Diktoor Jaahil

W.T: Maxamed Cali Cibaar

 

Qiimaha ay aqoontu leedahay waa mid aan la qiyaasi karin oo la wada qirsanyahay, wuxuuna Quraankeenna Kariimka ahi noo sheegay in aysan sinneyn midka wax yaqaanna ( aqoonyahanka) iyo midka aan wax aqoonnin ( Jaahilka). Sidoo kale sida ay  Soomaalidu murti ugu tilmaantay: “ Aqoon la’aani waa iftiin la’ aan” ayay ummadaha kale ee duniduna wada leeyihiin xikmado ku tilmaamaya  cilmiga iftiin dadka ku haga waddada horumarka iyo liibaanta, Jahligana mugdi dadka u horseeda luggooyo iyo halaag.

 

Inkastoo la isku wada raacsanyahay in uu cilmigu yahay harumar, Jahliguna halaag, haddana waxaa muuqata in uu culeys ka jiro sidii la isugu waafaqi lahaa: Waa maxay aqooni, qofkeese lagu tilmaami karaa aqoonyahan?

 

Waxay ila tahay in qeexidda rasmiga ah ee aqoonta iyo aqoonyahanka sharraxaadda diinteenna ka sokow lagala soo dhexbixi karo murtiyada ay ka simanyihiin dadyowga adduunku kuwaasoo dhammaan tilmaamaya in ay aqoontu tahay iftiin iyo badbaado,  Jahliguna  mugdi iyo halaag.

 

Waxaa la dhihi karaa aqoonyahanku waa qofka  ugu horreyn bartay  wax naftiisa waxtar u leh ( aakhiro iyo adduunba), intaa ka dibna waxtar u leh ummaddiisa. Way dhici kartaa in waxa waxtar u leh ummad ay dhibaato u yihiin ummad kale maaddaama aysan ummaduhu isku dan ahayn, sida ummad xaq-u-dirikeedba uu u yahay ummad kale argagixisadeed.

 

Haddii qofku intii uu doonaba wax ha soo bartee wixii uu baranayay ay iftiin yeelan waayaan, cid kalena iska daaye ay xitaa naftiisa wax tari waayaan, qofkaasi wuxuu noqonayaa mid mugdi hullaabanaya oo jahli-barasho ku habsaamay, lagumana tilmaami karo aqoonyahan. Ha qaato shaahaado sare Dr., Inj., Brof., wixii la doonana ha lagu magacaabee.

 

Maxaa lagu tilmaami karaa shaqsi aqoon ku faanaya oo ay howshiisu yahay inuu ummaddiisa u garbaduubo cadow aan naxariis la hayn? Maxaa lagu tilmaami karaa midka naf ka raadinaya burburinta iyo kala qaybinta ummaddiisa isagoo dano shaqsi ka dhex baarbaaraya is-nacaybka iyo kala fogaanta dadkiisa? Iyadoo la marayo qarnigii 21aad sow la yaab ma aha shaqsi aqoonyahan sheeganaya oo  ku xiiqsan afar dhibic shan  iyo annaga reerkeenna oo daba habhable qabqable uu aqriska alifku ku adagyahay?! Maxaa lagu tilmaami karaa shaqsi uu takhasuskiisu yahay dabadhilifnimo oo dufan afka loo mariyay uu ku xambaaray inuu la dagaallamo diinta uu sheeganayo inuu rumeysanyahay? Diktoor aan naftiisa iyo dadkiisa waxba tarayn oo dullinnimo iyo wax dumin la soo indhacadi miyuusan istaahilin in lagu magacaabo Dr. Jaahil?!

 

Haddaan Soomaali nahay  waxaa muddooyinkan dambe aad noogu soo badanaya  qolooyinkan Dr. Jaahillada ah oo aad mooddo in loo soo carbiyay hagardaameynta ummaddooda. Waxay wax ku soo barteen, ku dallaceen, darajooyin sarena ay ku gaareen  canshuur laga soo faramaroojiyay danyar aad u taagdaran. Laakiin nasiibdarro daryeel waa halkiisee waxay Dr.Jaahilladu  dan moodeeen dibindaabyeynta dadkooda iyo duminta qarankooda taasoo aan la garan karin waxa ku dirqinaya.

  

Maansada Dr. Jaahil oo soo baxday 25kii May 2006, waxay tilmaameysaa dhaqamada foosha xun ee wax-ma-garatada shaarka aqoonyahan loo geliyay, waxayna weyndiineysaa weydiimo looga fadhiyo in ay ka warceliyaan. Weydiimahani waxay xambaarsanyihiin dareenka  shacabka dandarreysan ee deyntii laga qabay lagu dulmiyay.

 

Waxaa duco iyo amaanba mudan aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xalaasha ah kuwaas oo naftooda iyo aqoontoodaba u huray badbaadinta ummaddooda oo maanta ku jirta marxalad adag.

 

Ninba wuxuu muteystaa wey ka muuqan doonta !!

 

Maansaddu waxay ku billaabanaysaa:

 

Diktoor Jaahilow jaahil

Cadow jarabaryow jaahil

Nuur jaah leh iyo jaahil

Cilmi laga jiryow jaahil

Xume lagu jafyow jaahil

Xishood laga jaryow jaahil

Jihowareersanow jaahil

Runta ku jirradow jaahil

Been jiibiyow hee dheh!

 

Diktoor jaahilow Jaahil

Jihaad uma kacow Jaahil

Fulay lagu jaboo  jaahil

Jabaqdii hawada jaahil

Ka jaraynayow Jaahil

Naf jacayl u qabe jaahil

Sidu jirayo abid jaahil

Malaggana u jari jaahil

Meel jaquura iyo jaahil

Joodari dhexdiis jaahil

Jalxadaha  la gale jaahil

Misna jaranjariyo jaahil

Meelo lagu jajabo jaahil

Jaballada ka dhace hee dheh!

 

Diktoor Jaahilow Jaahil

Jiko qoom kaliyo jaahil

Jasiirado qalaad jaahil

Qurbe jiifsadow jaahil

Jabad reer hurdow jaahil

Jafjafkooda hara jaahil

Lagu jeediyow jaahil

Jugta lagu hayiyo jaahil

Ku joogsiga ficiis jaahil

Jurxayntiyo yasmada jaahil

Gumeysigu ku jiro jaahil

U jadboonayow hee dheh !

 

Diktoor Jaahilow Jaahil

Ilbaxnimo an jirin jaahil

Iyo dhaqamo jaan jaahil

Jakson lagu daydiyo jaahil

Jiinisyo  karkaran jaahil

La jaqaafayow jaahil

Jaas kama korow jaahil

Asoo cimri ku jira jaahil

Sidii inan shan jira  jaahil

Jibis shiilan iyo  jaahil

Jallaatada qabow Jaahil

Jid ku dhuuqayow hee dheh !

 

Diktoor jaahilow jaahil

Joon baa qabiyo jaahil

Filosoof jirriya jaahil

Adoon la jaqjaqlayn jaahil

Joorje ku wardiyin jaahil

Ha jeesjeesannine jaahil

Jimlo qaan ah iyo jaahil

Dayn baad jib tee jaahil

Su’ aalahan  jiroo jaahil

Maati jilicsan iyo jaahil

Masaakiintu jerin jaahil

Jawaabtooda keen Jaahil:

 

1.Diktoor Jaahilow Jaahil

Jiritaanki ruuxdaada

Uurkii aad soo jiiftay

Nafaqadii aad jiidaysay

Jugjugtiyo ciyaartaadii

Joogjoogsigii foosha

Jiirashiyo xanuunkeedii

Jirro iyo kadeedkeedii

Dhagba  taan u jalaq siinin

Marna yuu jaqiiq oranin

Horaad kuu jaqsiinaysay

Jab rootiya inaad waayin

Jeeg caano lagu kaydsho

Dhar jadiida oo xirato

Aabbahii jarmaadaayay

Jactadaayay soo jeedka

Jirrab wixi u mudanaayay

Wuxu halis jibaaxaayay

Juhdigiyo dadaalkoodu

Waa jasaan la goyn karine

Jasaarnimo halkaad gaartay

Markaad jeego weynaatay

Waalidkina da’ aad joogo

Tallaabada la jiisaayo

Jiimbaar ka kici waayay

Jeerkaa inaad hayso

Janno qaadir uga tuugto

Jiirnaxoodu waa meele

Inaad jiirto gabigoodba

Jaguugnimo la soo toosto

Waa adiga jeebkaaye

Jaamacadahee dhigaya?

 

 

2. Diktoor Jaahilow jaahil

Miskiin tacab jibaal haystay

Oday kaawo jebinaayay

Ayey xoolo daba joogtay

Danyar biraha jeexaayay

Ama kabaha jeebaayay

Mid kalluun jillaabaayay

Jiingadaha cashuurtoodii

Aad ku jaqallo buurnaatay

Kuwii laga jujuubaayay

Qaar loo jukeynaayay

Subax waliba waa jaade

Cadowgood hadduu jebiyay

Waxa jugug sawaariikh leh

Jibaadkiyo baroortooda

Juuciyo rafaadkooda

Jilaalku naafeeyay

Jadeecada dhashii laysay

Jixiixiida waayeelka

U go’aya jariir laanta

Wuxu tabiyay Joornaalku

Aadanuhu ka wada jeestay

Jiil u kaca  inaad noqoto

Jeedaalin naxariis leh

Jiirnaxoodu waa meele

Adoo jeer la miisaana

Juuq inaad gabtaba ceebta

Jiho kale u sii dhoofto

Meel aadan uga jeedin

Ood jaaw tiraa maanta

Jeesteyn  ku kaalmayso

Nabsigana la jaar noqoto

Waa adiga jeebkaaye

Jaamacadahee dhigaya?

 

3.Diktoor jaahilow jaahil

Nin ibleyku jiidaayo

Shaydaan la jaanqaaday

Wuxuu kibir is jaakeeyo

Wuxu xume jideeyaaba

Wuxu same jikaaraaba

Wuxu eex janjeeraaba

Dadku maaha jaajuuroo

Maalinbey xisaab jiriyo

Isna laga jaraayaaye

Jinsiyada fadeexoobay

Iyo xumaha loo jeestay

Jilitaanka soconaaya

Adoo jaanis moodaaya

Haddaad waalli dabajoogto

Jacda maalin baad arage

Jaajaadan aad hayso

Dhaqankaad ku jeesjeesi

Jus Quraan inaad cayso

Jaamaca cambaarayso

Jaa’ifeyso diinteenna

Culimada jillaafeyso

Ood jalow ku doondoonto

Jarjar kumi laguu laabo

Wax jufeeya haantaada

Juuniyaduna  deeqeynin

Waa adiga jeebkaaye

Jaamacadahee dhigaya?

 

4. Diktoor Jaahilow jaahil

Jabuutida marsada weyn leh

Jigjigiyo illaa Adari

Jiiraha Togdheer howdka

Jowhar wabiga sii dhaafa

Jubba dacalladiisoo dhan

Illaa jiidda Mooyaale

Haddey garasho soo jeeddo

Juhaladuna talinaynin

Waxay jamasho kuu hayso

Jago adiga kuu qalanta

Quud jaadba jaadkiis ah

Guri joogle oo fooq ah

Gaari jiidan ood wadato

Jooharado nuuraaya

Ubax midabka jeegaan leh

Jardiin lagama waayeeno

Juquraafigaa marag ah

Balse jirac gumeedkiiyow

Inaad tahay waxaan jirino

Jug ka gaartay iimaanka

Damiirkiina jeexjeexay

Adigoo jadiin raadin

Jaajuus inaad noqoto

Jirjirroole yaahuu ah

Marba jaakad soo qaata

Dullinnimo u jannaraala

Ummaddiisa jebinteeda

Jaritaanka ubadkiisa

Waa adiga jeebkaaye

Jaamacadahee dhigaya?

 

5.Diktoor Jaahilow jaahil

Adigoo rag jaalkaa ah

Heli kara dad kuu jeellan

Jeysh Qaran  difaacaaya

Bulsho jecel samaanteeda

Jawi nabada oo waara

Intaad luuq ku jiireyso

Junki wada daroogeysan

Jookar tuug qamaaraaya

Mid islaama jeebsiibi

Balwad oday la jaamjaamay

Jilib weyn afmiishaar ah

Jelbisyadana soo xulato

Jixinjixu ka wada suulay

Oo Jeermiskaba beera

Jah ka siiyay shacabkeenna

Inaad fitnada joogteyso

Jeesba jees ku naafeeyso

Waa adiga jeebkaaye

Jaamacadahee dhigaya?

 

6.Diktoor Jaahilow Jaahil

Jabhad daallimoo  liita

Jiim khayrna  soo  barannin

Oon buug xaq jaadkiisa

Jaldigiisa garaneynin

Jiib iyo baroon qaado

Jig  ku sii waxaad aragto

Jar naf tahay aqoontiisu

Jacaylkiisu waa yaabe

Yahay duudka inu jeedsho

Lagu raro jawaan ciida

Iyo weliba laba jaaya

Isagoo ku jaqanjooqa

Oo jafaalin dacaygiisa

Jac yiraahdo qayrkiisu

Sii raba waliba jeedal

Dhabarkiis in lagu jiido

Oo jiirku kala daato

Jimicsada markaa dhiigo

Jiriricadu wada saaqdo

Jixjix qosol macaanaa leh

Laafyana ka  jagac siiya

Jirroolahaa  xiskii beelay

Jinka  sheekh Quraan  saara

Dhaqtar jarini waa meele

Inaad tahay waxaan jirinba

Laan jaada ood ruugto

Jeeg lacaga oo beena

Jago baas adoo raadin

Hoostiis inaad jiifto

Aabbow jiroo joogta

Jaallowda ugu heesto

Jalbeebada u xaarxaarto

joogga ay wasakhi  gaarto

Jamballada masixiddooda

Jalmadaha shushubiddooda

Juxuud  noqoto howshaadu

Jadwalkana lagaa qariyo

Jiheeyaha tilmaantiisa

Shisheeyuhu jartuu dagayo

Ood  sidii Jirow yaabban

Gudcurrada ka jiileyso

Waa adiga jeebkaaye

Jaamacadahee dhigaya?

 

7.Diktoor Jaahilow Jaahil

Jakaarta iyo Sao Paulo

Inta khalqi Mumbay joogta

Sida Juuj-Wamaa-Juujkii

Jaynahan bilyuun dhaafay

Midnimana u sii jeellan

Yurub iney Jameecowday

Jallaad kaliya loo yeelay

Adoo garan dhan loo jeedo

Jeel samada loo fayday

Iyagoo ku jeebbeysan

Jirdil wali u sii raaco

Jisyo aan dhamaanaynin

Dhalanteed u jeedsiinta

Afar jannadi moodaysa

Oo badi wax jira moog ah

Sunta jifida loo mariyay

Jiiraanka gaadaaya

Jalfisada gondaha taalla

Jidhaamaha u qodan dhiigga

Jafka waxa dugaag buuxa

Bahal jalabuteynaaya

Jiir iyo baruur subag leh

Midba Jeeni rabo qaybta

Jundi soo badbaadshiyo

Jalas diga inaad noqoto

Jiirnaxoodu waa meele

Juudaan dhallaanruugow

Halkaad jimic la’aan gaartay

Jar inaad ka sii tuurto

Jahannama  adduun iyo

Qabyaaladda jecleysiiso

Shan jab dhiman  ku jaangoyso

Reer reer u kala jiiddo

Jilib jilib u miineyso

Jufo waliba meel aaddo

Jaamuus noqdaan yaaci

Cadowgoodu jaabeysto

Marba qaar u juruq siiyo

Adna jinow dhanaan iyo

Laqanyada wax joojinaya

jeex babaaya aad noqoto

Waa adiga jeebkaaye

Jaamacadahee dhigaya?

 

Dr. Jaahilow jaahil

Waa adiga jeebkaaye

Jaamicadahee dhigaya?

---------------------------

       Dhammaad

 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

[email protected]

 

 

Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin 

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online