XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA

Qormadii: Mohamed Dalmar
Saturday, January 12, 2008


OttawaWaxaan jeclahay inaan akhristayaasha, siiba kuwa ah reer Ottawa, la qaybsado daraasad ay sameeysay hay’adda Social Planning Council of Ottawa[1] oo baareeysa xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dadka madow oo ku nool Ottawa, ooy jaaliyadda Soomaalidu ka mid tahay. Daraasadaan oo soo jiidatay dareenkayga ayaan rabaa inaan in yar wax ka tusaaleeyo. Wax badan ayaan ka hadalnaa xaaladda dalkii hooyo ee murugsan, waana gar in laga hadlo. Waxaase sidoo kale ka-hadal mudan xaaladda qurbajoogga oo iyana walwalkeeda leh. Maqaalkaanina arrintaas ayuu wax ka taabanayaa.

 

Daraasadaan oo dheer, waxaan ka soo qaadanaya inta sida gaarka ah u khuseeysa Soomaalida Ottawa deggan. Daraasaddu waxay ku saleeysan tahay xogtii laga helay tirakoobkii laga sameeyey dalka Kanada sanadkii 2001. Sida la ogsoon yahay, waxaa ka dambeeyey tirakoobkii 2006 oo aan weli la lafagurin (shantii sano oo kastaba waxaa la sameeyaa tirakoob).

 

Daraasadaas waxaa ka soo baxay sawir ah in dadka madoobi ay ku jiraan dabaqada ugu hooseeysa ee bulshada reer Ottawa, taasoo awalba la dareensanaa. Markii, dadka madow la sii kala qaaday, waxaa soo baxay in Soomaalidu yihiin kuwa ugu sii liita oo galay darajada ugu hooseeysa xag dhaqale iyo xag heer-nololeedba. Maxay taasi ku dhacday waa su'aal aan u soo bandhigayo akhristayaasha oo aan ka filayo jawabcelin.

 

Bilowga, darasaaddu waxay tilmaan guud ka bixisay dadka madaw ee Ottawa. Tilmaamahaas waxaa ka mid ah in dadka madow ay u badan yihiin muhaajiriin soo galay wixii ka dambeeyey 1980, inay u badan yihiin caruur iyo dhalin yaro, inay ku yaryihiin dadka dhammeeystay jaamacadaha iyo inay u badan yihiin shaqaale ka shaqeeya meheradaha wax-gadidda (sales) iyo adeegyo kale oo heerkoodu hooseeyo. Tilmaamahaaoo dhan, haddaad u fiirsatid, Soomaalidu waa u badan yihiin, waxaaba la oran karaa ayagaa saameeyn ku yeeshay tirakoobka.

 

Tirada Soomalida ku nool Ottawa

 

Tirakoobku wuxuu diiwaangeliyey in sandkii 2001 ay magaalada Ottawa deggenaayeen 34,645 ruux oo madow, taasoo Ottawa ka dhigtay magaalada saddexaad ee madawgu ugu badan yihiin, iyadoo  kaalinta kowaad iyo labaadna ay kala galeen magaalooyinka Toronto iyo Mississauga. Xagga Soomaalida, Ottawa waa magaalada labaad ooy ugu badan yihiin Soomaalidu, iyadoo ay Toronto tahay magaalada koowaad.

 

Tirakoobka rasmiga ahi wuxuu tilmaamayaa in sanadkii 2001 ay Ottawa ku noolayeen 8,280 ruux oo Soomaali ah (fiiri shaxda koowaad), waana jaaliyadda ugu badan markii la isku qaado dadaka madow oo idil. Haseyeeshe, tirada aan rasmiga ahayn waxay male-awaaleeysaa in 15,000 ila 18000 oo Soomaali ah ay Ottawa ku nool yihiin. Aalaaba,  waxaa jira farqi u dhexeeya tirada rasmiga ah oo tirakoobkyada dowladuhu soo saaraan iyo tirada aan rasmiga ahayn ee la isla dhexmaro. Bil matal, tirakoobkii 2001 wuxuu diiwaangeliyey in 33, 725  oo Soomaali ah ay ku nool yihiin dalka Kanada, [2] waxaase lagu qiyaasaa tirada Soomaalida Kanada ilaa 120,000 oo qof. Sidoo kale, tirakoobka rasmiga ah ee Ingiriiska (U.K.) ee sanadkii 2001 wuxuu tilmaamayaa in 43,691 ruux oo Soomaali ah carrigaas degganyeen taariikhdaas, waxaase la qiyaasaa 150,000 oo Soomaali ah inay dalkaas ku nool yihiin.[3]

 

Shaxda 1: Bulshooyinka madow ee ugu badan Ottawa

Bulshada

Tirada

Somali

8,280

Jamaican

5,775

Haitian

4,610

Ethiopian

1,625

West Indian

1,310

Eritrean

   890

 

Shaqo-la’aanta haysata Soomaalida Ottawa

 

Heerka shaqo-la’aantu (unemployment rate) wuxuu muujinayaa qaybta dadka awoodi kara inay shaqeeyaan, raadinaya shaqo, haseyeeshee  shaqo-la’aan ah. Sida ka muuqata shaxda labaad, heerka shaqo-la’aanta Soomaalida ayaa ah kan ugu sareeya, markii la barbardhigo bulshooyinka kale oo idil. Guud-ahaan dadka midabka leh ee laga tiro badan yahay (visible minority) siiba dadka madow ayeey shaqo la’aantu ku badan tahay sida shaxduba muujinayso, taasoo loo aaneynayo midab takoor. Laakiinse xaaladda shaqo-la’aaneed ee Soomalida haysata ayaa ah tan ugu daran. Wuxuu tirakoobku ina tusaya in 21.2% Soomaalidu ay camal la’aan yihiin. Markii la sii kala qaadana dumarku ugu daran yihiin iyadoo 25.9% shaqo la’aan yihiin. Haddaan tusaale u soo qaadanno heerka shaqo-la’aanta ee Ottawa oo dhan wuxuu sanadkii 2001 isku-celcelis ahaa qiyaas 5.7%.[4]

 

Shaxda 2: Heerka shaq-la’aanta (unemployment rate)

Bulshada

Rag iyo dumar

Dumar

Rag

Somali

21.2

25.9

17.1

Pakistani

16.6

21.5

14.2

Arab (kala duwan)

16.2

19.7

14.4

African (kala duwan)

13.6

16.7

11.1

Haitian

13.6

15.9

11.4

 

Dakhliga

 

Shaxda saddexad waxay muujinaysaa dakhliga dhexdhexaadka ah (median) ee soo gala bulshooyinka qaarkood. Mar kale, waxaan arkeeynaa in dadka midabka leh ay ugu liitaan bulshada, Soomaaliduna kuwaas ka sii liitaan. Sida ka muuqata shaxda, dakhliga dhexdhexaadka ah ee Soomaalida Ottawa soo galay sanadkii 2001 wuxuu ahaa ($11,500), waana kan ugu hooseeya markii loo fiiriyo dakhliga bulshooyinka kale.  

 

Dakhliga hooseeya waxaa sababaya shaqo-la’aanta,  dadka intooda badan oo ku shaqeeya waqti-dhimman (part-time) iyo mushaharooda oo yar. 

 

Shaxda 3: Dakhliga (median income)

Bulshada

Dakhliga

Somali

$11,500

Arab (kala duwan)

$12,000

Haitian

$15,000

Latin American

$17,000

African (kala duwan)

$17,000

Norwegian

$36,000

Ukrainian         

$33,500

Welsh  

$33,500 

 

Saboolnimada

 

Hay’adda Tirakoobka Kanada (Statistics Canada) waxay sanad walba soo saartaa waxa loo yaqaan “Low income Cut off” oo ah halbeegga ama cabbirka lagu qiyaaso saboolnimada. Haddi si kale loo dhigo waa dakhliga ugu yar oo qofku ama xaasku si mustakafi ugu noolaan karo, hadduu hoos uga dhacana uu ku sifoobayo sabool ama faqiir. Bil matal, sandkii 2000 xaaskii ka kooban hal qof wuxuu ugu yaraan u baahnaa dakhli dhan $18,371, labadii qofna $22,964, saddexdii  qofna $28,560 iwm. Intaas qofkii ama qoyskii dakhligoodu ka hooseeyo waa sabool. Haddii cabbirkaas la qaato,  waxaa soo baxaya in 64% Soomaalida Ottawa ay ka hooseeyaan heerkii dakhli ee la rabay, sidaas daradeedna ku nool yihiin nolol faqri ah (fiiri shaxda afraad) .

 

Shaxda 4: Saboolnimada

Bulshada

Heerka

Somali

61.4

Arab (kala duwan)

51.4

Haitian

49.7

African (kala duwan)

35.5

Lebanese

31.1

Norwegian

3.8

Austrian

3.9

Swedish          

4.2

 

Gabagabo

 

Tirakoobkaani wuxuu ku ekaa magaalada Ottawa oo keliya. Waxase la oran karaa  sawirka uu ka bixiyey Soomaalida Ottawa waxaa la wadaaga Soomaalida Kanada oo dhan. Bal waxaa la oran karaa waxaa la wadaaga Soomaalida qurbajoogga ah oo idil. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa Soomaalida ku nool Great Britain. Xogwarran laga soo saaray carriga Ingiriiska ayaa qoraya in 71% Soomaalidu ay camal la’aan yihiin ooy ku tiirsan yihiin kaalmada dawladda.[5] Sidoo kale, daraasad laga soo saaray dalka Denmark ayaa iyana tilmaameysa in 45.2% Soomaalidu shaqo la’aan yihiin, tiradaasoo ah tan ugu badan xagga shaqo-la’aanta.[6]

 

Su’aasha aan haddaba akhristayaasha u soo jeedinayo waxay tahay, maxaa ina ka reebay jaaliyadaha intooda kale oo sababay inaan ugu liidanno bulshooyinka markii laga fiiriyo xagga shaqada, dakhliga iyo heerka nolosha?[7]

 


Mohamed Dalmar

[email protected]

 

[1] The Black Community of Ottawa:   An Analysis of the 2001 Census Data to Gauge Inequality. A Study by the Ottawa Social Planning Council, commissioned by the Catholic Immigration Centre and sponsored by the Community Foundation of Ottawa

 

[2] Statistics Canada.

[3] The Economist, December 18, 2007.

[4] Statistics Canada, Census 2001.

[5] Britain’s_Immigrants, An_economic_profile. A report for Class Films and Channel 4 Dispatches

   September 2007. Institute for Public Policy Research.

[6] Migration and integration in the Baltic Sea States – Denmark and international migration.

[7] Soomaalida Ottawa waxaa ku jira qaar xirfad iyo aqoon her sare ah leh. Waxaa xusid mudan inay Daraasadaan qortay aqoonyahan soomaali ah: Hindiya Maxamad oo waqtigaas u shaqqyneysey hay’adda Social Planning Council of Ottawa

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2008 Hiiraan Online