Senator Norm Coleman Wuxuu Mudan Yahay in Loo Codeeyo
fiogf49gjkf0d

A R A G T A D A
HIIRAAN ONLINE
Talaado, Sebtembar 23, 2008

 


Sen. Norm Coleman - Senatorka Jamhuuriga ee gobolka Minnesotaa


Tartankii doorashooyinka kala duwan ee Maraykanka ee u dhexeeyey labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Republic-kaanka ayaa si adag u socda, iyaga oo doorashooyinkaas gabo-gabo ku dhow. Codka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Ameerikaanka ah waxa uu noqon karaa mid meel ka soo baxa. Waana la wada xusuustaa sidii sanadkii labada kun ay isugu dhawaayeen Al Gore iyo George Bush, halkaas oo arrintu sida ay u adkaatay ay khasabtay in codadka marar badan computer iyo gacanba lagu tiriyo, ugu danbayntiina waraaqihii codaynta daloolkoda in uu sax yahay iyo in dacalada ay waxa ka laad-laadaan la isku qabsaday (Hanging Chad!), dabeetana guushii shan boqol oo kun oo cod oo kaliya lagu kala qaatay.
 
Tartanada 2008-da, midka guud iyo midka goboladuba - waxa ay aad ugu eg yahiin tartankii sanadkii 2000, kaas oo ku danbeeyey in Maxkamadda Sare ee Maraykanku ay Bush u xukunto. Imminkana, mar labaaad ayaa labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Republic-kaanku ay Maraykanka si is leg u qaybsadeen (Red States Vs Blue States), taas ayaan ka keenaysa in codka Soomaalidu uu noqdo mid meel ka soo bixi kara oo ay dhici karto - maaddaama labada xisbi ay aad isugu dhow yihiin - Soomaalidu haddii  codkooda ay meel isla saaraan in ay saamayn weyn yeeshaan.
 
Waxaa hubanti ah, Soomaali badan oo Maraykan ahi ay 8-dii sano ee Madaxweyne Bush uu ku khasaariyey dagaallo aan loo aabo-deyn iyo burbur dhaqaale, in ay ku dhalin karto in ay maskaxdooda ka xirtaan xisbiga Republic-kaan, ayna u janjeersadaan xisbiga Dimuqraadiga.
 
Magac-xumada xisbiga Republic-kaanka waxaa sababay fashilka baahsan ee uu xisbigaani uu ku sifoobey siddeeddii sano ee uu talada hayey, ha noqoto siyaasaddii arrrimaha dibadda ee dalka oo ay af-duubeen muxaafadka xag jirka ah (neo-conservatives), dagaalka arga-gixisa la dirirka ee xad-gudub-yadiisu bateen, dagaalka Ciraaq oo noqday dhibaato daba dheeraatay, dhaqaalihiidalka oo dhulka yaalla iyo maciishadda iyo shidaalka oo sicir barar ad-dhaaf ah uu ku dhacay. Waxaana cad, in si le’eg sida shacabka Maraykanku uu isbadel doon u yahay, in Soomaalida Maraykankuna ay sidaas oo kale u saamaysay neecowda is baddel doonka ah.
 
Iyada oo xaaladda xisbiga Republic-kaanku ay sidaasi tahay ayaa haddana Gobalka Minnesota waxaa lix sano Senator u ahaa mas’uul Republican ah kaas wax-qabadkiisa ay aad u og yihiin guud ahaan dadka ku nool gobolka Minnesota iyo gaar ahaan Soomaalida gobolkaan oo ah kuwa si gaar ah u daneeya sidii Soomaaliya dhibka looga saari lahaa. 
 
Senator Coleman oo la kulmay fannaanadda caanka ah ee Hibo Maxamed (Hibo Nuura).
Senator Norm Coleman si hagar la’aan ah ayuu Aqalka Senate-ka Maraykanka arrimaha Soomaaliya uga ol-oleeyaa, isaga oo aanay indha tirin ama xakamayn xuduudaha xisbiyada. Inta badan waxa uu gacan-saar shaqo la sameeya Senator Russ Feingold oo Dimuqraadi ah lagana soo doorto gobola Wisconsin, Senator Feingold oo ah shakhsi lagu tilmaami karo in uu yahay khabiir arrimaha Africa gaar qofka Aqalka Senate-ka ugu xeel dheer arrimaha Soomaaliya.
 
Senator Coleman dadaallo badan ayuu geystey intii uu ka tirsanaa aqalka Senate-ka, waxaana ka mid ahaa in uu kaalinta ugu weyn ka ciyaaray in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya u magacowdo Ergay gaar ah, Sidoo kale Seantor Coleman marar badan ayuu xubin ka ahaa soo jeedinta sharciyo  Soomaaliya ay dani ugu jirto kuwaas oo uu ka ansixiyey Aqalka Senate-ka.
 
Senator-kan Minnesota ee Norm Coleman si hagar la’aan ah ayuu ugu hagar baxaa baahiyaha bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, ha noqoto gacan siinta  dadka doonaysa in ay ehelkooda Maraykanka soo galiyaan ama sidii dowladda Maraykanku u qaadan lahayd siyaasad wanaagsan oo Soomaaliya ku wajahan. Tallaabooyinkaas wanaagsan oo ah kuwo aan lagu arag Senator-rada kale ee laga soo doorto gobolada Soomaalida ay ku badan yihiin sida Ohio, Virginia, Maine iyo meelo kale.
 
Senator Coleman oo markii hore Dimuqraadi ahaa waa masuul hufan, si daacadnimo ahan gacan u siiya Soomaalida gobalka Minnesota,  sidoo kalana si niyad ah uga dooda danaha Soomaaliya iyo sidii dhibaatada looga saari lahaa. Senator Coleman waa Senatorkii ugu horreeyey oo Maraykan ah oo sarkaal Somali ah xafiiskiisa ka shaqaaleeyey, taas oo muujinaysa sida uu Soomaalida u soo dhaweysanayo ama uu u doonayo in xafiiskiisa danaha ay ka leeyihiin loogu sahlo.
 
Ayaan darro, xiriirka uu Senator Coleman la leeyahay madaxweyne Bush, Xisbiga Republic-kaanka iyo siyaasadaha Bush ee fashilamay kuwaas oo ku aaddan Bariga Dhexe iyo Geeska Africa, gaar ahaan taageerada dowladda Maraykanku ay siisay duulaanka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ah arrimaha caqab ku noqon kara codka uu Senator Coleman uga fadhiyo Soomaalida Minnesota.
 
Waxaa xusid mudan in maanka lagu hayo in Soomaalida Maraykanka ama kuwa Minnesota ayan heli karin hal musharax oo ay ku dhan yihiin dhammaan arrimaha cod-bixiyayaalka muhiimka u ah. Haddiise la is bar-bar dhigo waxyaalaha uu Senator Coleman u qabtay dadka uu codka ka doonayo ee Soomaalida ah – kuwaas oo gobolka ku cusbaa – iyo waxa ay qabteen Senatorada kale ama kuwa la tartamaya – waxaa muuqanaysa in uu horyaal yahay.
 
 
Ugu danbayn, in kasta oo Maraykan oo idil iyo gobalka Minnesota-ba ay ka jirtaan doonitaan weyn oo is-beddel helid ah, haddana haddii aan nahay Hiiraan Online, waxaannu aamminsan nahay in dadaalkii iyo hagar la’aantii lixdii sano ee hore ee Senator-ka ay dabooli karaan wixii gaabin ah oo ka dhacday iyo weliba ku xiriirsanaanta xisbig Republic-kaanka.
 
Weliba, sida uu Senator Coleman Soomaalida - qof ahaan, bulsho ahaan iyo qaran ahaanba - uu u garab istaagay, haddii sidaasi si le’eg ay Soomaalidi warreegaan cod-bixinta ay galladdii uu galay u gudaan - waxaa hubaal ah in taasi ay dhidibada u aasi karto xiriir qoto dheer iyo isfahan dhex mara Soomaalida gobalka Minnesota iyo Senator Norm Coleman – xiriirkaas oo ku qotoma iskaashi, qaddarin iyo ka shaqynta danta guud.
 
Waxaan ku baaqaynaa in mar labaad Senatorka doorka ah ee Minnesota loo diro Aqalka Senate-ka.
Ra’yigaaga ku soo dir: [email protected]
HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2008 Hiiraan Online