Tacsida Marxuumad Timiro Waasuge Rooble

Waxaa bishaan July 17, 2018 magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan ku geeriyootay allaha u naxariistee Marxuumad Timiro Waasuge Rooble

Waxaa geerideeda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan ilaaheey uga baryeeynaa in uu jannadii fardowsa ka waraabiyo. Dhammaanteyna Samir iyo iimaan allaha naga wada siiyo AAMIIN. AAMIIND

Fadlan halkaan ku dhaaf tacsida Marxuumad Timiro Waasuge Rooble


Tacsida Marxuum Generaal Guudle Maxamed Nuur

Waxaa si gardaro ah kooxo hubeysani ay ugu dileen duleedka degmada afgooye Generaal Guudle Maxamed Nuur isaga oo ku sugan beer uu halkaasi kulahaa degaanka Doonka oo 25 sano ugu dambeeysay.

Generaal Guudle Maxamed Nuur ayaa waxaa uu ka tirsanan jirey Ciidankii Xooga Dalka Somaliyeed isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladii hore, Generaal guudle ayaa waxaa uu wax kusoo bartay Akadeemiyadda militariga Masar, Generaal Guudle ayaa waxaa uu taliye gaas mar kasoo noqdey 26aad ee waqooyi galbeed.

Generaalka ayaa waxaa uu ahaa saraakiishii wax kasoo dhistey ciidanka xooga dalka somaliyeed 1977 wuxuu hogaaminaayay guutadii 5aad ee gashay dagaalkii 77.

Genaral Guudle, wuxuu ahaa sarkaal ku tilmaaman karti iyo geesinimo. Wuxuu mar ahaa Taliyaha Gaaska Koowaad ee ciidammada Xoogga Dalka. Wuxuu ku taqasusay howlaha hoggaaminta iyo maamulka ciidamada. Wuxuu ahaa nin khibrad, waaya-aragnimo iyo aqoon u leh maamul ciidan.

Tan iyo burbutkii dowladii kacaanka generaal Guudle Maxamed Nuur waxaa kuu ku noolaa deggenaa degmada Afgooye ee gobolka shabelaha hoose halkaasi oo uu beeraley ku ahaa isagoo mar walba ka danqan jirey sidii soomaaliya ay ahaan jirtey iyo sida ay hada ku socoto.

Isku soo wada duub ayadoo ay jirto dhamaan intaas oo wanaag ah oo uu halyey guudle geystey ayaa si qalad ah warbahinada qaar shaley wexey u qoreen in uu ahaa nin ka tirsan ciidanka nabadsugida isla markana u shaqeynayey taasoo ah mid aanan laga fiirsan markii la qoraayey.

Waxaan halkan uga tacsiyeynayaa qoyskiisii, ehelladiisii iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa carruurtiisii iyo ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Fadlan halkaan ku dhaaf tacsida marxuum Gen. Guudle Maxamed Nuur