Shaqsiga Sannadka ee 2009

 


Hiiraan Online
Sunday, January 10, 2010

Xasilloonidarridii muddada dheer ka jirtay Soomaaliya waxaa ka dhashay khasaarooyin lixaad leh. Kumannaanka kun ee ku dhimatay dagaalladii la soo maray ka sokow, waxaa waddanka gudihiisa ku baro kacay tiro malaayiin ah, ayadoo malaayiin kalena ay waddanka dibaddiisa u qaxeen.

 

Celcelis ahaan marka la qiimeeyo, dadka dibadaha u qaxay waxaa u badan dadkii waxtarka bulshada u lahaa oo waddanka gabaabsiba  ku sii noqonaya. Arrintan ayaa waxaa loo eedeynaa ugaarsiga gaarka ah ee sanadihii u dambeeyay  lagu hayay dadka qiimiga leh ee tiirarka u ah bulshada.

 

Walow ay halistaas muuqato, haddana waxaa jira shaqsiyaad qaali ah oo naftooda u hibeeyay dadkooda. Waxaa jira aqoonyahanno farakutiris ah oo shaqo iyo nolol raaxo leh oo ay dal shisheeye ka helaan ka door biday in aysan dhulkooda dhinac u dhaafin, dhib iyo dheefna ay bulshadooda la wadaagaan. Nasiibdarro naftood-hureyaashaas  aqoontooda u hibeeyay umaddoodu, waxay har iyo habeen la kulmaan hanjabaado joogto ah oo halis lagu galinayo naftooda, laguna hor istaagayo howlahooda tabarrucaada ah.

 

 

Haddaba Hiiraan-Online oo qadarineysa waxqabadka naf-hurnimo ee aqoonyahannadaas halistu ku xeerantahay, waxay sanadkaan shaqsiyadda sanadka u xulatay  aasaasihii Jaamacadda Banaadir  prof Maxamed Aadan Warsame (Shahiid) . Prof Shahiid, Rabbi ha u naxariistee wuxuu kaalin hormuudnimo uga jiray ololaha loogu jiro ka hortagga ciribtirka aqoonta; wuxuu ku geeriyooday qaraxii  ka dhacay Hotel Shaamow 3dii Janaayo 2009ka.  

 

Prof Shahiid (AHN) wuxuu Bare-Sare ka ahaa Kulliyaddii Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo uu afar maaddo ka dhigi jiray. Burburkii dowladdii dhexe ka dib, wuxuu ka mid noqday dhakhaatiirta fara ku tiriska aheyd ee aan dalka ka bixin, dhibaatadii la soo marayna u dhabar adeygay. Sanadkii 2001dii ayuu isugu yeeray  qaar ka mid ah dhakhaatiirtii waddanka ku hartay, una sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay in la soo nooleeyo waxbarashadii sare ee burburtay, gaar ahaanna kulliyaddii Caafimaadka. Sida aan ka soo xigannay qaar ka mid ah dhakhaatiirtii kulankaas joogtay waxaa Prof Shahiid haddalladiisii ka mid aha “ Waxaan in badan sugay  dowlad,  nasiibxumase markaan waayey waxaan go'aansaday in inta aanan  dhiman aan abuuro jiil na badala oo naga dhaxla aqoonta, maadaama dhaqaatiirtu ey noqdeen qaar dhintey, kuwo howlgab noqday iyo kuwo wadanka isaga hayaamay".

 

 

Sanadkii 2002dii, wallow ay duruufuhu aad u qallafsanaayeen, haddana dadaal iyo dulqaad badan ka dib, waxaa suurtogashay in la furo kuliyadda Daawada iyo Farsamada Qalliinka (Faculty of Medicine and Surgery) ee Jaaacadda Banaadir. Prof Shahiid wuxuu ka mid noqday macallimiintii lagu furay ee udub-dhexaadka u ahaa Jaamacadda wuxuuna Bare-Sare ka ahaa maddooyinka kala ah:

 

  1. Pathology: Cilmiga la xiriira baaritaanka nooca jirrada iyo sababaha keena

  1. Forensic Medicine: Aqoonta la xiriirta dabaqidda cilmiga daawada iyo
    su’ aalaha xagga qawaaniinta (sharciga)

  1. Histology: Barashada unugyada iyo cadadka yaryar ee ili-ma-aragtayda ah.

  1. Embryology: Cilmiga la xiriira barashada ilmaha uurka ku jira koriimadooda laga soo bilaabo heerka bacrimidda ugxanta  ilaa uu canug sameysmo.

  1. ENT: Cunaha Dhegaha iyo Sanka

  1. Genetics: Cilmiga la xiriira dhaxalka (heredity) 

In Jaamicad laga furo meel ay xasilooni la’aani ka jirto sida Muqdisho ma aha arrin fudud. Balse dhakhaatiirtii isxilqaantay waxay riyadoodii u rumowday sanadkii 2008dii markey Kulliyadda Daawada iyo Farsamada Qalliinka ee Jaamacadda banaadir ay ka qalinjebiyeen dufacaddii u horreysay ee dhakhaatiirtii ay tababareen. Dhaqaatiirtaas cusub oo aad loogu diirsaday waxay maanta si firfircoon uga howlgalaan isbitaallada dalka. Waxayna arrintaasi muujineysaa in haddii ay dadka Soomaaliyeed isku tashadaan, dadaal aqoon ku dhisan iyo dulqaad badanna ay la yimaadaan, mustaqbalka  wanaag iyo horumar ay gaari karaan.

 

 

Sanadkaan aan ku jirno ee 2009ka waxaa waxbarashadooda Jaamacadda Banaadir  ku dhameystay dufcaddii labaad ee dhakhaatiirta aheyd. Nasiibdarro xafladii farxadeed ee qalinjebintaas oo la qorsheeyay in ay ka dhacdo Hotel Shaamow waxay isku rogtay murugo, ka dib markii qarax arxandarro ahi uu goobtii gilgilay. Dhamantood Rabbi ha u naxariistee , waxaa halkaas ku nafwaayay wasiirro ka tirsan DFKM, macallimiin, arday , waalidiin, suxufiyiin iyo dad kale oo xafladda goobjoog ka ahaa. Prof Maxamed Aadan Warsame ( Shahiid)  wuxuu ku geeriyooday goobtaas isagoo ay hortaaganyihiin dufcaddii 2aad ee dhakhaatiir ah oo ay isaga iyo saaxiibadiis wax soo bareen. Waxaana hubaal ah iney u rumowday riyadiisii aheyd in uu baryaabiryo dhakhaatiirtii badali laheyd geeridiisa ka dib, si ay ummadooda u garab istaagaan.

 

Hiiraan-Online ayada oo qiimeyneysa dadaalka uu sameeyay Prof Shahiid iyo sida uu ugu guuleystay riyadiisii aan sahlaneyn oo tusaale u noqon karta wanaagdoon badan waxay shaqsiga sanadka u dooratay prof Maxamed Aadan Warsame (Shahiid).

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2008 Hiiraan Online