4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2007
Ra’iisal Wasaare cusub oo loo magacaabay Soomaaliya

COL. NUUR CADDE: “Waxaan xoogga saari doonaa Nabadgelyada, Dib-u-heshiisiinta iyo Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada”

Khamiis, November 22, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaflad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada KMG ah ee Baydhabo ayaa waxaa uu xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya ugu magacaabay Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa Xoghayihii guud ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka hadlay xafladdii uu ku magacaabay Ra’iisal Wasaaraha cusub ayaa wuxuu ka sheegay in uu in muddo ahba ku howlanaa sidii uu u soo magacaabi lahaa qofka ku haboon in uu xiligan qabto Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya, kaasi oo uu sheegay in uu noqday Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Madaxweynaha oo la dardaarmayay Ra’iisal Wasaaraha cusub ayaa sheegay in looga fadhiyo in uu xilka loo magacaabay ka soo dhalaalo, isla markaana uu mudada ka harsan jiritaanka Dowladda Federaalka uu si aad ah u shaqeeyo, isla markaana uu dhameystiro howlaha qabyada ah ee u yaala Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu Ra'iisal Wasaaraha cusub ka codsaday in uu si dhaqsi ah ku soo dhiso Xukuumad awood leh oo Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed ka samatabixisa dhibaatada uu ku jiro, taasi oo sida uu yiri looga fadhiyo inay wax badan ku qabato mudada labada sano ah ee u harsan waqtiga loo cayimay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa xafladdaas ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), wuxuuna ugu horeyn u mahadceliyay ka soo qeybgalayaasha xafladdii lagu magacaabay oo isugu jiray Xildhibaano iyo Marti-sharaf kale, kadina wuxuu mahadcelin gaar ah siiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u magacaabay Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya.

“Waxaan ballanqaaday in xilka la ii magacaabay aan u gudan doona sida uu i farayo Axdiga KMG ah, aniga oo wada shaqeyn ka rajeynaya Bulshada Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee Dowladda iyo Beesha Caalamka guud ahaan, gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa aan saaxibka iyo deriska nahay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu dhiso Xukuumaddiisa uu xoogga saari doono Nabadgelyada, Dib u heshiisiinta iyo fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada, isagoo hay’adaha samafalka gudaha iyo dibadda ka rajeeyay wada shaqeyn.

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee maanta la magacaabay ayaa wuxuu yahay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Booliska Soomaaliyeed, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay Dowladdii Mileteriga ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Waa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya oo seddex sano jirsatay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaarahan uu ka yimid dibadda Baarlamaanka Soomaaliya, halka Ra’iisal Wasaarihii hore ee is-casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi laga soo magacaabay gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxay soo af-jareysaa su’aal ay maalmahan is-weydiinayeen Shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ahayd qofka uu noqon doono Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo jireen mas’uuliyiin badan oo isu soo sharaxay in loo magacaabo Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya.


Halkan ka aqriso Taariikh Nololeedka Ra’iisal Wasaaraha cusub oo kooban

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia