Wakiilka Brussels ee Xisbiga Somali Social Unity Party (SSUP) oo kulan gaar ah layeelayatay Wasiirka Arimaha Brussels
Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
 
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
SUSA Netowrk

Arab News





Wakiilka Brussels ee Xisbiga Somali Social Unity Party (SSUP) oo kulan gaar ah layeelayatay Wasiirka Arimaha  Brussels

Minster President Brussels Mr. Charles Picque and Saciido Sheekh Axmed

Saida Sheikh Ahmed (VIP) oo ah Wakiilka Brussels u fadhiya xisbiga Somali Social Unity Party ayaa waxaa aay xalay kulan la yeelatay Mr. Chales Picque oo ah Wasiirka Brussels Minister President Brussels ayagoo isla qaadaa dhigay kana wada hadlay sidii ay gacan uga gaysan laheeyeen xisbigaan cusub ee bilaawga ah, asagoo u howl galaya dadka soomaaliyeed ee dhibaataysan iyo dalka soomaaliyeed ee burburay, islamarkaana Xisbiga SSUP wuxuu ka shaqeeynayaa mustaqabalka Soomaliya.

Saida Sheekh Axmed ayaa Wasiirka u sheegtey inuu xisbiga danaynaayo xiriir gaar ahaaneed inuu la yeesho siyaasiyiinta Reer Brussels iyo shacabka Reer Brussels madaama ay maanta noqotay Brussels meel caalamka fiariisamo ku leh, Xaruna u ah Midoowga Yurub iyo NATO iyo weliba ururo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale wakiilka brussels ee SSUP Saciido Sheekh Axmed waxay u sheegtey Wasiirka Mr. Charles Picque inuu xisbiga SSUP la koowsanayo dhibaatooyin dal burbursan iyo dad daalan isla markaana uu yahay xisbigaan kii ka shaqayn raba dal iyo dad ay nabadii ka guurtey wuxuuna  u baahan yahay hiil iyo hoo, talo iyo tusaale isagoo uga baahan cid walba gaar ahaanse xisbiyada dhigiooda yahay Social Party ayay tiri Saida Sheikh.

Saciido Sheekh Axmed iyo wasiirka aad iyo aad isu helay fursad aay isu warsadaan ayey saciido u sheegtay ineey tahay wariye ka shaqeeya EU Parliament balse aaysan ku ekaanayn kaliya shaqadeedaas waxayna tiri waxaan isku arkaa in aan ka imid dal i tabaaya iina baahan waxaa jirta dad igu yiraah hadaad tahay SUXUFI weriye siyaasada waa kaa xaaraan balse qibrada aan ka helnay Yurub ayaa beenisey taas oo markaan argnay saxiibadeen aan wada shaqayno oo dhan in ay u shaqeeyaan danaha dalalkooda iyo dadkooda oo ay ka hormariyaan saxaafadooda wax ay ugu yeeraan Danta Guud ayaan anigana go'aansaday inaanan iloobin danta guud ee dalkayga ee aan faraqa u xirto taasoo maanta qof kaqtoo Soomaali ah laga doonayo inuu iska xilsaaro inuu yahay Danjire u maqan dalka Soomaaliya uuna noqdo Shiikhul Kuli uuna danta dalkiisa u huro naftiisa.

Wasiirka Mr. Charles Picque ayaa aad u soo dhaweeyey dhamaan afkaartii aay Saida Sheikh u gudbisay waxayna u gudbisay godoomay Document ka waramayey Xisbiga Somali Social Unity Party iyo ayadoo ka waday fariin gaar ah ay ka waday Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Yaasiin Maaxi Anigoo ah shaqsi Somali ah, islamarkaana ah shaqsi IXELLOISE (Reer exilie), ahna BRUXELLOISE (Reer brussells, ahna FRANCOPHONE-FRANCOPHONIE (gobalada ku hadla afka faransiiska, ahna WALLONIE,  ahna BELGIE (Reer belgium) islamarkaana xubin ka ah xisbiga Parti Socialist PS ( Belgium) waxaan codsanayaa inaad Dalkayga Soomaaliya iyo dadkeeyga Soomaaliyeed  oo uu xisbigaan SSUP u yahay hormuud badbaadintiisa inaad nagu gacan siisaan kor u qaadida xisbiga SSUP" Mr. Picquet ayaa gacan qaaday Saida VIP una sheegey inuu wixii awoodiisa ah diyaar u yahay.

Mr.Picquet ayaa sidoo kale ah xubin laga sooo doorto xisbiga Socialist Belgium ee la yiraahdo Party Socialist (PS) isagoo dhawaan qabtay xilkaan Wasiirnimada Brussels ayaa waxaa u sidoo kale caawa la kulmayay xubnaha xisbiga PS tan iyo markii la doortay  13 June 2004 oo ku beegneyd xili la galayay fasaxyo,ayaa xalay  isagu xubanaha xisbiga  PS war galinayay wixii uu qabtay ilaa iyo intii uu xilka hayay iyo dhibaatooyinka horyaal oo uu doonayo inuu xal u helo.

Sidoo kale Saida Sheikh Ahmed VIP oo ah xubin ka tirsan xisbiga PS ee Brussels ahna xubnaha cusub ee dhawaan la qaatay ayaa waxaa habeenkaan xalay ah la horkeenayey dhamaan xubnihii hore si ay isku bartaan waxaana ay kala hadlaysay sida ay ku noqon lahayd siyaasiyad aad uga dhaqdhaqaaqda Brussels.

Dhanka kale ayaa waxaa ay sidoo kale wakiilka SSUP Saida Sheikh ay Document u gudbisay xubno sarsare ee xisbiga kuwooda u qaabilsan gudaha dalka iyo dibadaba waxana ay gudoonsiisay Mr. Philippe Brunelli oo ah madaxa xisbiga qaybta xaafada Ixelle iyo ku xigeenka duqa magaalada Ixelle iyagoo soo dhaweeyey in ay gacan ka siiyaan Saida Sheikh Ahmed horumarinta xisbiga SSUP iyo waliba riyadeeda siyaasadeed eeku aadan mustaqbalka siyaasada ee Brussels iyo Wallonie ( Belgium) sidoo kale ayay horey ugu gudbisay decument ka hadlayaaya Xisbiga SSUP iyo fariin ka socotay gudoomiyaha SSUP Mr. Maaxi iyo xubnaha sarsare ee xisbiga SSUP Sedex qof oo ku jira Baarlamaanka Yurub oo kala ahaa Mrs. Gleyns Kinock, Mr. Max Van Den Berg, iyo Poul Nyrup Rasmussen iyagoo sidoo kale soo dhaweeyey xisbigaan cusub.

Saida Sheikh ayaa ayaa saxaafada u sheegtey SSUP waxaa loo aasaasay in lagu horumariyo umad dhibaataysan oo daawadoodana mar kasta laga dhigaayo SUN , SUNTANA qof ma daawaysee waa ay dishaa,  hadaan nahay SSUP waxaan rabnaa inaan la imaano wixii hore wax ka badalan waxaan diidan nahay Qaran Qabiil Lagu dhiso, waxan diidanahay daadashada Dhiiga masaakiinta, waxaan diidanahay dhaca iyo boobka, waxaan ka horjeednaa dulmiga iyo ku xadgudubka xaquqda aadmiga, waxaan si aan ganbasho lahayn u diidanahay dagaalo iyo colaad, waxaan diidanahay in afka la qabto saxaafada, waxaan diidanahay in qof bini`aadam ah xuriyada laga qaado, waxaan diidanahay yasida umada iyo kala saraynta, waaan rabnaa horumar cadaalad ku salaysan, shir iyo showr, waxaan donaynaa qof walbaa inuu si xor ah u noolaado, isagoo ka xor ah colaad iyo dagaal, waxaan doonaynaa in uu qof walbaa helo aqoon waxbarasho, caafimaad, dhaqaale uu ku noolaado, waxaan doonaynaa xiriir wanagsan inaan la lahaano dowldaha aduunka, waxaan oganahay muhiimada dowldaha dariska ah iyo in aan lahaano xuduudo nabad ah iyo ganacsi xor ah, waxan doonaynaa in aan is dhaafsano luuqadaha dowlaha dariska ah iyo inaan is barano, waxana doonayna inaan yarayno is nacaybka ka jira Soomaliya iyo dowldaha dariska ah, waxaan siyaasadeenan ku salaayn doonnaa intaas oo qodob anagoo shacabka Soomaaliyeed doonayna inaan isku barno horumarinta iskuulada iyo cusbitaalada iyo wax kastoo u ah dan umada Soomaliyeed ee aan sida caadiga u ahayd hogaamiyayaasha aan isku bari doonin umada qori iyo xoog siyaasadeena waa mid ku salaysan horumarin iyo wado hadal, is jacayl iyo wada shaqayn, gargaar iyo gurmad, dhaqan iyo diin, waana mid aan hubeysneyn uusan waligeed ku daadan doonin dhiig, waxaana ka codsanaynaa dhamaan intii nagu mabda' ah in uu u furan yahay in ay kusoo biiraan xisbigan SSUP uuna soo dhawaynayo shaqsi kasto oo Qaran ah kana xor ah Qabiil"  Mabda`eenu waa u gurmo dalkaaga iyo dadkaaga hana ka daalin.

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xurinta xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed.
www.ssup.org
[email protected]

Hiiraan Online











Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online
 

Waqtiga Salaadda

SISAWA
The Right Way to Pray
Somali Sunah
Listen & Read Quran

Benadir_Islam
AFLAX.NET
ISLAM TOMORROW
Iimaam Shaafici
Boqolsoon

Khalid Bin Walid

La Soco Tafsiirka
Ottawa Muslims
Maktabatu Al-Hudda
Islamic City
MSA
IVIEWS.COM
Learn about Islam