Axad, August 03, 2008(HOL): Warar aynu ka helnay ilo diblumaasiyadeed oo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayan in uu mad-madow soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda Itoobiya iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
Mad-madowga labada dhinac soo kala dhexgalay ayaa waxay wararku sheegayaan in uu soo baxay kadib markii uu khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde kadibna uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka biyo diiday in ay madaxda Itoobiya dhexdhexaadiyaan madaxda Dowladda Federaalka.
Mad-madowga soo kala dhexgalay labada dhinac aawgood ayay wararku intaas ku darayaan in ay Dowladda Itoobiya u yeertay Saraakiisheeda Ciidamada ee jooga gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jen. Gabre oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya ka jooga Soomaaliya iyo Jen. Johans oo ah Taliyaha Ciidamada Lugta Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ku sugan.
Lama oga ilaa iyo haatan waxa ay soo kordhin doonto u yeeritaanka ay madaxda Itoobiya u yeereen Saraakiishooda Ciidan ee ku sugnaa gudaha Soomaaliya, waxaase la eegi doona is-bedelka ay la yimaadaan saraakiishaas marka ay ku soo noqdaan Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia