Kulankii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi iyo R/W Nuur Cadde
fiogf49gjkf0d

Axad, February 18, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa laba maalmood wada tashi kula qaatay  Waxgarad Soomaaliyeed ee sugan magaalada Nairobi. Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa  mar kale ku celiyay qorshaha ay Xukuumaddiisa dooneyso in ay wax uga qabato mushkiladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Nuur Cadde ayaa warbixin dheer ka bixiyey safarkii uu ku tagay Yurub isaga ka muujiyey rajo weyn in Midowga Yurub ay garab taaganyihiin qorsha nabadeynta ee Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in ay maanta jirto fursad wanaagsan oo Soomaaliya dhibaatadeeda looga bixi karo

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladdiisa ay muhiim u yihiin nabadeynta Soomaaliya iyo sidii xal waara loo gaari lahaa, wuxuuna caddeeyay in waxyaabaha ay Mucaaradka tabanayaan ay u kala jiraan labo arrimood oo kala ah in ay qaarkood  Dowladda dhaliilsan yihiin, halka kuwo kalena ay dareemayaan in awood qeybsigii dalka aan lagu tixgelin.

Waxaa uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha in ay jirto baahi ku saabsan sidii nabadda iyo dib u heshiisiinta  la isugu waafajin lahaa dadka qunyar-socodka ah iyo kuwa mayalka adag ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, meeshana looga saari lahaa is-mari-waaga jira, dabadeedna loo gaari lahaa xal waara oo loo helo  mushkiladda 15-ka sano ka badan ka taagan Dalka Soomaaliya.

Mar uu ka jawaabayay weydiin ku saabsaneyd goorta ay Soomaaliya ka baxaan Ciidamada Itoobiya oo  uga timid dhinaca Dadkii uu la hadlayay ee uu kula kulmay Hotelka Panari ee Magaalada Nairobi ayaa wuxuu sheegay in ay 24 saacadood ku qaadaneyso in ay Ciidamada Itoobiya ka saaraan Soomaaliya hayeeshee loo baahan yahay in marka hore laga fiirsado sidii loo buuxin lahaa booska  nabad-sugidda ah ee ay baneeyaan Ciidamada Itoobiya.

“In aan Ciidamada Itoobiyaanka ka saarno Soomaaliya waxay nagu qaadaneysaa 24 Saac, laakin waa in aan ka fiirsanaa sidii aan u buuxin lahayn booska  nabad-sugidda ah ee ay baneeyaan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cali Xaamud iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika.

Aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa tallooyin looga bixi karo dhibaatada Soomaaliyeed ka soo jeediyey labadii kulan ee uu Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi.

Waxaa xusid mudan talooyin uu soo jeediyey Maxmed Cali Xaashi oo sida uu sheegay haddii lagu dhaqmo looga gudbi karo dhibaatada haysta dowladda federaalka. Talooyinkaas uu soo jeediyey Maxamed Cali Xaashi ayaa waxaa ka mid ahaa:

1)      In dowladda ay ku dhawaaqdo xabad joojin sharuud la’aan ah, si markaas loo tuso mucaaradka niyad wanaaga dowladda.

2)      In dowladda tallaabo ka qaado daabacaadd Shillinka Soomaaliga gaar ahaan dowlad goboleedka Puntland oo dhibaato weyn haya dhaqaala dalka Soomaaliya

3)      In la joojiyo keenista qaadka maadaam uu dhibaato dhaqaale iyo mid bulshaba  ku hayo ummadda Soomaaliyeed.

 

Cali Xaaji Adan oo ka trisanaan jiray saraakiishii sare ee hay'adda UNDP ayaa  cannaan u soo jeediyey nidaamka ay  ku shaqeeyaan hay’adaha samafalka ee ka howlgala dalka Soomaaliya. Wuxuuna carabka ku dhuftay in lacag badan  lagu bixiyo dalka Soomaaliya laakin nasiib darro aanan si wanaagsan loo maamulin kuna dhex baaba'do hay'adda gudaheed. Wuxuuna kula taliyay dowladda in ay ku qasabto hay’daha in ay howlahooda geeyaan waddanka gudihiisa si markaas wasaarad waliba ula xisaabtanto hay’adda markaas hoos joogta.

 

Waxaa kulankaas  ka hadlay Abshir Warsame Jamac oo si weyn uga hadlay dhibaatada haysata dadka la heyb takooro ee ku nool dalka Soomaaliya. Waxuuna sheegay in  ay sameeyeen xisbi cusub oo lagu magaacaabo SMRO. Abshir Warsame ayaa ku qayaasay in dadkaa la hayb takooro ay maant ay ka badanyihiin 5 malyan oo qofood, laakin loo diiday in codkooda la maqlo loona ogaalada xuquuqda ay ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed. Wuxuun dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka mid noqdaan xisbigaan cusub si loo badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed.

 

Waxaa sidoo kale dhibaatada haysta qareenada iyo maxkamadaha Soomaaliyeed ka hadlay Prof Gure oo ah guddoomiyaha sharciyaqaanada Soomaaliyeed (Somali Law Society) macalin ka ahaan jiray Jaamacaddii Gahayr . “Nin maalin waliba ka fikiraya wixii uu siinlahaa ilmihiis ma noqon karo garsoore ” ayuu yir Prof Gure. Wuxuun Ra’iisul Wasaaraha u soo jeediyry in tallaabo deg-deg uu ka qaado daryeelka shaqaalaha maxkamadaha Soomaaliyeed.

 

Lixle Muxudiin oo ka tirsan hoboladda Waayaha Cusub ayaa ka codsaday Ra'iisul Wasaaraha in dhallinyarada la siiyo dowrka ay ku leeyihiin bulshada maadaam dhibaatadea  iyo dagaalka loo adeegsado dhallinyaro. Lixle ayaa ku celceliyey in dadka maanta ku dhimmanyo dagaalada ka socda Soomaaliya ay u badan yihiin dhallinyaro aad u da'yar loona baahanyahay in la badbaadiyo.

 

Aqoonyahadii halkaas ka hadlay oo aan dhammaantood la soo koobi karin ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. Abdi Dahir Dirie , C/raxamaan Baadiyow, Maxamed Jeylani, Ibrahim C/llaahi Caddow, Mowlida warfaa iyo Ruqiyo Cusmaan Sheikh.

 

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii ka soo qaybgalay wuxuuna ballanqaaday inta karaankiisa ah uu ku dadaalidoono in nabadgalyo lagu soo celiyo dalka soomaaliya. Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa  walaac ka muujiyay xaaladda adag ee ay ku nool yihiin dad badan oo ka barakacay dhibaatooyinka ka jira Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in aysan dadkaasi heysan gargaarka ay u baahan yihiin marka laga reebo dadaallo ay waddo Dowladda Federaalka iyo Hay’ado Deeq bixiyayaal ah oo dadkaas raashin lagu gaarsiiyo, wuxuuna ka codsaday Beesha Caalamka inay Dadkaas gargaar deg deg ah la soo gaaraan.

 

Hiiraan Online

Nairobi, Kenya

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2008 Hiiraan Online