5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2007
Taarikh Nololeed kooban ee Ra’iisal Wasaare Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

Khamiis, November 22, 2007(HOL): Col Nur Hassan Hussein oo loo yaaqaan (Nur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha somaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965.

Howlihiisii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Nur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka boliiska Somaaliyeed waxa uu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, xilal kala duwana waxa uu ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Wuxuu taliye ku xigeen ka soo noqday xafiisyada qeybta Ciidanka, Xafiska qeybta Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL.

Saraakiisha iyo dhamaan ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxa ay rumansan yihiin Col Nur inuu ka mid ahaa Tiirarka aqoonta iyo maamul wanaagga u sameeyey Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sanadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sida la wada ogayahayna tayada Ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxay aheyd mid ku dhisan aqoon iyo maamul wanaagsan.

Sanadkii 1986 Col. Nur Cadde markii uu ka soo noqday wadanka talyaaniga halkaasi uu ugu maqnaa tababar muddo labo sano ah oo ku saabsan culuunta takhasuska Baarista Canshuuraha iyo sharuucda caalamiga ah, ayaa waxa loo magacaabay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu talo uga bixiyo denbiyada la xiriira canshuuraha iyo mamul xumada. Sanad ka dibna waxaa loo magacaabay Xeer Ilaliyaha Guud ee maxkamadda Badbaadada Dalka Somaaliyeed.

Waxaa Diyaariyay: Mohamed Hassan
[email protected]
[email protected]