Marxuum Cali Cumar Sheegow

Mudane Cali Cumar Sheegow wuxuu dhashay sanadkii 20 july 1924, wxuuna ku dhashay
Mareeg Somalia. wuxuuna kusoo barbaaray quraankana kusoo bartay degmada Baraawe

1941 – 1949: Soo gelidii wadanka Somalia ee Ingiriiska wuxuu ka mid noqday
ciidamada booliiska ee Ingiriiska oo loo yaqaaney Somali Gendarmery Field Force
isagoo gaarey derejada seddex xarigle (inspector) isagoo isla markaa noqday taliyaha saldhiga
booliiska ee Orientale Xamar, Belet weyne iyo Buula Burte.

1950: Waxaa bilowday maamulkii Talyaaniga (Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia-UN Trusteeship) oo
loo yaqaaney AFIS.

1950 – 1952 Waxa uu ka mid noqday ardeydii dhiganeysay macadka siyaasada iyo
maareynta (Scuola
speciale di preparazione Politico Amministrativo) oo seddex sano
lagu dhiganayey Somalia halka sanno oo hareyna wadanka Talyaaniga iyadoo uu ku
qaatey shahaado BA- Political Sceince

1955–1956 Waxaa loo magacaabey DCga ama dhiisiiga Bulo Burte (Commisario
distrectuale di Bulo Burte)

1956–1958 Waxaa loo magacaabey barasaabka gobolka Majertenia (Governatore
Regione della Migiurtinia- Bosaaso)

1958–1960 Waxaa loo magacaabey Governatoorihii gobolka Banaadir iyo
Gudoomiyaha Olimbikada Somalia

1 Luulyo 1960 waxaa lagu dhawaaqey xoriyada koonfurta Somalia oo ku jirtay gacanta
Talyaaniga (AFIS) isla markaana waxaa lagu dhawaaqey in ay isku darsameen Koonfur
iyo Somaliland oo ku hoos jirtay Britian (UK)

1960–1961: Waxaa loo magacaabey agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada
ee dowladii ugu horeysay Somalia.

1962–1964 Waxaa loo magacaabey safiirkii Somalia ee barwakha sooranka Yurub (Eurooean Economic Community-(EU)
ee xarunteeda tahay Biljimka.

1964 Waxaa loo doortey barlamaankii sedexaad (3 Asemblea Legislativa)

1964 waxaa loo magacaabay wasiirka Garsoorka

2 bil Kadib Wuxuu noqday wasiirkii qorsheynta qaranka ee markaas uu isagu aas aasay kadib maki howshaas uu xilsaaray cabdirsaaq xaaji xuseen raisul wasaarihii soomaaliya

1966 -1967 : Waxaa loo magacaabey wasaarada maaliyada iyo lacagta (Finanza)

Xiligii dowladii Aadan Cabdulle Cusmaan eey dhamaatay waxaa dhacay dooraahadii 10 June 1967 madadaxweynimada waxaa ku guulrystay Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqday Madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna Maxamed Haji braahim Cigaal u magacaabay Raisul wasaaraha

1967 -1968: Waxaa loo magacaabey wasiru dowlaha arimaha dibadda

1968 – 1969: Waxaa loo magacaabey wasiirka beeraha iyo daaqa.

1969 xiligii doorashadii cusbeyn wuxuu noqday xildhibaan matalaya gobolkiisa baraawe

Xilgaasna waxaa dhacay inqilaabkii October 21 1969 dowladii ratidka aheyd halkaaseey ku dhamaatay

Guud ahaan Xilalka wasiirnimo ee uu soo qabtay ama loo magacaabay Cali cumar
Sheegoow waxaa ka mid ahaa:

Wasiirka arimaha diinta iyo Garsoorka

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibedda

wasaarada maaliyada iyo lacagta

wasiirka wasaaradda beeraha iyo daaqa.

Fadlan halkaan ku dhaaf tacsida marxuum Marxuum Cali Cumar Sheegow