INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Marxuum Cabdalla Cumar Carmaan

Waxaa magaalada London ee dalka UK ku geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum ABDALLA OMAR ARMAN. Waxaa geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa iyo qaraabadiisa meel kasta oo ay joogaan.

Marxuum ABDALLA Omar Arman lagu xusuusan doonaa daacadnimo, howlkarnimo, iyo muslimnimo. Wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo sadex Wiil iyo Hal gabar. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu dembigiisa dhaafo janno fardowsana ka waraabiyo. Aamiin.

Halkaan ku dhaaf Tacsidaada

 

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Marxuum Xaaji Cabdi Cali Cabdi BARADHO

AR

Waxaa magaalada Ottawa ee dalka Kanada ku geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdi Cali Cabdi (BARADHO). Waxaa geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa iyo qaraabadiisa meel kasta oo ay joogaan.

Marxuum Baradho ayaa in muddu ah degganaa magaalada Ottawa ee dalka Kanada, wuxuuna ahaa shaqsi aad looga jeclaa bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa iyo guud ahaan dalka Kanada.

Waxaa marxuum Baradho lagu xusuusan doonaa daacadnimo, howlkarnimo, iyo muslimnimo. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu dembigiisa dhaafo janno fardowsana ka waraabiyo. Aamiin.

Halkaan ku dhaaf Tacsidaada

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Marxuum Axmed Cismaan Faarax DHAGAJUUN

Waxaa magaalada Montreal ee dalka Kanada ku geeriyooday allaha u naxariistee Marxuum Axmed Cismaan Faarax Dhagajuun. Waxaa geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa iyo qaraabadiisa meel kasta oo ay joogaan.

Marxuum Axmed Cismaan Dhagajuun ayaa in muddu ah degganaa magaalada Montreal dalka Kanada, wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo shan gabdhood.

Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu dembigiisa dhaafo janno fardowsana ka waraabiyo. Aamiin.

Halkaan ku dhaaf Tacsidaada