Abaal marin qiimo leh oo la gudoonsiyay 6 qofood oo u dhashay Gobolka Köln ee dalka Germany
Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
SUSA Netowrk

Arab News





Abaal marin qiimo leh oo la gudoonsiyay 6 qofood oo u dhashay Gobolka Köln ee dalka Germany

6 Qof oo u dhashay gobolka Köln ee Gemany ayaa La gudoonsiiyay abaal marin heer gobol ah oo ah mid aad looga ixtiraamo dalka Germany

Abdi Ali mumin oo ka soo jeeda asalkiisa dalka Soomaliya kuna noolaa dalka Germany laga bilaabo 1971 ayaa si muuqata uga qayb qaatay isku xirka bulshada isagoo ku heley abaalmarintaan la yiraahdo Verdienstkreuz Am Bande oo ah ilaa heer gobol ah taaso ah mid aad looga ixtiraamo dalka Germany isaga iyo 5 qofood kale oo ah iyaguna dad u dhashay Köln ( Kölner ) ayaa la wada siiyay abaal marintaan.

Mumin ayaa ka noqday xubin ka mid ah gudiga fulinta waxaanu wax ka aasaasay urur la magac baxay German Somali Association iyadoo sanadka markuu ahaa 1978 uu hogaanka ururkaas u doortay xubin sare ee ah gudiga fulinta sidoo kale ayuu Mr. Muumin 1977 ka qayb qaatay kana talo bixiyay sidii loo sii dayn lahaa haysigii ( hostage) diyaarada sharikadda Lufthansa ee lagu afduubay Muqdisho wuxuuna ka bixinayay talooyin badan oo wax ku ool ah sidii loo sii dayn lahaa sidoo kale ayuu ka qayb qaatay kana qayb galay si firfircoon horumarinta dimoqraadiyada dalkiisa taasoo u ku mutaysatya abaal marintaan qaaliga ah

Sidoo kale waxaa abaal marintaan la gudoonsiiyay Prof. Joachim Metzner oo ahaa macalin dugsi sare ama waxaa loogu yeero High School Policy teaching and Research iyadoo sida caadiga ah Germany loo kala qaado dugsiyada High School laba qaybood oo kala ah mid Technical ah iyo mid research ah intaba wuxuuna ku guulaystay labadaan hab wuxuuna ahaa agaasime Technical High School ilaa 1989

haweeney da la yiraahdo Karin Gilbert ayaa iyana ku guulaysatay abaal marintaan iyadoo la shaqaysay 40 ganacsato ah iyo ururada loo yaqaan NGO waxayna aasaastay ururka la yiraahdo Deutzer Freiheit ( xuriyada dadka u dhashay Jarmalka gaar ahaan reer Köln) si loo sameeyo wadooyin ganacsi oo soo jiidasho leh.

Mr.Heribert Gunther ayaa sidoo kale abaal marintaan ku heley isagoo ka socda melaha wax lagu sanceeyo ee aan ahayn warshadaha waawayn ee ah waxa loogu yeero Small Enterprise oo anan lagu shaqayn mashiinada waawayn wuxuuna si gaar ah ugu taqasusay waxaa loo yaqana electronic 1978 wuxuu hogaaminayay si firfircoon Kaniisada Katholiga sidoo kale 1998 wuxuu ahaa duqa magaalada.

Julius Knappertsbusch ayaa sidoo kale ku guulaystay abaal marintaan ayaa isagu ku biiray 1976 xisbiga midigta ah ee Germany looga yaqaan CDU qaybtiisa dhalinyarada isagoo ka mid noqday gudiga sare ee hogaaminta ururka dhalinyarada ee la yiraahdo Kalk/Humboldt Gremberg 1979 waxaa loo dortay Regional Representation body isagoo maantana ah madaxa ama gudoomiyaha kooxda ama Group ka.

Mr. Albert Wolff ayaa isna ku guulasytay abaal marintaan isagoo ahaa Madaxa NGO loo yaqaan Burger Verein Köln ( Peoples Association) kaasoo la yiraahdo yiraahdo Koln-humbold-Gremberg isagoo aad uga howlgalay kuna mashquulsan ilaa hada is dhaxgalka dadka ajnabiga iyo Jarmalka ama waxa loo yaqaan Integration adna si firfircoon uga qayb gala arimaha dhalinyarada sidoo kale dadka qabiirada ah ee gobolka dhexdiisa ah 1990 waxa aloo doortay gudomiye ku xigeenka gudiga fulinta ururka SPD ( Part Group Of the Town K ö ln)

Waxaan warbixintaan ka soo xiganay wargeeys ka soo baxa magaalada K ö ln oo lagu magacaabo " Kölner Stadt-Anzeiger "
Waxaa tarjumay Saida Seikh Ahmed VIP
Brussels, Belgium

Hiiraan Online











Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online
 

Waqtiga Salaadda

SISAWA
The Right Way to Pray
Somali Sunah
Listen & Read Quran

Benadir_Islam
AFLAX.NET
ISLAM TOMORROW
Iimaam Shaafici
Boqolsoon

Khalid Bin Walid

La Soco Tafsiirka
Ottawa Muslims
Maktabatu Al-Hudda
Islamic City
MSA
IVIEWS.COM
Learn about Islam