Mamnuucidii maxkamadaha ee Kulankii Al-Islaax

Cabdullahi Cusman

Waxaa yaab iyo filanwaa igu noqotay , markii aan maqlay in maxkamadaha muqdisho aay hor istaageen kulan diimeed uu soo qaban qaabiyey XARAKADA ISLAAMIGA AH EE AL-ISLAAX oo ah Xarakada ugu weyn ee ka jirta Soomaaliya , wax la taaban karana u qabatay ummadda soomaaliyeed , mudadii lagu jiray dagaalda sokeeye;

Aniga oo ka mid ah dadka sida aadka u ah u taageersan kacdoonka shacbiga ah ee ka dhacay Muqdisho ee aay maxkamadaha hogaaminayeen , ayaa arintaan aad uga naxay waxaana is weeydiiyey su,aalo badan oo aay ka mid yihiin ;

Maxaa loo joojiyey kulam diimeedkaan?

Sida ku cad warqada maxkamadaha soo saareen, waxeey ku sheegeen in aay horey usoo saareen amar ah inaan la qaban Karin kulan siyaasadeed oo aanan ayaga loo sheegin ,

Balse su'aashu waxeey tahay , kulanku soow ma aheyn kulan diimeed looga hadli lahaa wax qabadkii Xarakadaan Islaamiga ah, intii aay jitay , ilaa hadana sida laga warqabo ma ahan xisbi siyaasi ah , marka hadii kulanka sidaa yahay ma muuqato inuu qabanayo go,aankii maxkamadaha .

Mida kale waxeey wararaka qaar sheegayaan in qaar ka mid masuuliyiinta maxkamadaha lagu martiqaadey kulanka , oo in mudo ahba la diyaarinayey sida laga soo xigtay Islaax, halkaana waxaa ka muuqata in maxkamadaha aay horey u ogaayeen, in kulankaan la qaban doono, hadiise aay horey u ogaayeen maxeey horey ugu digi waayeen , ee aay markii shirka biloowday u kala raacdeeyeen, ka qeyb galayaashii, taasoo ah fal u eg masuuliyad daro .

Hadii sida aay maxkamadaha ku andacoonayaan run tahay , oo ah amar la jabiyey , muxuu madaxa warfaafinta ee maxkamadaha uga hadlay arimo daakhili u ah ururka, taasoo , aheyd inuu yiri Islaax weey kala qeybsan tahay , Maxkamaduhuse xaq ma u leeyihiin in urur dhisnaa 28 sano oo diini ah dalka iyo dadkana wax la taaban karo u qabtay aay fara geliyaan??????????.

Hadaba sida warar hoose sheegayaan, waxaa jira xubno laga saaray Islaax, oo dhawr ah , ,oo haatan ku biiray Maxkamadaha isla markaasna doonaya ineey awooda maxkadaha si qaldan ugu isticmaalaam ineey Al-Islaax , ku carqaladeeyaan , taasoo hadii aay jirto ku ah sharaf dhac iyo masuuliyad daro Maxkamadaha kana dhigi doonto hal bacaad lagu lisay halgankoodii aay dalka uga xoreeyeen Qabqablayaashii dagaalka , sababatoo ah waxeey u muuqanayaan , meel cid kastaa wixii aay rabto ka fushan karto, waxaana dhici doonto in dulmi intaa ka weyn loo isticmaalo magacooda, iyo xooga shacbigaba, waxeeyna soo dadajindoontaa in aay sumcadooda lunto .

Al-Islaax waa Kuwama?

Sida adduunak weynaha iyo soomaalidaba wada qirsan yihiin, Al-Islaax, waa urur muujiyey hogaamin masuuliyadeed intii lagu jiray bur burka dalka, waxeeyna diideen ineey qori qaataan marna , waxeeyna qaateen siyaasad ku dhisan qodobo aay ka mid yihiin :

Dib uheshiisiin
Gar gaar, (quudin kuwa baahan)
Waxbarash

Waxaana la wada qirsan yahay in aay wax la taaban karo ka qabteen , arimahaas , waxana xasuusid mudan ineey dhiseen Gole la yiraa , Majlisul Musaalaxa, markii dalka ka jireen dagaalada , waxaana xusid mudan ineey qeyb weyn ka qaateen joojintii dagaaladii ka dhaxay Xamar ( Bermuda), Hiiraan, J/Hoose, iyo meelo kale oo badan ilaa iyo haatana waxeey wadaan dib u heshiisiintii, waxaana la xusuustaa in waagii dagaalka sokeeye, aay Islaax ergo nabadeed u dirtay dagaaladii ururkii Al-Itixaad ku galay Kismaayo, Gedo, Gobolada hada loo yaqaan Puntland, iyagoo isku dayey in la joojiyo dagaaladaa, hase ahaatee, eey diidmo kala kulmeen Ururkii Al-Itixaad.

Dhanka gargaarka waxaa xusid mudan in eey fureen ama fuliyeen hawlo caafimaad, oo aay ku mareen wadanka oo dhan, Hospitaalo ayeey ka fureen, meelo kala duwan, waxeey fureen meelo lagu quudiyo dadka waagii , abaarta, iyo gaajada 1992, waxeey dhawr sano wadeen waxa loo yaqaan Afur Jamaaci ah, oo dadka aan wax heysan xiliga soonka afur loo sameyn jireen,

Waxyaabaha kale ee ka mid ahaa gargaarka waxaa ka mid ahaa, daadadkii soomaaliya ka mdhacay 1996-97, etc

Dhanka waxbarashada waxaa jira iskuulo aay maamulaan oo ku yaala degmo kastaa oo soomaaliya ka mid ah iyo gobol kastaaba, waxaana dhigta iskuulada aay maamulaan, in ka badan boqol kun oo arday, kuuwaasoo dhigta iskuulo iyo jamacado,

Guntii iyo gaba gabadii arintaan aay maxkamadaha kula kaceen Islaax, ma ahan arin loo fadhiyey, ee waa ineey dib uga fiirsadaan ineey sidaan oo kale dhacdo mar kale , waana ineey MMI iska ilaaliyaan, ineey cidii garab u noqon laheyd la dagaalamaan, iyadoo dalka cadoow kusoo xad gudbayo oo loobaahan yahay in lees garabsado , oo dalka iyo dadka la difaaco , arintana aaysan u muuqan kalitalisnimo ka daran tii qabqablayaasha ;

Abdullahi Osman
London, UK
[email protected]

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 

 

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online