![]() Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo maanta ku geeriyooday Magaalada Qardho
Arbaco, March 15, 2006(HOL): Alle ha u naxariistee Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo ka mid ahaa boqorrada sida weyn looga ixtiraamo Dalka Soomaaliya, gaar ahaana deegaanada Puntland ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Qardho, iyadoo marxuumka oo da'diisa lagu qiyaasay 80 sano-na uu muddooyinkan qabay xanuuno daweyntooda xitaa dalka dibaddiisa mar loogu qaaday. Mas'uuliyiin ka tirsan maamul Goboleedka Puntland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi ayaa caawa ku sugan magaalada Qardho, si ay uga qeybgalaan aaska Marxuum Boqor Maxamuud oo la filayo in uu maalinta berri ah dhaco. Sidoo kalena, Guddi Heer Qaran ah oo qaban qaabinaya aaska marxuumka ayaa waxaa magacaabay Madaxweyne Cadde Muuse, iyadoo dadweyne aad u fara badanna ay ku sii qulqulayaan magaaladaas, si ay uga qeybgalaan duugta marxuum Boqor Maxamuud.
|