INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Tacsi Geerida Drs. Xabiba Cabdikarim Cali

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Waxaa 1da Abrile 2020 lagu asaasay Magaalada Borlänge, dalka Sweden Drs. Xabiba Cabdikarim Cali, oo halkaaso ku geeriyotay 25dii Maarso 2020. Drs. Xabiba waxay rasmi ahaan u degganeyd Magaalada London, dalka Ingiriska.
Marxuumadda waxay ku dhalatay magaalada Dhusamareb, Soomaaliya halkaaso ay ku dhammeysatay waxbarashadeeda Quranka iyo Dugisga Hoose, kaddibna u soo wareegtay magaalada Muqdisho, halkaaso ay ku dhammeysatay waxbarashadeeda dugsida dhexe ee Ganacsiga (Middle School for Commerce) iyo Dugsiga Sare ee Sheikh Xassan Barsame sannadkii 1972. Waxay shaqo ka bilawday Wakaaladda Qaranka ee Mooska; Isla markaa waxay ka mid noqotay ardadii loo qaatay Kulliyaddii Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Somali National University) oo ay ka qalan jabisay sannadkii 1976. Kaddib, waxay u wareegtay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxtooyada Dowladda Soomaaliya oo ay ka aheyd Xoghayn iyo Agaasimaha Maamulka Maaliyadda ilaa burburkii dowladda Soomaaliya 1991. Drs. Xabiba Cabdikarim Cali waxay aheyd qof aqoon yahan ah, cibaado badan, howlkar ah, samofalo ah, lagu yaqiin daacadnimo iyo ammaano.
Waxaan Ilaahey ka baryeynaa inuu marxuumadda u naxariisto, kana waraabiyo Jannadiisa Firdowsa. Waxaan ka codsaneynaa Ummadda Soomaaliyeed inay cafiyaan, una soo duceeyaan marxuumadda.

Halkaan ku dhaaf Tacsidaada

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Marxuum Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Waxaa 3da Abrile 2020 ku geeriyoday Magaalada London ee Cargia Ingriiska Dr. CABDUQAADIR CALI BOOLAAY. Allaha u naxariistee Dr Cabdulqaadir ayaa wuxuu taariikh dheer ku lahaa halgankii gobanimadoonka Soomaaliya isaga oo xubin firfircoon ka ahaa ururkii SYL oo halkan dheer u soo galay qaranimada dalka Soomaaliya.

Dr. Cabduqaadir wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, Xaafadda Xamar Weyne Bishii Feberaayo sannadkii 1930. Wuxuu waxbarashadiisii ku qaatay magaalada Muqdisho. Dr. Cabdulqaadir isaga oo aad u da' yar ayuu ku biiray ururkii SYL ee xaafadda Xamar Weyne. 1958 Dr. Cabduqaadir waxaa loo dooraty Guddoomiyiii Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed. Sannadkii 1963 wuxuu noqday agaasimhii wargeyska "Corriera della Sera". 1979kiina wuxuu madax ka ahaa waaxda qoraalka ee Wasaaradda Warfaafinta. Intii ku noolaa qorbaha wuxuu wax ku qori-jiray warsedi lagu magacaabo "TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA. Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaaye wuxuu ahaa halgamaa taariikhdiisa aan halkaan lagu soo koobi-karin. Waa halyeey ka baxay shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ka codsaneynaa Ummadda Soomaaliyeed inay cafiyaan, una soo duceeyaan marxuumka

Halkaan ku dhaaf Tacsidaada