Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
UN Report

2007 DV
 




Wararka Maanta - Khamiis - Nofember 03, 2005










·
· Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho oo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaalamayaan anshax xumida iyo nabadgelyo darrida
  Muuse Suudi oo sheegay in Xubnaha Dowladda Federaalka ee Jowhar jooga ay yihiin kuwo aan xor ahayn
  Soomaaliya oo si aan khilaaf lahayn muddo sanado ah maanta looga ciiday












Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka oo ku biiray Xubnaha Dowladda Federaalka ee Jowhar ku sugan

Khamiis, November 03, 2005(HOL): Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed, ahna Ku Simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre oo ku fikir ahaa xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa xalay gaaray magaalada Jowhar ee xarunta KMG ah u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.

Guddoomiyaha ayaa markii uu gaaray magaalada Jowhar waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole oo uu horkacayay Ra'iisal Wasaare Geedi, kadibna wuxuu shir ay albaabada u xiran yihiin la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi.

Md. Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa hadal kooban oo uu saxaafadda siiyay wuxuu ku sheegay in imaatinkiisa Jowhar uu rabitaankiisa ku yimid, isagoo meesha ka saaray in Jowhar looga yeeray, wuxuuna caddeeyay in fikirkii uu horay ula qabay Xubnaha Dowladda ee Muqdisho ku sugan ay wax iska bedeleen.

"Wixii aan u soo dhaaranay ma ahayn in aan meel iska fadhino oo aan mar walba mucaaradnimo iskala soo horjeedno, sidaas darteed waxaan goostay in aan ka dhabeeyo dhaartii aan ku maray in aan dadkeyga iyo dalkeyga u adeego"ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka waxaa uu sheegay in uusan Jowhar ku tegin Lacag iyo xil loo ballanqaaday, balse waxaa uu caddeeyay in uu isagu doortay in uu halkaasi tago si ay uu u guto dhaartii uu soo maray ee ahayd in uu ka qeybqaadanayo samatabixinta dalka iyo dadka. Md. Boqorre waxaa uu sheegay in uu gadaal ka sheegi doono in uu dib ugu noqonayo magaalada Muqdisho iyo in kale, wuxuuse xaqiijiyay in uu maalmahan ka howl bilaabi doono magaalada Jowhar.

Iyadoo ay jiraan warar isa soo taraya oo sheegaya in tegitaanka Jowhar ee Xildhibaan Boqorre ay ka dambeysay kadib wada hadallo hoose oo dhexmaray Mas'uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ee Jowhar ku sugan ayaa hadana waxaa la sheegayaa in Md. Boqorre uu u arkay Xubnaha Dowladda Federaalka ee Muqdisho kuwo aaney dhab ka ahayn nabadeynta magaalada Muqdisho , wuxuuna maanta Jowhar ka sheegay in howshii looga fadhiyay xubnaha Muqdisho in ay 3 Bilood ku qabtaan ay haatan madashii ay qabsadeen ay ku sii dhowdahay muddo sanad ah tiiyoo aaney jirin wax la taaban karo oo laga bedelay xaaladdii Muqdisho.

Mar sii horeysay ayuu Guddoomiye ku xigeenka ka dhawaajiyay in qorshihii dib u heshiisiinta labada garab ee Dowladda ee uu waday Xildhibaan/Wasiir Barre Aadan Shire Hiiraale ay ka soo horjeesteen Wasiirrada hubeysan ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo iyagoo laga tiro badan yahay cod veto ah ku diiday in qorshahaas dib u heshiisiinta horay loo sii wado.

Md. Cusmaan Cilmi Boqorre oo isku ahaa ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka ayay tegitaankiisa Jowhar dhabar jab weyn ku tahay xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo ay xubno ka tirsan oo Xildhibaano ah horay uga tageen, isla markaana ku biireen xubnaha Dowladda ee Jowhar ku sugan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho oo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaalamayaan anshax xumida iyo nabadgelyo darrida

Khamiis, November 03, 2005(HOL): Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta mar uu ka hadlayay Garoonka K/cagta Stadium Mogadishu oo uu uga qeybgalay tukashada Salaaddii Ciidda Soon-fur waxaa uu sheegay in Midowga Maxkamadaha ay sii wadi doonaan howlgalladii ay wadeen bishii Soon ee ku saabsanaa la dirirka nabadgelyo darrada iyo Anshax xumida.

Guddoomiyaha waxaa uu intaas ku daray in intii ay wadeen howlgallada ay ku guuleysteen in ay albaabada u laabaan Shineemooyin badan, goobo ay ku sugnaayeen dad jirkooda ka ganacsan jiray iyo weliba goobo lagu hayay waxyaabo anshax xumo ah, "Qofkii Shineemo xiro waxay la mid tahay isagoo Kaniisad yar xiray" ayuuna yiri Shiikha oo carrabka ku dhuftay in cajaladaha Shineemooyinka badankood lagu daaro ay yihiin kuwo ay Kaniisado soo dhibaan sida uu hadalka u dhigay.

Shiikh Shariif waxaa uu intaas ku daray in aysan suurtagal noqon doonin in ay iska fiirsadaan fasahaadin lagu hayo Ubadka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in ay la dagaalami doonaan kuwa ku sii madax adeygaya sameynta waxyaabaha aaney Diinta Islaamka baneynin, "ma suurtowdaa in aan Masaajidkii safka hore uga jirno, wiilasheenii iyo gabdhaheenii yar yaraana ay Shineemooyinka galaan?"ayuu Shiikh Shariif weydiiyay dadkii uu la hadlayay oo uu ka helay jawaab ahayd "Maya...Maya".

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in fasahaadinta lagu hayo dhallaanka Soomaaliyeed ay ka ogaadeen Shineemooyinkii ay ka howlgaleen ee ay ka soo qab qabteen Cajaladihii dadka loo daari jiray oo uu ku sheegay in ay u badnaayeen kuwo xun, "cajaladihii aan soo qabanay seddex meelood labo meel waxay noqdeen kuwo ay ku duuban yihiin Filimo xun xun oo dhinaca jinsiga ah.

Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu dhaleeceyn kulul dusha uga tuuray saxaafadda qaarkeed oo uu ku tilmaamay inay dhiirigelinayaan in ay shineemooyinka sii furnaadaan, isla markaana dhallaanka la sii baadiyeeyo, iyagoo sida uu yiri Shineemooleyda ugu baaqaya in ay Midoobaan oo ay iska celiyaan howlgallada Maxaakiimta.

Ugu dambeyntiina Ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho ayaa bishii Soon oo dhan iyo ka sii horba waxay gobolka Banaadir ka wadeen howlgallo burcad sifeyn iyo anshax xumo la dirir isugu jiray, waxayna tan xiligaas kasbadeen taageero iyo mucaarado uga imaaneysay dadka Muqdisho oo qaarna ay soo dhaweeyeen howlgalladooda, kuwo kalena ay u arkeen in ay awood iyo xukun ku raadinayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Muuse Suudi oo sheegay in Xubnaha Dowladda Federaalka ee Jowhar jooga ay yihiin kuwo aan xor ahayn

Khamiis, November 03, 2005(HOL): Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Muuse Suudi Yalaxow oo maanta xaruntiisa Degmada Kaaraan Salaadda Ciida Soonfur kula tukaday xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka ayaa munaasabaddaas kadib wuxuu saxafiyiinta u sheegay in xubnaha dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Jowhar ay yihiin kuwo doonaya in ay gobollada dalka kala goo-gooyaan, isagoo xusay in ay qorshahaasina wadato dowladda Itoobiya.

Muuse Suudi waxaa uu sheegay in aaney arrintaasi dhici doonin, isla markaana aysan raali ka noqon doonin in dalka Soomaaliya laga dhaqangeliyo qorshe cadaw wato, "xubnaha dowladda Federaalka ee Jowar jooga macal Madaxweynahooda waa kuwo Isticmaar u adeegaya oo aan xor ahayn"ayuuna yiri Muuse Suudi.

"Dadkan alle ha u sahlo, wasiirro, Ra'iisal Wasaare iyo Madaxweyne khyer qaba"ayuu mar kale yiri Muuse Suudi oo madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku eedeeyay in uusan dooneyn in hadal-san iyo dib u heshiisiin dadka isugu keeno, isagoo dhinaca kalena Ra'iisal Wasaare Geedi ku sheegay in uu yahay nin aanan wax fikir ah lahayn oo kaliya fuliya waxa uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf u sheego, si gaar ahna wuxuu arrinta xiritaanka Garoomada Dayniile iyo Ceel Axmed ugu eedeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Wasiirka Ganacsiga waxaa uu dhanka kale ka hadlay socdaalkii uu Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre uu ku tegay magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in ninkaas odayga ah uu booqasho ugu tegay xubno ka tirsan dowladda oo Jowhar ku sugan, wuxuuna intaas sii raaciyay in ay arrinta guddoomiye ku xigeenka qiimeyn doonaan kadib marka uu caddeeyo ujeedka socdaalkiisa.

Muuse Suudi Yalaxow waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan xiriirrada ay la sameynayaan mas'uuliyiinta gobollada Dalka Soomaaliya oo ay kala hadli doonaan sidii loo sii baahin lahaa dib u heshiisiinta iyo weliba maamul u sameynta gobolladaas, iyadoo ay taageerayaan in gobol kasta dadkiisa loo daayo in ay maamul u sameystaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Soomaaliya oo si aan khilaaf lahayn muddo sanado ah maanta looga ciiday

Khamiis, November 03, 2005(HOL): Magaalooyin badan oo ku yaala dalka Soomaaliya ayaa maanta si khilaaf la'aan ah muddo sanado ah looga ciiday, iyadoo xitaa dalka Sacuudiga oo inta badan Khilaafka uu uga imaan jiray dadka Soomaaliyeed Soonka iyo Soonfurka uu sanadkan waafaqay Soomaalida.

In ay maanta Ciid tahay waxaa xalay dadka Muqdisho u xaqiijiyay Culumaa'udiin si weyn looga yaqaano Dalka Soomaaliya iyo weliba Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Cumar Filish, kuwaasi oo aragtida bisha ka xaqiijiyay dad badan oo ku kala sugan gobollada dalka, kadibna waxay culumaa'udiinkii oo ay ka mid ahaayeen Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif iyo Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ay ku dhawaaqeen in ay maanta Ciid tahay, isla markaana Salaadda Ciida lagu tukanayo Garoonka K/Cagta ee Muqdisho Stadium.

Magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Jowhar, Beledweyne, Baydhabo, Kismaayo, Gaalkacyo, Boosaaso, Garowe, Kismaayo, Marka, Hargeysa, Baardheere iyo kuwo kale ayaan si weyn looga ciiday, iyadoo ay halkaasina isugu soo baxeen dadweyne aad u badan oo isugu jiray Rag, Dumar iyo Caruur si heer sare ah u soo labistay.

Garoonka Muqdisho Stadium ayay dadka Muqdisho badankood ku tukadeen Salaaddii Ciidda, iyadoo halkaasina ay khudbooyin ka soo jeediyeen Culumaa'udiin dhowr ah oo dadka Soomaaliyeed ugu baaqayay in ay is-cafiyaan, si looga aqbalo Soonka iyo Salaadda, iyadoo Shiikh Nuur Baaruud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo halkaasi ka hadlayna ay sheegeen in dhibaatada ku dhacday dadka Soomaaliyeed ay ku timid kadib markii ay gooyeen Xarigii Alle, isla markaana ay sameeyeen waxyaabo uusan Alle raali ka ahayn.

Labada Shiikhba waxay u soo jeediyeen dadkii Salaadda ku oogay Garoonka Muqdisho Stadium in ay Allaah u towbad keenaan, isla markaana ay qaataan ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo ah tan kaliya ee ay Dadka Muslimiinta ah ku badbaadi karaan haddii ay isku xukumaan.

Sidoo kalena Masjidka Abu Xanafi ee ku yaala magaalada Jowhar ayaa maanta waxaa ku tukaday dadweyne aad u faro badan, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisal Wasaare Geedi iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda, iyadoo Salaaddaas kadibna ay Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaruhuba dadka ugu baaqeen in ay u midoobaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u heshiisiinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka, iyagoo sidoo kalena Allaah uga baryay Dadka Soomaaliyeed in uu sanadkan kiisa kale ku gaarsiiyo Soomaaliya oo dhaanta sida ay haatan tahay.

Ugu dambeyntiina, Ciidan Soonfur ee sanadkan ayaa ahayd mid ay dadka Soomaaliyeed isku waafaqeen, waxaana yaraa khilaafkii jiri jiray sanadihii hore xiligaasi oo ay dadku labo ilaa seddex maalmood kala ciidi jireen sabab la xiriirta khilaaf u dhaxeeya Dariiqooyinka Diinta, waxaana tani suurtageliyay ayaa la dhihi karaa iyadoo uu soo korayo wacyiga dadka ee dhinaca fahamka Diinta.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online