURLINGTON, Vt. (AP) - Twenty-seven families of African refugees are going to be farming plots in Burlington's intervale this summer.
|
Red Cross ramps up Somalia aid efforts
- AFP
04/06/2008 8:33 AM EST
Geneva, Switzerland (AFP) - The international Red Cross said on Wednesday it plans to distribute food and relief aid to half-a-million Somalis in the coming weeks amid warnings the country faces its worst crisis for a decade.
|
Somalia in Worst Crisis in 10 Years
- Time
04/06/2008 8:29 AM EST
NAIROBI, Kenya (TIME) — Somalia is facing its worst humanitarian crisis in a decade, and the situation is deteriorating, an international aid agency said Wednesday.
|
Kenyan authorities hold five suspects over attack
- Xinhua
04/06/2008 8:19 AM EST
NAIROBI, June 4 (Xinhua) -- The Kenyan authorities said on Wednesday they are holding five suspects who were arrested over last Saturday's attack at a police station near the Kenyan-Somali border
|
Cabdulaahi Axmed Jamac (Ilkajiir): Musharax Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland
- HOL
04/06/2008 12:47 AM EST
Ruux waliba inta uu hamigiisu gaarsiisanyahay ayuu hantiyaa, hadaan dedaalkiisu hagran. Hogaankuna waa tayada iyo toosinta iyo saamayn ku yeelashada bulshada weynta guud. Waa awood, xirfad, haybad, iyo aqoon loo hibeeyo hanaan-wadaha wanaagsan ee umada horkaca.
|
|
| |
| |
Contact : webmaster@hiiraan.com |
 |
| |
|
|