Tacsida Marxuum Yuusuf Cabdullahi Cawaale (Yuusuf Oog)

Waxaa bishan Oktoobar 3 deedii Oktoobar ku geeriyooday magaalada Hargeysa allaha u naxariistee Marxuum YUUSUF CABDULLAAHI CAWAALE (YUUSUF OOG). Marxuum Yuusuf ayaa wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanada Guurtada ee Soomaaliland, Wuxuuna muddo dheer macalim ka ahaa magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Marxuum Yuusuf Cabdullahi Cawaale ayaa wuxuu ku dhashay degmada Gabiley. Wuxuu waxbarsahdiis ka bilaabay dugsiga hoose ee Gabileey, dugsiga dhexena degmada Cadaadleey. Sannadkii 1969 ayuu ka soo qalin-jabiyey macahdkii tabarka macalimiinta ee loo yaqaanay NTEC.

Wuxuu muddo dheer macalin ka ahaa magaalada Beled Weyne halkaas oo loogu baxshay YUUSUF OOG.

Yuusuf wuxuu ka dib ka qalin-jabiyey kuliyadda waxbarashada ee LAFOOLE.

Burburkii dalka ka dib, wuxuu ka mid noqday xildhibaanada Golaha Guurtada ee Soomaliland ilaa ka geeriyoodo.

Marxuum Yuusuf Cabdullahi Cawaale ayaa ifka ka tagay Shan qofood.

Waxaa geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa iyo waliba aradiisii oo kal jooga adduunka oo dacalada adduunka . Waxaan ilaaheey uga baryeeynaa in uu jannadii fardowsa ka waraabiyo. Dhammaanteyna Samir iyo iimaan allaha naga wada siiyo AAMIIN. AAMIIND

Fadlan halkaan ku dhaaf tacsida Marxuum Yuusuf Cabdullahi Cawaale