![]() Tacsida Marxuum Cusmaan Sabriye Cali Allaha u naxariistee waxaa Sept 28keedii ku geeriyooday magaalada Dir Dhabe ee dalka Itoobiya Gen. Cusmaan Sabriye Cali (Cusmaan Sokor). Taariikh Nololeedka Gen. Cusmaan Sokor
Gen. Cusmaan Sokor waxaa u ku dhashay magaalada Buula Burte ee gobolka Hiiraan Sannakii 1912. Waxuu ku biiray ciidamadii Talyaaniga sannadkii 1927, isagoo 15 jir ah, kana gaaray darajada ugu sarreysay ee la siiyo nin Soomaali ah. General Cismaan Sokor waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee lagu aasaasay ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed (XDS), isagoo ku soo qaatay tababarkiisa ciidan waddamada Talyaniga iyo Ruushka, waxuuna ka soo qabtay ciidanka dhexdiisa xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen taliyaha hoggaanka lacagta ee XDS, iyo taliyaha qeybta gobolada dhexe. Curashadii kacaanka kaddib, general sokor waxuu soo qabtay xilal ay ka mid ahaayeen, 1969-1972: Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, 1972-1981: Guddmiyah gobolka Jubbada sare. General Sokor waxuu ciidamada hawlgab( retired) ka noqday sannadkii 1983. waxuu ifka kaga tegay 35 isugu jirta waxuu dhalay iyo wax ay sii dhaleen iyo xaaskiisa , hooyo Xaliima Sabriye Colaad. iiyo marxuumkana janadii alla ha ka waraabiyo. Aaamiin. Halkaan Riix si aad tacsidaad ugu reebto buugga tacsida. Tacsida Marxuum Cusmaan Ducaale Geele Waxaan halkaan tacsi uga direynaa Qaraabadii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Cusmaan Ducaale Geele oo dhawaan ku geeriyooday garoonka No. 50 ee gobolka Shabeelada Hoose. Waxaan ilaaheey uga baryeeynaa in uu jannadii ka waraabiyo dhammaanteena samir iyo iimaan Halkaan Riix si aad tacsidaad ugu reebto buugga tacsida |