Wuxuu ku soo barbaaray dhabta cayaartooydii heerka koobaad ee kubadda cagta Somaliya. Isaga ruuxiisa ayaa u ciyaari jiray kooxihii heerka koobaad ee kubadda cagta Somaliya. Kaasi waa Cabdi Rooble oo ah sawir-baahiye (Photo-Journalist) ku xeel dheer soo saaridda sawiradda lagu daaboco wargeysyada, majalladaha iyo buugaagta caalamiga ah, hormuud-na ka ah Barnaamijka Keydinta Mahadhada Somalida oo bishan Minnesota ku soo bandhigaya sawiro ay isaga iyo kaaliyayaashiisu ka soo qaadeen jaaliyadaha Somalida ee Woqooyiga America iyo Africa. Barnaamijka Keydinta Mahadhada Somalida (Somali Documentary Project) oo saldhigiisu yahay Columbus, Ohio ayaa, sida ku cad bartiisa shabakada internet-ka, waxaa hadaf u ah “ in iyadoo sawiro la isticmaalayo la abuuro keyd ka xog waramaya Jaaliyadaha Somalida ee Qurbaha inta eey wali dhaqankoodii sii heystaan”. Iyo “in, sida la rajeynayo, dareen caalami ah loo soo jiido dhaqanka Somalida, isla markaana Soomaalida ruuxooda la raad-reebo inta eey ku dhex jiraan khibradoodii ugu horeeysay ee [Qurbaha]”.

Cabdi Rooble waxa uu Somaliya ka soo haajiray 1986-dii, si uu qoyskiisa iyo naftiisaba meel uga soo saaro. Saddex sano kadib ayuu 1989-kii ku soo xarooday Mareykanka. Shaqadiisii ugu horeysay waxeey noqotay inuu Hotel nadiifiyo. Laakiin maalin maalmaha kamid ah ayuu indha-saaray aaladda wax lagu sawiro ee Kaamarada (Camera) loo yaqaano, isagoo maraya suuqa xaraashka ee Ohio ku yaalla. Hamuunka uu u qabay awgeed ayuu markiiba yaqiinsaday inuu maalin uun sawir qaade noqon karo. Hiigsashadii uu halkaas ka soo billaabay, Cabdi Rooble wuxuu 1994-kiiba noqday sawir-baahiye sawiradiisa lagu soo bandhigay wargeysyo laga qadariyo Mareykanka iyo caalamkaba, sida: Columbus Dispatch, Columbus Post iyo Leica View Magazine. Sawir qof kasta oo Kaamara heysta ayaa qaadi kara, laakiin curinta iyo qiyaasta baaxadda hadafka sawirka ayaa la is dheer yahay. Cabdi Rooble shaqadiisa sawir-baahiyanimo waxeey u qaaday dalal aduunka ku yaalla, sida Latin America, Japan iyo Yurub oo uu howlo shaqo u tagay.

Ha yeeshee, curintiisu kuma sinna sawir qaadanimo; Cabdi wuxuu dhidibada u aasay laba urur oo imminka laga tix-galiyo Woqooyiga America hadiiba sawir-baahin la soo hadal qaado (1). African American Photographers of North America (2) Focus Group.

Galabtii aan ugu tagay xarunta bandhigiisa ee Minneapolis waxaan u galay isagoo eey ku hareereysan yihiin xiiseeyayaal u dhuun daloola sawirada uu Cabdi soo bandhigay, oo Mareykan u badan. Cabdi oo eey qoorta u suran tahay dhowr Kaamaro ayaa bidix iyo midig uga qosolsiinayey xiiseeyayaashaas, isagoo su’aalohooda ka jawaabaya. Darbiga waxaa ku xardhanaa sawiro caddaan iyo madow ah (Black & White) oo kala gaddisan, laakiin Somali uun ah; Waxaa iigu murugo badnaa sawir gabar yar oo taagan kaabadda aqal doqosh ah oo uga dhisan xero qoxooti oo Kenya ku taalla, sida uu Cabdi ii sharaxay. Wajigeeda waxaa ka muuqda quus, rajo la’aan, daal iyo tiiraanyo raagtay. Waxaa kaloo ka muuqda ineey la yaaban tahay aaladda lagu beegayo wajigeeda ee sawirka looga qaadayo, oo malaha eeysan-ba aqoon. Dhabarkeeda waxaa laga dheehan karaa cunug kale oo isna u fiirsanaya guuxa soo abbaaray doqoshka yar oo eey ku meel gaarka uga yihiin dunidan, walow aan wajigiisa si quman loogu jeedin.

Dhanka kale, waxaa sawirada kamid ahaa wiil yar oo kursi ku fadhiya oo akhrinaya Qur’aanka Kariimka ah, dugsi ku yaalla Columbus, Ohio oo ah halka uu Cabdi iyo asxaabtiisuba deggan yihiin. Dadaal tiro badan ayaa wajigiisa ka muuqda. Intaas kaliya maahee Maryan Mursal oo heeseysa iyo aroos Soomaali, laakiin tilaamo reer galbeednimo ka muuqdaan ayaa iyana surnaa darbiyada goobta bandhigga. Sawir kasta hoostiisa waxaa ku qoran qeexid kooban oo tarjumeysa sawirkaas, goobta iyo goorta la qaaday.

Ka sokow Cabdi, waxaa ku wehliya Barnaamijkan, Sahal Cabdulle oo isna shahaado sare ku diyaarinaya cilmiga Sawir-baahiyenimada. Waa qofkii ugu horeeyey, inta aan ka warhayno, oo shahaado sare ku qaadanaya cilmiga sawir qaadista iyo baahinta. Qofkii aan aqoon, Sahal waa soo saaraha filimyo badan, oo ugu dambeeyey WADCI oo kal hore Minneapolis ka soconayey. Sawiradiisu kama dhacaan kuwa Cabdi Rooble. Waxeeyba ku soo bexeen wargeyska caanka ah ee Chicag Tribune iyo kuwa kale. Soomaliya ayuu goor walba sawiro ka soo qaadaa. Mar uu i tusayey keydkiisa, wuxuu ii jeedsiiyey sawiro uu ka soo qaaday Daafeed, Afgooye iyo Xamar, sanadkii tagay. Labaatan sano ayuu sawir-baahiye ahaa. Deganaan iyo feejignaan ayaa laga dheehan karaa marka uu sharaxayo wax-qabadkiisa.

Isna waxaa barnaamijkan wehliyey Tariq Tarey oo isagu ku cusub sawir-baahiyenimada, uuna soo baxnaaniyey Cabdi Rooble. Markii aan la kulmay-ba, waxaa kula kaftamay inuu dhab ahaan sawir-baahiye u muuqaal eg-yahay. Waa nin dhalinyaro ah. Sida ku qoran bartooda Internet-ka, wuxuu culuumta siyaasadda ku soo bartay dalka Syria. Haddana wuxuu meherad ahaan la shaqeeyaa hey’adaha kaalmeynta soo gallootiga ee Columbus, Ohio. Sawiradiisu ma shar yara. Waxeey ku soo bexeen Black History Month iyo Ohio State Univeristy wargeysyo eey leeyihiin sanadkii hore. Sidoo kale, Columbus Post xitaa weey soo bandhigtay sawiradiisa. Mar mar wuxuu Cabdi Rooble ugu wacaa “Macallin” isagoo uga mahad celinaya tababarkii uu siiyey.

Soomaalida ka sokow, barnaamijka waxaa qoraa sare ka ah Doug Rutledge oo Ph.D. ku heysta suugaanta English-ka, macallina ku ah. Iyo, Stanley Kayne oo turxaan-bixisa sawirada barnaamijkan, shahaado sare-na ku heysata cilmigan sawirada.

Marka eey isla sheekeysanayaan shantooduba, waxeey isugu yeeraan “brother” “Sister” (walaal iyo walaallo), taas oo aan caadi ahaan dadka isla shaqeeyaayi eeysan isugu yeerin. Mr. Rutledge ayaan weydiiyey, wuxuuna iigu soo koobay in dareen walaaltinimo uu u hayo asxaabtiisa intooda kale.

Barnaamijku wuxuu marti u yahay Xarunta Arts Midwest oo ah xarun daneysa sawirada. Suzzie oo ka socotay xarunta oo aan kula kulmay goobta bandhigga ayaa ii sheegtay in maadaama eey jaaliyadda Somalidu ku soo badanayaan gobolkan eey fursaddan noqon karto mid dadka Mareykanka ah barbar kale ku tusta dhaqanka Soomaaliyeed.

Dadka yaqaanna Cabdi Rooble waxeey ku amaaneen inuu yahay qof aad u furfuran oo soo jiidasho leh. Sida uu ugu maran yahay sharixidda sawiradiisa, loona ag dhooban yahay ayaa laga dareemi karaa dabeecadiisa wanaagsan. Tilaamn kasta oo loo yeelase, Cabdi Rooble waa sawir qaadihii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo howlo caalami ah qabtay.

Barnaamijka Keydinta Mahadhada Somalida waxaa laga heli karaa www.somaliproject.org oo eey xitaa qaar sawiradooda kamid ah ku jiraan, walow eeysan ku dhameeyn.

C/raxman Ceynte
Hiiraan Online
Minneapolis , MN
[email protected]






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online