Axad, August 03, 2008(HOL): Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku eedeysay Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde in ay k dambeyso weerar Bambaano oo xalay lagu qaaday guri ay ka degan tahay magaalada Baydhabo.
Xildhibaanadda oo u warameysay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in weerarka bambaano ee lagu qaaday gurigeeda uu ahaa mid siyaasadeed, "Waxaa ka dambeysay qaraxa la igu soo qaaday Xukuumadda Nuur Cadde oo ka xun dabagalka uu guddi dhaqaale oo aan ka tirsanahay ku hayo Xukuumadda Federaalka"ayay tiri Caasha Axmed Cabdalla.
Waxay intaas ku dartay Xildhibaanadda in dad shalay Baydhabo ku tegay Diyaarad Muqdisho ka qaaday ay ugu hanjabeen Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan in ay leyn doonaan haddii aysan joojin waxa ay wadaan, "Reer Magaalka mararka qaar kaftanka ayuu wax isugu sheegaa, marka hanjabaaddaas iyo weerarka bambaano ee la igu soo qaaday wey isku xiriirsan yihiin"ayay mar tiri Xildhibaannadda oo sheegtay in aaney wax dhibaato ah ka soo gaarin Weerarkii Bambaano ee gurigeeda lagu qaaday.
Xildhibaanadda oo sii hadleysay waxay sheegtay in ay sii wadi doonto howsha ay heyso ee ku aadan la xisaabtanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, "Xitaa haddii aan dhinto howsha waa ay sii soconeysaa, mana istaageyso ee sidaas hala socdeen dadka Xildhibaannada u caga jugleynaya"ayay tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo in ay Kitaab u martay in ay xilkeeda u gudato si waafaqsan sharciga oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia