Jimco, Maarso, 29, 2024 (HOL) - Bankiga Adduunka ayaa digniin u diray dowladda Soomaaliya, digniintaas oo ku aaddan dib u dhaca ku yimaada soo gudbinta warbixinta hanti dhowrka ee mashaariicda uu Bangiga Adduunka maalgeliyay.
Warkii oo dhan
More Articles
Khamiis, Maarso, 28, 2024 (HOL) - Dowlada Soomaaliya iyo shirkada diyaaradaha ee Emitrates ayaa labadooduba waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay baahisay Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, oo sheegayay in ay isku dhici gaadheen diyaarado ay leeyihiin Emirates iyo Ethiopian Airlines.
Arbaco, Maarso, 27, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 80 Shabaab ah in lagu dilay howlgallo laga fuliyay Goballada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.
Talaado, Maarso, 26, 2024 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu si adag uga soo horjeedo, ugana digayo beddalidda Dastuurka KMGยญ ka ah, si aan Soomaali heshiis ku ahayna meesha looga saaro mabaadi'da asaasiga ah iyo qaab dhismeedka Dowladnimada ee ku salaysan hannaanka Federaalka.
Isniin, Maarso, 25, 2024 (HOL) - SSC- Khaatumo ayaa ku eedeeysay dowladda federaalka Soomaaliya in mashaariic loogu talo galay degaanada SSC- Khaatumo loo marsiiyay Somaliland, taasoo ay sheegeen inay muujinayso in dowladda federaalku weli aaminsan tahay in degaanada SSC- Khaatumo ay katirsan yihiin Somaliland.
Axad, Maarso, 24, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sharciga horkeenayso shabakaddii ka dambeysay abaabulka weerarkii dhawaan lagu qaaday hotel SYL ee magaalada Muqdisho.
Sabti, Maarso, 23, 2024 (HOL) - Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Shariif Sheikh Axmed oo magaalada Garowe ee maamulka Puntland ku shiray ayaa soo saaray warmurtiyeed ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Jimco, Maarso, 22, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka maamulka Puntland Maxamed Cabdiwahab ayaa si kulul uga hadlay qorshaha wax ka badalka Dastuurka oo ay ku howlan tahay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Khamiis, Maarso, 21, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u dhaleeceeyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Arbaco, Maarso, 20, 2024 (HOL) - Kooxda Al-shabaab ayaa shaacisay magaca ninkii fuliyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ku bilaawday weerarkii habeenkii Jimcahii lasoo dhaafay kooxdu ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ku yaala xeyn daabka madaxtooyada Soomaaliya.
Talaado, Maarso, 19, 2024 (HOL) - Duqayn uu Mareykanku ka fuliyay degaano hoos yimaada degmada Afgooye, oo qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi galbeed uga magaalada Muqdisho, ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, sida aan kasoo xiganay ehelada dhibanayaasha.
Isniin, Maarso, 18, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in ay maran yihiin akoonada hay'adaha mashaariicda ka fulin jiray Puntland.