TALO MA U HAYSAA MAXKAMADAHA?

Warqad Furan oo ku socota Hoggaanka Saree Golaha Maxaakiimta… 

 

Talobixin.

 

Somaaliya maanta waxay mareysaa marxalad kala guur ah, waxaa laga gurrayaa: (mugdiga jahliga, cadaaladdarrada, cilmaaniyada, colaadda, qabyaaladda, dagaal sokeeye & dowlad la’aan, qaranjab & quursi iwm) waxaana la tiigsanayaa:  (iftiinka aqoonta, cadaalad loo dhan yahay oo shareecada Islaamka waafaqsan, tubta nabadda, Somaalinimada & sinnaanta, sharaf & karaamo iwm).  Sidaas awgeed, muwaadin kastoo Somaaliyeed  waxaa waajib ku ah inuu  qeyb libaax ka qaato hirgelinta himilada lagu higsanayo horumarinta dalka hooyo: (qof u hura naftiisa qaaliga ah, qof taakuleynta dhaqaalaha ka qeyb qaata, qof talo toosan bixiya iwm). Raqba waa ku raggeeda ! Haddaba anigoo ah waayeel waayo-arag ah, waxaan hoggaanka saree Golaha Maxaakiimta u gudbinayaa qoraalkan kooban oo ah talo bixin ku saabsan marxaladda kala guurka ah:

 

(1)                  Difaaca Dalka:

 

Marka uu dal ka curto isbedel siyaasadeed iyo maamul waxa ugu horreeya ee gacan adag lagu qabto waxa ugu mudan waa difaaca dalka hooyo iyo sugidda ammanka gudaha. Difaaca dalka oo ah waajibaadka 1aad ee muwaadin kasta xaq looga leeyahay inuu ka qayb qaato, ayaa billowga horeba looga baahan yahay in bulshada lagu guubaabiyo difaaca dalka, maxaa yeelay waa arrin aan looga maarmin jiritaanka dalka, dadka iyo diintaba. Waxa xeerarka caalamiga ah looga hadlay laguna caddeeyey in  dal kasta xaq u leeyahay ayna qasab ku tahay ilaalinta qarannimadiisa haddii kale meesha ay ka baxeyso sharafka iyo karaamada (sovereignty) ummadaasi  leedahay.

 

Maanta waxaa muuqata in Gumeysiga Xabashidu dalkeenna si bareer ah ugu soo xadgudubtay meelo badanna kasoo gashay siiba deegaamada ku teedsan xaduudaha oo haddii aan si deg deg ah taas looga hor tegin ku soo fidi doonta ilaa gudaha dalka iyo caasimadda. Xabashida oo ah cadaw soo jireen ah ayaa neceb wax kastoo wanaag ah oo ka hirgala Somaaliya, waxayna  mar walba ku hawlan tahay, iyadoo kaashanaysa imberaaliyadda caalamiga ah inay qaado tallaabooyin burburin ah iyo mid ay isku direyso dadka Somaaliyeed ee walaalaha oo ay hub isugu dhiibto. 

Haddaba, si halista maanta taagan  looga gudbo, waxaa lagama maarmaan ah in si degdeg ah loo hirgeliyo qorshahaan:

 

(1)   In guud ahaa dadweynaha la abaabulo, lana hormariyo wacyigelin iyo guubaabo waddaniyad ku dhisan. Marxaladda qalafsan ee maanta lagu jiro waa lagama maarmaan in dadweynaha si ballaaran loo abaabulo lana hirgeliyo halkudheg oranaya “Wixii dhiiglahaw kaca, qalabka warbaahintana laga joogteeyo suugaantii guubaabada ahayd (hees & gabay) ee Somaalida lagu qiiro-geliyey dagaalkii 77.

(2)   In meel kasta (magaalo, tuulo ilaa ceel) laga billaabo diiwaangelinta dadweynaha u darban difaaca dalka hooyo, lagana dhaadhiciyo xaqa ay  qaranka ku leeyihiin iyo waajibaadka qaranku ku leeyahay iyaga  (rights & duties).

(3)   In la yagleelo xeryo tababar (mucaskar) oo dadka loo kala saaro dhalinyaro loo carbiyo dagaalyahanno, dumar loo tababro gargaarka caafimaadka (first aid) iyo ganacsato loo tabaro  taakuleynta saadka iyo dhaqaale uruurinta. Waa in si  degdeg ah loo unkaa xarumo caafimaad oo dhiigga lagu keydiyo..

(4)   Afar jeer oo taarikhda ku xusan ayaa dagaal dhexmaray Xabashida iyo Somaalida (Axmed Gurey, Daraawiishtii Sayid MCXasan, 1964 & 1977) afartii goorba Somaaliya ayaa dagaalka ku adkaatay, hase ahaatee Xabashida waxaa u soo hiilliyey walaalahood Kirishtaanka. Sidaas awgeed waa in annaguna aan walaalaheena muslimiinta ah hiil iyo iskaashi ka dalbanaa, walow shaqsiyan aan si niyad ah u aaminsanahay gabaygii xikmadda xambaarsanaa ee Sayid Mxamed ku yir “Maandhow cayaayirka iga daa Carabi waa naage”.

(5)   Dhalinyaradii hanaqaaday sanadaha quursiga iyo qaranjabka een taarikhdii la soo maray waxba ka aqoon, waa in la  xusuusiyaa  dgaalladii dhexmaray Somaalida iyo Xabashida isla markaana si cad loo fahamsiiyaa taarikhiyan Somaalidu inay ka burji sarayso kana adag tahay Xabashida ama Amxaaro Injirley.

 

                              (2)  Sugidda Nabadgelyada iyo Sirdoonka: 

 

Alle mahaddi Maxaakiimtu ilaa hadda waxay ku guuleysteen inay jawi nabadgelyo ku soo dabbaalaan gobolladii ay gacanta ku dhigeen, waxaase lagama maarmaan ah in la sii adkeeyo nabadgelyadaas Alle keenay,  lana hirgeliyo fekrada hoose:

 

(A)  In magaalada loo qeybiyo  (Sectors) dhowr waaxood, waax kastana loo sii qeybiyo dhowr Laamood, laan kastana loo sii qeybiyo dhowr unug (Deris ka kooban ilaa 100 qoys, madaxa deriseyntu waa inuu si hoose ula socdaa dhaqdhaqaaqa deeggaanka  boqolkia qoys).  Waa in la helaa maamul iyo Maxkmad si dhab  ah isugu xiran  oo taxan Waax ilaa Unug. Maxaakiimta ku midoobay dar Alle iyo difaaca diinta, Somaali badan oo anigu aan ka mid ahay, waxaan u aragnaa tallaabadii Somaali uga gudbi lahayd qabyaaladda la degtay ee asaageed ka reebtay. Sidaas  awgeed, Maxkamadihii waayadii hore loo dhisay habka beel beesha ah waa in lagu beddelaa Maxaakim Somaaliyeed loona gudbaa maamul heer Qaran ah… Tusaale Maxkamadda Ifka Xalan waa inay noqotaa isku-dhaf madax looga  dhigay Sheekh Jareer ah.. Sidoo kale Maxkamadda Dayniile waa inay noqotaa isku-dhaf madax looga dhigay Sheekh Banaadiri ah.. Sidoo kale Maxkamadda Al-Furqaan waa inay noqotaa iskudhaf madax looga dhigay Sheekh Digil ah. Haddii beel kasta Maxkamad furato, waxaa qiime beelaya hadafka Maxaakiimta, taasina waxay noqonaysaa USC oo shaarkii loo beddelay iyo tafaraaruq cusub.

 

(B) Sirdoonka gudaha waa in la kordhiyaa lana hawgeliyaa haweenka oo ku fiican hawlaha basaasidda, maadaama ay heli og yihiin warka xun iyo xanta. Shaydaan baa yiri maanta waxaan suuqa u iib geeyey Been iyo Xan, wuxuu yiri beentii waxaa iga iibsaday ganacsato, xantiina waxaa iga iibsaday haween.

 

* Hawlaha Sirdoonka oo u baahan aqoon iyo waayo-aragnimo, waa lagama maarmaan in dib loo hawlgeliyo wixii ka nool NSStii iyo Boliiskii dowladihii hore ay u tababareen hawlaha Sirdoonka. Fadlan waa in la garwaaqsadaa hawlaha Sirdoonku inay u baahan yihiin dad midabyo badan oo shirqool kasta kashifi kara.

 

*  Jaajuusiinta & Kaadirka  Itoobiya oo dalka si xoog leh uga hawlgala iyo NGOleyda xogta xasaasiga ah u tebiya shisheeyaha mushahaarka siiya ka sokow,  waxaa kaloo dalka ku badan dad aan ku abtirsan sinjiga Somaalida oo ah soogalooti aan afsomaali ku hadlin,  kuwaasoo u muuqda jaajuusiin dalka lagu firdhiyey. Sidaas awgeed waxaa habboon in dadka Soogalootiga ah dalka laga cayriyo ama si rasmi ah loo diiwaangeliyo oo lala socdo dhaq-dhaqaaqooda.  Sababtoo ah 16 sano Somaaliya waxay ahayd dhul aan la kala xigin oo aan maamul dhexe lahayn (no mans land)

 

              (3)  Maamulka Gobolka Banaadir:

 

Waxaa ila habboon inaan lagu degdegin maamul u sameynta  Gobolka Banaadir, waxaase ku talinayaa in loo sameeyo gole maamul oo ku meel gaar ah (Provisional Regional Administration)  ilaa la xaqiijinayo laba arrimood oo muhiim ah:

 

(A)     Dib-u-heshiisiin Qaran oo dhamaystiran

 

(B)     Kacdoonka dadweynaha ee Maxaakiimtu hoggaamiyaan  ilaa la wada gaarsiinayo 18ka gobol ee Somaaliya.

Fiiro Gaar ah:  Sanadihii fowdada waxaa soo ifbaxay (Tujaarul Xarbi Tekniko leh) oo dadweynaha si xun u cunaqabateeyey. Maamulka ilaha dhaqaalaha sida dekadda iyo Airport waa in laga fogeeyaa  ganacsatada arxamka-darran ee ku milan Maamulka Maxaakiimta, waa haddii la doonayo in la kasbo taageerada iyo kalsoonida danyarta dulman.. Sababtoo ah horaa loo yiri “Tujaar tabargalay miskiin uma turo”  Dhinaca kale, waxa shacabku weli ka sugayaan Golaha Maxaakiimta in ay sicirka badeecadaha raashinka kontoroolaan waxna ka qabtaan kuwaas oo shacabka danyarta ah si ba’an loogu cunaqabateeyey. Beryahaan waxaa magaalada ku soo kordhay sicirbarar xad-dhaaf, waxaana la moodaa ganacsato ka soo horjeeda maamulka Maxaakiimta inay doonayaan inay iska horkeennaan shacabka iyo Maxaakiimta.

 

      (4) Saxaafadda:

 

Adduunka oo dhan dowlad kasta waxay ku taagan tahay laba tiir oo muhiim ah, kuwaasoo kala ah Sirdoon iyo Saxaafad. Haddaba waxaa Maxaakiimta la gudboon inay si foojigan u kordhiyaan Saxaafadda iyo  Sirdoonka (Mass media orientation & Intelligence Services) gudaha iyo dibeddaba. Xagga saxaafadda waxaa muhiim ah in si degdeg ah loo dhaqangeliyo qodobadan:

 

(A)     In la sameeyo Website & Wargeys  afkaarta Maxaakiimta lagu soo bandhigo.

(B)     In la helo aqoonyahan codkar ah oo noqda afhayeenka Maxaakiimta. Iyadoo la tixgelinaayo murtida oranaysa qof walba shaqada ku habboon haloo dhiibo (Right-man to right-job). Afhayeenku waa inuu la mid noqdaa Josef Geobbles oo ahaa wasiirkii warfaafinta Nazigii Jarmalka xilligii Adolfo Hitler. Geobbles wuxuu ahaa aftahamka awood u leh inuu beenta run u beddelo. Afhayeenka Maxaakiimta waa in kaligi  lagala xiriiro war kastoo Maxaakiimtu u gudbinayaan saxaafadda gudaha iyo dibeddaba. Waa lagama maarmaan in laga gudbo isbarbaryaaca hadda socda.

(C)     In la abaabulo Suugaanleyda Eebbe ku manaystay hal-abuurka, loona xilsaaro hanuuninta dadweyanaha.  Fadlan hala xusuusto Maxamed Siyaad Barre 21 sano inuu dalka ku haystay  suugaantii laga joogteeyey  Qalabka Warbaahinta Qaran iyo khudbadihii laga joogteeyey xarumihii hanuuninta dadweyanaha (Orientations) ee laga dhisay xaafad kasta.

(D)      Habka hadda loo tebiyo khudbadaha salaadda jimcaha waa in wax laga beddelo. Khudbadda Salaadda jimcaha Afka Carabiga horti waa in lagu aqriyaa Af-Somaali si dadku u fahmo macnaha iyo ujeedada. Khudbadda jimcuhu waa inay ka hadashaa  guud ahaan marxaladaha qalafsan ee maanta addunka ka taagan, gaar ahaan mushkiladaha Somaaliya iyo sidii looga gudbi lahaa (wayicgelin & guubaabo xambaarsan Alle ka cabsi & waddaniyad). Waa lagama maarmaan in la tirtiro lana mamnuuco khudbahadaha hadda masjidyada laga aqriyo oo u eg kuwa la qoray xilligii Cabaasiyiinta.

(E)      Macnaha “Saxaafadda Xorta ah” Somaalidu si qaldan ayey u fahamtay oo ah  “waxaad doonto sheeg”.  Saxaafadda gudaha (Idaacadaha, Wargeysyada, Shabakadaha Internetka  Website) waa in lagu sameeyaa dib-u-habeyn xoog leh oo la saanqaadi karta waaga cusub.  Marka la qiimeeyo sida ay hadda u shaqeeyaan, waxaa muuqata waqtigooda inta ugu badan inay geliyaan “Iidheh/Xayeesiin  iyo warbaahin ku salaysan been-abuur iyo naar-afuuf”. Waa lagama maarmaan in si degdeg ah loo soo saaro sharci ku saabsan  qeexidda shaqada saxaafadda gudaha isla markaana lagu booriyaa inay waqtigooda u huraan “danta guud iyo wacyigelinta bulshada” si loogu tilmaamo berrinka barwaaqo iyo baraaraha mustaqbalka.  Saxaafadda Xorta ah waa in la siiyaa Shati (License) ay ku shaqeeyaan kaasoo marka ay qalad galaan, laba digniin kadib lagala noqon karo Shatiga meheraddu ku shaqayso.

 

(5)Dhaqaale Abuuris:

 

Nabadgelyo ma jiri karto dhaqaale la’aan.. Dhaqaale ma jiri karo nabadgelyo la’aan. Si xigmadaas loo dhaqangeliyo waa in si degdeg ah loogu tallaabsadaa qodobadaan:

A)    Aqoonyahanno ku xeeldheer qiimeynta iyo canshuuraha ( Evaluation and Revenue Experts) waa in loo xilsaraa qaabeynta iyo xadeynta (tariffs).

B)     Canshuuraha waa in loo kala saaraa badeecadaha daruuriga ah iyo badeecadaha faakahaysiga ee laga maarmi karo (Essential commodities & Non-Essential goods)

C)    Waa in la abuuraa Santuuq loogu magacdaro “dib-u-dhiska kaabayaasha iyo daryeelka masaakiinta”. Santuuqaas oo ah qaaraan uruurin iyo tabarucaad ku dhisan qofba taagti ha tallaabsado, kuna salaysan sadaqo iyo seko bixin. Bulshada Soomaalida  ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibeddiisa waa in lagu booriyaa inay si niyadsami ah u taageeraan santuuqa dhaqaale uruurinta (Fund Raising).

D)    Waxaa habboon in si degdeg ah loo hawlgeliyo Hay’ad Hantidhowr (Auditing Office), Hay’adahaasoo hawsheedu tahay Xisaab Xilmaleh lagu  diiwaangeliyo laguna kontoroolo daqliga iyo kharashka.

E)     Sanadihii dowlad la’aanta, ganacsato lagu tilmaami karo dhiigmiirato ayaa si fool-xun dalka u bililiqeystay, waxay ka faa’iidaysteen canshuur la’aan, waxayna la wareegeen  kaabayaashii dhaqaalaha sida (deked, airport, khadkii isgaarsiinta iwm). Haddaba waa in lala xisaabtamaa oo dib looga soo celiya canshuurtii ku baaqatay iyo kiradii goobihii dowladda ee ay ku shaqaysteen, sida  khadka isgaarsiinta 002521 oo daqli xoogleh laga helay.

F)     Sanadihii dowlad la’aanta, Iimaanlaawayaal ayaa dalku ku soo qarqiyey (raashin dhacay, daawo dhacday, daawo tayo xun iwm). Badeecaddi dhacday ee dalka la keenay waxaa ka dhashay cudurro halis  sida (Kansar,  Baras iwm). Hadda kadib waa in la dhisaa hay’ad u xilsaaran hubinta iyo baarista badeecooyinka dalka la keenayo (Quality control office).

 

(6) Joojinta Daroogada iyo Anshax Xumada:

 

Sanadihii dowlad la’aanta waxaa dalka ku baahay daroogo iyo anshax xumo xad-dhaaf ah. Markii sharci iyo kala dambeyn la waayey, waxaa hirgalay qof walba qumanihiisaa qoorta u surane sida la quman haw dhaqmo. Haddaba Qaadka iyo Sigaarka  waa in si dadban loo mamnuucaa oo dalka looga joojiyaa. Joojinta daroogada waa in loo ambaqaadaan si cilmi ku dhisan oo ah:

·        Waa in lagu soo rogaa canshuur xad-dhaaf ah, macnihii Marduufkii Qaad ah waa in la dulsaaraa  $10 oo canshuur ah, Baakadka Sigaarka ahna waa in la dulsaaraa $1 oo canshuur ah.. Haddii qiimaha Marduufka qaadka ah la gaarsiiyo Shs. 300.000 isla markaana qiimaha Baakadka Sigaarka ah la gaarsiiyo Shs. 30.000, waxaa yaraan doona dadka awoodda dhaqaale u leh  isticmaalka daroogada.

·        Hadda kadib Qaadka iyo Sigaarka waa in lagu iibiyaa dukaan albaab iyo shati leh isla markaana si degdeg ah looga kiciyaa meelaha nadaafadda xun ee hadda lagu iibiyo.

·        Hadda kadib Qaadka iyo Sigaarka waa inaan lagu isticmaalin oo laga reebaa goobaha dadweynuhu ku kulmo iyo gaadiidka dadweynaha (Public Places & Public Transport) sida: (maqaayadaha, baararka, buushashka, dukaamada, baabuurta rakaabku raacaan). Qaadka iyo Sigaarka waa in ciriiri laga dhiga oo aan si fudud loo hilin. Dadka ka ganacsada waa in lagu amraa in aysan Qaad & Sigaar ka iibin qof da’diisu ka yar tahay 20 sano, haddii ay ka iibiyaanna ay mutaysan doonaan ciqaab adag.

·        Maamulka Maxaakiimtu si uu ku helo dhaqaale lagu socodsiiyo hawlmaalmeedka, waxaa lagama maarmaan ah  in meherad kastoo ganacsi la siiyo Shati lagu bixiyo canshuur sanadkiiba mar. Haddaba Shaneemooyinka iyo Footooyinka waa in  loo aqoonsadaa meherado ganacsi oo aan la xirin, balse waa in laga mamnuucaa wixii anshax xumo ah oo bulshada fasahaad u keeni kara. Guud ahaan wax kastoo dalka soo galaya waa in lagu sameeyaa Faafreeb (Censorship) isla markaana la joojiyaa Aflaamta Jinsiga (pornographic films) iyo masawirrada qaawan, hase ahaatee waa in la ogolaadaa Isboortiga iyo Aflaamta aan anshaxa Islaamka waxba u dhimeyn.  Maxaakiimta waxaa hortaal hawl baaxadweyn oo ah dib-u-dhiska dal dhan kasta ka buirburay, sidaas awgeed waa  in laga gudbaa oo indhaha laga qarsadaa dembiyada yaryar een kabaa’irta ahayn.

·        Ayaandarro baddii sun baa lagu shubay, berrigiina xaaluf baa laga dhigay. Dhibaatadaas deegaanka loo geystay si loo joojiyo, gobollada Maxaakiimtu ka taliyaan waa in laga mamnuucaa dhoofinta dhuxusha, lana dhaqageliyaa sharcigii  dowladihii hore u dejiyeen ka hortagga nabaadguurka iyo xaalufinta deegaanka. Waxaa kaloo habboon in Maxaakiimtu la xiriiraan maamulleyaasha dekadaha: Kismaayo, Bosaaso & Berbera, lagana codsado inay iyaguna joojiyaan dhoofinta dhuxusha iyo xoolaha dhadig. (FG: Qoraalkan waxaa la diyaariyey intii aan Maxaakiimtu soo saarin amarka lagu joojiyey dhoofinta dhuxusha)

(7)             Garsoorka:

Cadaaladdu waa saldhigga nolosha, haddii aan cadaaladu jirin nolol ma jirto. Sanadihii fowdada  waxaa loo dacwoon jiray odayaasha loo yaqaan Afarjeeble ee beelaha horbooda. Beryahaan waxaa loo dacwoodaa Maxaakiimta oo ilaa xad wax ka qabtay Garsoorka Dadweynaha, laakiin weli wax weyn baa dhiman oo Faanoole Fari Kama Qodna. Waa lagama mnaarmaan in la sameeyo Maxkamado derejo ahaan kala sareeya sida (Maxkamad degmo, Maxkamad Gobol, Maxkamad sare iyo Maxkamad racfaan). Hanaanka garsoorku waa inuu noqdaa Garsoore ay hareer fadhiyaan oo ay la shaqeynayaa  Xeerbeegti (Jury) ka kooban tiro-is-dheer sida:  3 ama 5 ama 7  ama 9.

Dembiyada dilka iyo kufsiga sida sharcigu qabo waa in lagu fuliyaa xadka Alle u qeexay, laakiin dembiyada tuugada waa inaan lagu degdegin gacan goynta oo loo qiil dayaa, sababtoo ah waxaa dalka ka jirta baahi bakeyle qalad ah. Inta  baahi ay dalka ka jirto nabadgelyo ma jirto.. Faqrigu waa furaha fidnada iyo fisqiga. Xilliga Xajka dowladda Sucuudigu waxay askarteeda ka soo dhex saartaa rag lagu xulay (karti, dulqaad, dabeecad wanaag, dad la dhaqan iyo aqoon diimeed), sababta sidaas loo yeelay waxay tahay in loo turo lana raalligeliyo maalaayiinta qof ee daafaha dunida uga soo safartay gudashada waajibaadka Xajka.  Haddaba waxaa habboon Garsooreyaasha iyo Xeerbeegtiga in lagu xulo sifooyin dadweynaha raalligelin kara. Fowdada hadda taagan ee nuxurkeedu yahay nin kastoo Cimaamad iyo Gardheer leh inuu FATWO  RIDO waxay horseedi kartaa jowrfal iyo iska hor-imaad dadweynuhu uga niyadjabaan maamulka Maxaakiimta. Hawlaha  Garsoorka iyo xiriirka dadweynaha waa in loo xilsaaraa rag loo tababaray sida dadka loola dhaqmo looguna turo. Dableyda dagaallada ku fiican waa inaan loo dirin maamulka dadweynaha. Waa in degdeg loo furaa xafiiska xiriirka dadweynaha (Public Relation Office) oo qofkii muraad ka leh Hoggaanka Saree Golaha Maxaakiimta  (talobixin & wax tabasho) waa inuu helaa meel uu kala xiriiro.

(8)             Dib-u-dejinta

16kii sano ee dagaallada sokeeye, waxaa dalka ku baahay macaluul iyo gaajo, taasina waxay dhashay nidaam fowdo ah oo ku caanbaxay  “ninba xeeladdii ha ku xoogsado”. Dad baa geesaha waddooyinka ka dhistay dukaamo yaryar, dad baa ka dhistay buushash shaahiga lagu iibiyo. Dhulkii danta guud iyo xarumihii dowladda dad baa ka dhistay guryo ay ku noolaayeen 16kii sano ee la soo dhaafay. Haddaba arrintan oo ah mushkilad xasaasi ah, waxay u baahan tahay in si taxdar leh loo maareeyo. Waxaan ku talinayaa in lagu tallaabsado qodobadaan:

A)    Ilaa dib loo hawlgelinayo hay’adihii dowladda ee dadku ka shaqayn jiray isla markaana la abuurayo mashaariic daqli leh (Income generating Projects) waa inaan lagu deg-degin burburinta meel qoys Somaaliyeed masruuf ka helo ama hoyba u ah.

B)     Dadka guryaha Abosiibada ah ka dhistay xarumihii dowladda iyo dhulkii danta guud loo qeyday waa inaan lagu degdegin barakicintooda ilaa loo habeynayo dhul ku habboon degis oo loo dhamystiray adeegga bulshada sida (caafimaad, waxbarasho, biyo, koronto, suuq iwm). Haddii la barakiciyo iyadoo aan marka hore loo habeyn deegaan  lagu noolaan karo, waxaa imaan doona qarax iyo iska-hor-imaad hubeysan ee taas ha laga taxadaro.

C)    Sharciga lambarkiisu yahay 67 ee soo baxay 01/11/1970kii qodobkiisa 3aad waxaa lagu mamnuucay sheegasho wax la yiraah GOOF.  Ilaa hadda lama hayo sharci kale oo fasaxaya lahaanshaha GOOF. Beryahaan waxaa Maxaakiimta la jaanqaaday oo hoos carray dad ku andacoonaya “meel hebel waxay ahaan jirtay GOOFKII awoowgey oo Maxamed Siyaad Barre ayaa iga dhacay oo dan guud ka dhigay”. Dad baa sheeganaya oo ku dacwoonaya Xaruntii Wasaaradda Gaashaandhigga, Xanaanada Xoolaha iyo Xeryihii Ciidamada Qalabka Sida inay  shaqsi ahaan u leeyihiin dhulkaas, maadaama ay ahaan jireen Goofaf hore looga dhacay. Dacwooyin nuxurkoodu sidaas yahay ayaa maanta Maxkamadaha qaar ka furan, haddii dacwooyinka noocaas ah la ogolaado, berrito waxaa imaan doona nin sheeganaya dhulka Airport-ka iyo dekadda inay ahaan jireen Goof laga dhacay. Erayga GOOF macnahiisa in bulshada la fahamsiiyo  oo si sharci ah loo qeexo waa lagama maarmaan.

D)    Waa in la dhisaa  guddi iskudhaf ah oo loo xilsaaro “Hanti isu Celinta”. Hantida gaar ahaaneed (Private Property) ee xoogga lagu kala haysto marka si adag oo kama dambeys ah loo hubiyo waa in si degdeg ah loogu celiyaa dadkii iska lahaa. Cid kasta oo xoogg hanti ku haysatay waa in lagu xukumaa magdhaw ku salaysan sanadihii ay ku dhaqmayeen, haddii aan milkiiluhu iska cafin.

E)     Somaalidii ka qaxday Banaadir iyo Shabeellooyinka waa in loogu baaqaa inay dib ugu soo noqdaan rugihii ay ka salkaceen, lana damaanad qaadaa ammaankooda. Iyadoo laga shidaalqaadanayo Xadiiska oranaya “haddii qalbigu caafimaad qabo, jirkuna waa fayow-yahay”  Xamar oo ah magaalo madaxdii Somaaliweyn haddii laga dhigo nabad iyo barwaaqo, waa hubaal magaalooyinka kalee Somaaliyeed inay  hagaagayaan. Xamar oo hadda ah Tuulo Hawiye waa in loo beddelaa Caasimad Somaaliweyn ka dhexaysa (Cosmopolitan City)

F)     Hubinta Dokumkeentiga dhulalka Xamar oo ah mushkilad baaxadweyn waa in si taxadar leh looga fiirsadaa  isla markaan baaris adag iyo xaqiijin qotadheer lagu sameeyaa  nooc kastoo dokumeenti dhuleed ah, gaar ahaan dokumeentiyadii soo baxay waqtiyada kala ah:

(1)    23/05/1986 wixii ka dambeeyey dokumeeti dhuleedkii la bixiyey. Sababtoo ah 23/05/1986 waa galabtii Maxamed Siyaad Barre shilka culus galay, wixii waqtigaas ka dambeeyey, awooddii iyo garashadii Maxamed Siyaad Barre oo hoos u dhacday darteed  Xafiiska Madaxtooyada  waxaa laga sameeyey warqado xambaarsan amar Madaxweyne oo been-buur kuwaasoo Dowladda Hoose lagu amray shaqsiyaad Maxamed Siyaad Barre ka agdhowaa  inay u qeybiyaan dhulalkii  loo reebay danta guud ee Qaranku lahaa.

(2)    Sanadihii maamul la’aanta ee fowdadu taagnayd, Xafiisyada Cabdalle Shideeye ee ku yaal Bakaaraha waxaa laga sameeyey dokumeenti tiro badan oo been-abuur ah, waxaana dokumeenti macmal ah (Forgery) loo sameeyey dhulalkii danta guud iyo dhulal dadkii lahaa ay Xamar ka maqan yihiin .

(3)    Wixii ka dambeeyey 2000, Maamulkii TNG ama dowladdii lagu soo dhisay Carta/Jabuuti, waxaa si xishood la’aan ah oo weliba xad-dhaaf ah loo sameeyey dokumeenti dhuleed lagu sharciyey goob kasta iyo Goofaf   tiro-dhaafay.  

Fiiro Gaar ah: Kala saarista sharciyada dhulalka Xamar lagu leeyahay waa meermeerto iyo mool badeed qofkii lugaha la gala uusan si sahlan uga dabaallan karin ee mushkiladaas yaan lagu degdegin, hana loo xilsaaro  dad lagu xulay  aqoon iyo daacad.

(9)Ciidamada Qalabka Sida iyo  Shaqaalaha  Dowladda:

Marka laga shidaalqaato  sharciyada adduunweynaha looga dhaqmo,  nidaam ahaan waxaa isbeddela hoggaanka sare ee (xukuumadda), hase yeeshee Ciidamada Qalabka Sida iyo Shaqaaluhu waa lafdhabarta difaaca dalka iyo socodsiinta hawlaha qaranka. Ciidamada Qalabka Sida iyo  shaqaaluhu waa hawl-fuliyeyaal u adeega hadba  maamulka markaas majaraha haya.. Ciidamada Qalabka Sida iyo Shaqaalaha dowladdii hore waa muwaadiniin dalka xaq ku leh, waa waayo-arag mudan in lala tashado oo aqoontooda laga faa’iidaysto.  Beryahaan hadal-haynta magaalada iyo guuxa dadweynuhu waxay leeyihiin Maxaakiimtu uma baahna  Ciidamada Qalabka Sida iyo Shaqaalaha, sababtoo ah waxay u badan yihiin Hawlgab (pension) iyo Garxiir aan la saanqaadi karin Kacdoonka Cusub. Ciidamada Qalabka Sida iyo Shaqaalaha haddii loola dhaqmo sidii awr garbabeelay oo beylah laga dhigo, waxaa  hubaal ah in arrintaasi ay ka dhalan doonto Cuqubo iyo Ciqaab Eebbe. Ciidan iyo shaqaale looma baahna waxaa ku dumay maamulladii (Cali Mahdi, Cabdiqaasim & Cabdulaahi Yuusuf), jidkii hore loogu lumay waa inaan markale lagu amban. Sida muuqata Ciidamada Qalabka Sida & Shaqaaluhu waa agoon aabbehood Siyaad ka xijaabtay..  Maxaakiimtu haddiiba ay doonayaan inay wax uun maamul ah dalka ka  dhisaan, waa inay talada wax ka siiyaan waayo-aragga aqoonta leh (Technocrat administrators) alma Ahlu Caqli wal xal.

(10)Dembiyadii Qaranka Laga Galay:

Waxaa jirta xikmad oraynaysa “Badeecad magaalo taal hadday wada xaaraan  tahay, waxay isu beddeshaa xalaal”.  Soo xigashada xikmadaan waxaan uga golleeyahay “Somaalidu waxay u badan tahay dembile, min Madaxweyne ilaa habarta caanaha iibisa”. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wadar jeer meel fagaare ah wuxuu kaga khudbeeyey “dagaalladii jabhadeynta ee Qaranka lagu dumiyey, aniga ayaa billaabay”. Wuxuu ahaa sarkaalkii Somaaliyeed ee cadowga Xabashida magangalay isla markaana meelmariyey muraadkii Itoobiya mudada dheer ku taameysay. Sidoo kale caanaha Xamar lagu iibiyo waa QISH laga sameeyey bur iyo leebito lagu kariyey magaad. Qowmkii reer Madyan ee Nabi Shucayb “cs” loo diray waxaa lagu halaagay  qishka beegga.  Qishka xad-dhaafka ah ee dalka ka socda waxaa ka dhashay qaranjabka  Somaaliya la degay.. Marka dib loo jaleeco taarikhda, dowladdii la dhisay 1960kii ee lagu unkay Qaran Somaaliyeed, 123 mudane barlamaan waxay ka doodeen  dastuurkii dalka lagu maamuli lahaa. Laba mudane waxay soo jeediyeen in dalka dastuur looga dhigo Shareecada Islaamka, balse ayaandarro tiradii badnayd waxay isku raaceen in dalka dastuur looga dhigo Dimoqoraadiyad ku dhisan Cilmaaniyad. Sidaas awgeed  horaa loo yiri “Aayaddii Alif ka wareertaa Albaqra kama toosto”. Qalloocii galay billowgii dhismaha Qaranka waxaa ka dhashay qaranjab iyo qalalaase qoys-qoys loo kala qaxay.

Haddaba mar haddii Somaalidu u badan tahay DEMBILE waxaa habboon in lays wada cafiyo, lana meelmariyo murtida oranaysa “Xusuustaa ma xiriirsho iyo Xalay dhalay”. Maxaakiimtu waa inay noqdaan waayo-arag ka shidaalqaata taarikhdii aadamigu soo maray, tusaale:

(1)   Furashadii Makka, Nabi Maxamed  “NNKH”  wuxuu cafis guud u fidiyey Kufaartii la dirirtay, taasina waxay noqotay tallaabo had iyo jeer la tixraaco oo lagu daydo.  Nelson Mandele 1990kii markuu  noqday madaxweynihii madoobaa ee ugu horreeyey maamulka Koofur Afrika, wuxuu magacaabay guddiga “Iscafinta iyo Iscamal weydiinta” waxaana madax looga dhigay Baadariga  Desmond Tutu. Saraakiishii iyo Siyaasiyiintii u shaqeyn jirtay maamulladii  Midabtakoorka, waxaa loogu baaqay inay guddiga hortiisa ka qirtaan dembiyadii ay galeen kana qoomameeyaan, shacabka reer Koofur Afrikana cafis weydiistaan.  Markay sidaas yeeleen waa layska cafiyey, taasina waxay horseeday dib-u-heshiisiin qaran iyo barwaaqo lagu liibaaney.

Hidde dhaqan ahaan Somaalidu maaha uur-mariid aan waxba illoobin oon waxba cafin, dadkii dembiyada galay hadday dunuubtoodii qirtaan oo Alle u toobadkeenaan, shacabkana cafis weydiistaan, waa hubaal in layska cafin doono.. Sidaas awgeed, waxaa habboon dadkii dembiyada ka galay qaranka in sida Koofur Afrika  loo saaro guddi iskudhaf ah balse iyagu nadiif ka ah dembiyadii hore loo galay, maxaa yeelay “gacmo daahir ah ayaa wax daahiriya” . Ugu dambeystii, guud ahaan ummadda Somaaliyeed gaar ahaan Golaha Maxaakiimta  iyo maamullada (Hargeysa, Garoowe, Baydhabo & Kismaayo) waxaan ku boorinayaa  shaqsiyaadkii dembiyada ka galay dalka in la wada cafiyo, laakiin marnaba waa inaan la cafin xataa  haddii ay geeriyoodaan waa in qabuurahooda iyo faracooda la maxkamadeeyo shan kooxood oo dembiyo halis ah  galay, waxayna kala yihiin:

¨      Kooxdii Ciidamada Qalabka Sida (CQS) ku amartay inay jabhadaha isu dhiibaan oo hubkooda ku wareejiyaan.

¨      Kooxdii qandaraaska ku qaadatay in badda lagu shubo suntan  warshadaha Nukleyeerika (Radio active).

¨      Kooxda dhuxusha dhoofisa ee keentay makiinadaha  casriga ah ee dhirta lagu gumaado, xaalufintaasi waxay sababtay nabaadguur dhulka Somaaliya u beddeshay saxaro lama degaan ah.

¨      Kooxdii dalka keentay daawada & cuntada dhacday ee sababtay in cudurro halis ah  sida (Kansar & Baras) ay dalka ku baahaan.

¨      Naaquudeyaasha tahriibeyaasha  doonyaha kaga daadgureeya gobolka Woqooyi-Bari kadibna ku daadiya Badda-cas..   

 Wa-Billaahi Towfiiq

WQ: Cabdulqadir Oromo waxaadna kala xiriiri kartaa E-mailka ah: [email protected]

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online