INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Marxuum Osman Ahmed Obow

Waxaa isagoo safar gaaban oo uu ku booqanaayo hooyadii oo London joogta kana safray gobolka Virginia ajashii Rabbi ku timid kuna geeriyooday magaalada London, UK walaalkeen marxuum Osman Ahmed Abow. Waxaan Allah SWT uga rajeeyneenaa dambi dhaaf iyo in uu geliyo jannadiisa Fardowsa.

Hooyadiis iyo ehelkiisana samir iyo iimaan allaha ka siiyo - AAMIIN AAMIIN

Halkaan ku dhaaf Tacsidaada

 

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Marxuum Nabadoon Cismaan Adan Maxamed Cadaawe

"Anagoo ah Mohamed Mukhtar, Cabdikarim Mukhtar iyo Yusuf Mukhtar waxaan tacsi u diraynaa caruurtii iyo eheladii uu ka baxay Nabadoon Cismaan Adan Maxamed Cadaawe oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho 31 December 2017. Nabadoon Cismaan Cadaawe waxa uu caan ku ahaa nabadeynta iyo xoojinta qaranimadda. Waxaan Ilaah ugu baryeynaa inuu janadii ka waraabiyo, eheladiisa iyo asxaabtiisana inuu samir iyo iiman ka siiyo. "

Halkaan ku dhaaf Tacsidaada