INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Marxuum Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indhacase)

Waxaan halkaan tacsi uga direynaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indhacse) oo maanta oo ay bishu tahay 21 Febaraayo ku geeriyooday weerarkii ka dhacay madaxtooyada.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyaynaynaa xaaskiisa Cawrala Faras Cadde iyo carruurtiisa, walaalihiis, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shaqaynayay soo noolaynta qarannimadeeda.

Maxamuud wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo naftiisa ku waayay isaga oo dalkiisa u adeegaya. Wuxuu ahaa agaasimaha xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012kii. Intaas ka hor wuxuu muddo dheer degganaa magaalada Ottawa ee dalka Kanada halkaas oo uu ka tirsanaa madaxda jaaliyadda.

Wuxuu hawl badan ka qabtay arrimaha waxbarashada iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Maxamuud wuxuu gacan weyn ka geystay mashaariic fara badan oo laga hirgeliyay dalka Soomaaliya intii uu joogay Kanada iyo intii uu ahaa agaasimaha xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya. Maxamuud wuxuu shahaadadiisii jaamacadda ka qaatay kulliyaddii Lafoole ee Jaamacadda Ummadda isagoo shahaado sare ka qaatay jaamacadda Ottawa.

Waxaa Maxamuud lagu xusuusan doonaa daacadnimo, howlkarnimo, iyo muslimnimo. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu dembigiisa dhaafo janno fardowsana ka waraabiyo. Aamiin.

Halkaan ku dhaaf Tacsidaada