Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ku magac dheeraa "Cabdi-Waraabe"

Sharikadda Dahabshiil oo ka tacsiyadeynaya geerida Marxuum Xaaji Cabdi Waraabe.

Allaha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargaysa Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ay geeridiisu ay taabatay dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa waxaa wayn loogu xasuustaa arrimaha dib u heshiisiinta, samataliska iyo isu soo dhawaynta bulshada, taariikh dheerna ku dhex lahaa, ayaa wuxuu sanadkii 1898-dii ku dhashay miyiga magaalada Hargaysa sida uu BBC-da u sheegay intii uu noolaa.

Maamulaha guud ee Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Saciid Ducaale (Dahabshiil) ayaa yiri:

“Masoo koobi karno taariikhda dheer ee Xaaji Cabdi Waraabe gaar ahaan dowrka ku aadan sida weyn ee uu dhiirigalin jiray ganacsiga iyo dhaqaalaha”

“Waxaan xusuustaa in uu ka hadlay furitaankii Dahabshil Bank oo uu ka sheegay in dhaqaalaha oo kor loo qaado ay la mid tahay horumar dhinac walba ah in dadkeenu ay gaari karaa" ayuu Mudane Cabdirashiid