Ayaan Ayaandaraa Haysata

Cawaale Xuseen

Ma dhabaa haweenaydii diinta Islaamka nijaasta ku saydhay inay meel banaan kusoo dhacday? Ma dhabaa gabadhii Nebi Maxamed (NNKHA) ku sheegtay kaligii taliye, macangeg iyo mayiikoole (lecherous tyrant) inay haad geed waayey noqotay? Ma dhabaa gabadhii Quraanka ku sifaysay shati ama ruqso cadaadis (a licence for oppression) inay meehanow tahay oo ay raadinayso cid magangelyo siyaasadeed u fidisa?

Ma dhabaa in salaankii la duulay oo ay Laanta Socdaalka ee Holland dhinac noo dhaaf ku tidhi haweenaydii si ay u raaligeliso magacna ugu dhexyeelato Reer Galbeedka qortay filimkii raqiiska ahaa ee submission (Agoosto 2004) ee ay kusoo bandhigtay qof dumar ah oo jidh-dilan, adeerkeed kufsaday, qaawan oo ay korkeeda aayado quraan ah ku qortay.

Ayaan Xersi Magan


Haa, waa dhab. Ayaan Xirsi Magan oo dalka Holland ku joogtay Ayaan Xirsi Cali waxaa laga xayuubiyey xubinnimadii baarlamaanka dalkaa iyo ka mid ahaanshihii xisbigii ay ka tirsanayd ee Volkspartij voor Vrijheid en Democratie (VVD), dhalashadii Hollandina waa laga faramaroojiyey in kastoo wali waanwaani u socoto. Waxay usoo qaxaysaa Maraykanka iyadoo magangeliyo doon ah.

Ayaan waxay ku dhalatay Soomaaliya 1969kii, sida qoyskeedu sheegay. Waxay Soomaaliya ku noolayd todobadii sano ee cimrigeeda ugu horreeyey, waxay dabadeed tagtay Itoobiya halkaa oo ay mudo kooban ka dib u gudubtay dalka Kenya . Kenya waxay joogtay mudo qoyskeedu ku sheegay 10 sanadood, dabdeed waxay u dhaaftay Sucuudi Careebiya. Waxay Yurub soo gashay horraantii 1990aadkii iyadoo ka dhulbillowday dalka Germalka.

Dalka Holland waxay timid 1992kii waxayna Laanta Socdaalka ee dalkaas u sheegtay inay hadda uun kasoo gashay Soomaaliya oo aanay wadan kale oo kuwa Heshiiskii Geneva (Geneva Convention) sixiixay ka mid ah soo marin. Heshiiska Geneva (Agoosto 12, 1949) wuxuu dhigayaa in qofka qaxootiga ahi magangalyo weydiisto dalka ugu horeeya ee uu yimaado mar hadii dalkaasi ka mid yahay kuwa heshiiskaa sixiixay, nabadgelyana yahay. Waxay kale oo ku dooday inay baxsad tahay oo ay kasoo carartay guur waalidkeed ku qasbay nin aysan rabin.

Holland way aqbashay maadaama ay tahay dal qaxootiga u nugul Heshiiskii Geneva na sixiixay. Waxay Ayaan dhalashada Dutch ka qaadatay 1997kii. Intii ay Holland joogtay waxay isu martay shaqooyin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen nadiifiye, xamaal warshadeed, turjubaan iyo kuwo kale. Laakiin shaqooyinkaa kuma raagin oo si degdeg ah ayey jaranjarta u fanatay.

Cilmiga Siyaasadda ayey ka baratay jaamacad isla Holland ku taala oo la yidhaahdo Leiden University . Intaysan siyaasadda gelin, Ayaan waxay ku dadaashay inay dhaliisho dhaleecaysana diinta Islaamka iyo ehelkeedaba. Waxay ku biirtay xisbiga siyaasiga ah ee dhinaca midig u badan ee VVD, waxayna ku guulaysatay kursi baarlamaanka dalka Holland , sanadkii 2003.

Intii ay baarlamaanka ku jirtay ayey qortay buugga ay ugu yeedhay Submission filimka aan kor ku xusayna ku salaysan yahay. Buuggaa waxay ku sheegtay in Islaamku dumarka xaqiray, filimkana sidaa oo kale ayey ku muujisay iyadoo isticmaalaysa jilaayaal caddaan ah iyo codkeeda oo ah qofka filimka laga dhexmaqlayo.

Filimka oo qiyaastii 11 daqiiqo socday waxaa soo saaray film sameeye Dutch ah, Theo Van Gogh. Magaalada Amsterdam dhexdeeda ayaa ninkaa lagu dilay bishii Nofeember 2, 2004tii. Meydkii Theo Van Gogh waxaa lagu dhajiyey waraaq afar bog ah oo ku qorrayd Af-Carabi iyo Af-Dutch. Waraaqdaa waxaa loogu digayey Ayaan looguna sheegay in iyaduna ay meyd-noole tahay maxaa yeelay Muslimiintii Holland ayey argagixiso weyn ku abuurtay.

Submission ma ahayn markii ugu horaysay ee Theo Van Gogh uu Islaamka wax ka sheego. Wuxuu horay usoo saaray buug uu ugu yeedhay Alle ayaa Inaga Og ( Allah Knows Better) oo uu ku cambaareeyey imaamyada masaajidda Holland oo dhan. Wuxuu sidoo kale horay usoo saaray filim aan Islaamka khusaynin oo uu u bixiyey Blind Date oo noqday filim caan ah kaasoo uu kaga waramayo anshax-xumada jinsiga ah ee ku faaftay Holland .

Dilka ninkaa filim sameeyaha ah iyo waraaqda hanjabaadda ahba waxaa loo xidhay oo lagu eedeeyey inuu gaystay Moxamed Bouyeri, 28 jir asalkiisu Marookaan yahay laakiin dhalasho Dutch ah haysta.

Haddaba maxaa lagu haystaa Ayaan?

Waxaa lagu haystaa been iyo isdabamaris badan; magaceeda oo ay been ka sheegtay, da'deeda oo ay been ka sheegtay iyo iyadoo qarisay inay soo martay Germalka intii aanay iska dhiibin Holland .

Ayaan Xirsi Magan waxay ku andacootay inay magaceeda badashay si aan qoyskeedu u soo helin halka ay ku nooshay ka dib markay soo baxsatay iyadoo kasoo carartay nin lagu qasbay inay guursato. Waxaa lasoo xaqiijiyey inaan sheekada nin-ku-qasabka ahi sal iyo raad toona lahayn ka dib markii walaalkeed laga soo duubay filim uu sheegashadaa ku beeniyey.

Waxay sidoo kale ku dooday inay da'deeda badashay si aan Laanta Socdaalka ee Holland usoo helin warkeeda oo sax ah iyo wadamaday soo martay. Waxaa kale oo ay sheegtay inay ku qasbanayd inay qariso inay Germalka soo martay haddii kale Holland ma qaabisheen.

Beenahaasi kolkay soo baxeen ayaa Rita Verdonk, wasiirka Laanta Socdaalka ee Holland oo ay isku xisbi yihiin (VVD) Ayaan una tartamaysa hogaaminta xisbigaa ku dhawaaqday in dhalashadii laga qaaday Ayaan. Warkaasi markuu soo baxay ayey Ayaan soo gaabisay socdaal ay ku joogtay Maraykanka si degdeg ahna ugu noqotay Holland . Waxay ku dhawaaqday inay Maraykanka usoo wareegayso shaqana ay halkaa ka billaabayso.

Fikirka siyaasiga ah ee ay Ayaan ku socoto ma aha mid ay iyadu leedahay ama ay dadnimadeeda ku abuurtay. Waxaa iska leh maskaxda siyaasiga ah ee Ayaan, inkastooy kala xisbi ahaayeen, ninkii garabka midig ee xagjira hogaaminayey, dadka qaxootiga ahna aad u nebcaa, Pim Fortuyn iyo Theo Van Goghka aan kor kaga waramay. Waxaa kale oo la odhan karaa Herman Phillips oo ah aabaha diinlaawayaasha Holland ayaa doorka ugu weyn ku lahaa in Ayaan karkaarka weydaarato oo ay diinta Islaamka ka baxdo.

Jaalle Fortuyn May 6, 2002 ayaa si gaadmo ah lagu dilay isagoo kasoo baxaya idaacad uu markaa waraysi siiyey. Wuxuu ahaa 54 jir, wuxuuna isaga naf ahaantiisu ku sheegay diinta Islaamka diin dibdhacsan. Dilka Pim waxaa loo xidhay qareen caan ah oo bii'ada u doodi jiray oo garabka bidix gacansaar la lehaa.

Herman Phillips ayaa Ayaan siyaasadda ku gardaadiyey, Pim Fortuyn iyo Theo Van Gogh oo labaduba caan ku ahaa nacaybka Islaamka iyo xaalad abuur xun oo dadka qaxootiga ah ka dhan ah ayaa sidoo kale siyaasadda ku anqariyey, macallimiinna u ahaa Ayaan.

Maraykanka: xisbiga talada Maraykanka haya ee uu Jaalle Bush hor kaco wuu soo dhawaynayaa Ayaan sida uu ku dhawaaqay ku Xigeenka Xoghaya Arimaha Dibaddu, Robert Zoellick. Shaqo ayaa diyaar u ah oo waxay la shaqaynaysaa urur garabka midig ah oo xaruntiisu tahay Washington DC lana yidhaahdo American Enterprise Institute. Ururkaasi wuxuu caan ku yahay Islaam nacayb. Sidoo kale waxaa Ayaan diyaar u ah ilaalo ammaankeeda sugta.

Maraykanka kolkay degto, Theo Van Gogh iyo Pim Fortuyn waxaa u badali doona oo ijaaso siin doona niman neo-con loogu yeedho oo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka afduubay una adeegsaday inay ku fuliyaan danaha Yuhuudda. Pat Robertson iyo Jerry Forewell oo labaduba caan ku ah naceybka Islaamka iyo ehelkiisa iyo faafinta xumaanta iyo siyaasadaha kasoo horjeeda qaxootiga iyo dadka midabka leh oo dhan ayey Ayaan golewadaag la noqon doontaa.

Inkastooy Maraykanka imanayso, halkii ay Reer Galbeedka ka degtana aysan muhiim ahayn, haddana waxaa la odhan karaa Ayaan inkaartii Muslimiinta iyo cuqubaday galabsatay ayaa soo riday oo waxaas oo fadeexo ah u keentay. Waxaa kale oo la odhan karaa (beydkii Cabdullaahi Dhoodaan haddaan jebino) midabka iyo afkay ugu egtee, ma aha Soomaali. Waxaa lagu sunti karaa meerisyadii Axmed Sheekh Jaamac ee ahaa:

Nin qaraabadii casiyoo gole, ku ceebeeyay
Cuqubaa u dihin oo nabsaa, ceejo soo ridiye
Isagoo intuu cilil ku dumay, caato uu imane
Cashadaa ayuu qiran wuxuu, caamo ka ahaaye
Caqli-yare hadhkiisuu u bogaa, ways cajabiyaaye
Danbaad ugu calool fuuriyee, calasho jiidhkayga

Diinta Islaamka: waxaan leeyahay waraabe midhkiisii ahaa ulna layla gaadhi waa, cayna waxba laygu yeeli waa. Ayaan cadow unbay kasbatee diinta Islaamka cay waxba ku yeeli mayso. Salmaan Rushdiba aflagaado waxba kaga qaadi waa Islaamka. Mar kasta oo ay diinta Islaamka wax ka sheegaan waa mar kasta oo ay sii badato dadka diinta soo gala ee mabda' ahaan ugu qanca una qaata.

Diinta Islaamku waxay soo degtay iyadoo gabdhaha la xabaal-nololiyo, dumarkana sidii xoolihii loo kala iibsado. Waxay soo degtay iyadoon dumarku wax xuquuq ah bulshada ku dhex lahayn. Dabadeed way xoraysay oo diiday xumaan kasta oo dumarka lagu cadaadinayo.

Ma dhici kartaa in rag muslimiin ahi ku xadgudbaan xaasaskooda? Haa way dhici kartaa, sida ay uga dhici karto ka Yuhuudka ah iyo ka Kiristaanka ahba. Haddii nini ku xadgudbo xaaskiisa eedda ma diinta uu haystaa leh mise isagaa shaqsi ahaan leh? Jawaabtu way caddahay.

Diin cayga: Quraanka waxaa ku jirta aayad macnaheedu yahay: Muslimiiney diimaha kale ha caayina si aan dadka diimahaas haysta si aargoosi iyo jaahilnimo ah Ilaahay u caayin. Diin caygu waa xaaraan Islaamka dhexdiisa. In tan Islaamka la caayana uguba daran oo xadka ayaa lagaga baxaa. Haddaba Muslimiintu diimaha kale inay caayaan waxaa ka reebtay diintooda. Muslimiinta saxda ah kuma jiro qof sida Ayaan dhadhamo iyo magac jaceyl u dullooba iimaankiisana u iibsada.

Muslimiinta waxaa la gudboon inay bartaan diintooda kuna dhaqmaan anshaxa fiican ee ay u jidaysay. Haddii muslimiintu diintooda marti ku yihiin ma dhici karto inay ka difaacaan Ayaan iyo kuwa la mid ah ee iibsaday iimaankii iyo nasabkoodiiba. Sida kaliya ee Ayaano badan inay soo baxaan looga hortagi karo waa in ubadka lagu tarbiyeeyaa dhaqanka Islaamka si ay ugu arkaan ku dhaqanka Islaamku inuu yahay mid fiican oo ay ku faani karaan uusanna ahayn wax laga faano.

Cawaale Xuseen
E-mail:
[email protected]

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 
HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online