By Dr. Maxamud M. Culusow
Monday March 25, 2024
Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya (JFS) oo dhaqangalay 2dii Agoosto 2012 wuxuu faraya dhammeystirkiisa
ka hor afti dadweyne ee lagu tala galay in la qabto ka hor dhammaadka mudda
xileedkii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) oo aheyd 20kii Agoosto 2016
sida ku xusan qodobbada 133, 134, iyo 136 taaso aan dhicin ilaa
maanta. Sidaas oo kale, qodobka 137 wuxuu tilmaamaya Wax beddelka
dastuurka rasmiga ah (final constitution) aftida dadweyne kaddib ayadoo
meelmarinta wax ka beddelkaas la raacayo qodobka 132. Sida awgeed, wax
ka beddelka dastuurka qabyada ah (kmg) ah iyo kan rasmiga ah ee aan weli la
gaarin waxaa u dhexeeya farqi.
Si loo hirgeliyo wax ka
beddelka dastuurka kmg, waxaa 2013kii lagu dhawaaqay hirgelinat Higsiga
2016 (Vision 2016) ee ka
koobnaa 3 hadaf:
1. Hirgelinta nidaamka federaalka 2. Dhammeystirka dastuurka 3. Dimoqradiyeynta
Weli laguma guuleysan hirgelinta
3daas hadaf. Isla fahamka habka shaqo ee nidaamka federaalka wuxuu gogol dhig u
yahay dhammeystirka dastuurka iyo xoojinta midnimada Qaranka Soomaliya, taaso gogol
dhig u ah hirgelinta nidaamka dimoqradiyeynta ee ku dhisan nidaamka xisbiyada
badan iyo nidaamka doorashada xorta iyo xalaasha ah. Baalmarka tilmaamaha qodobka
49 ee dastuurka kmg ee ku saabsan tirada, xuduudaha, iyo degmooyinka
dowladaha Xubinta ka ah dowladda federaalka waxay jaahwareerisay hirgelinta
nidaamka dowlad federaal ah oo u horseeda midnimada qaranka Soomaaliyeed. Isla
akhrinta qodobbada 3 (3) ee ku saabsan mabaadi’ida asaasiga ah iyo 49
(4, 5) ee kor xusan ee dastuurka kmg waxay ishaareysa deegan doorasho
degmo iyo gobol, taaso ka soo horjeeda Deegan Doorasho Qaran.
BFS 9aad (2012-2016) wuxuu hab
xeer jajab ah xilka dhammeystirka dastuurka kmg ugu wareejiyay barlamaankii 10
(2017-2021), kaaso mar kale xilkaas ku wareejiyay Barlamaanka 11 (2022-2026). Dood
kama taagna hortabyada wax ka beddelka dastuurka kmg. Nasiib darro, dhaqan
dowladeedka la jiifyaano iyo la joojiyaano bannaan oo aad u cayilay 12kii sano
ee la soo dhaafay, wuxuu albaabada u furay nidaam fowdo ah, ka soo horjeeda
dhaqan dowladeedka ku qeexan dastuurka kmg. Lug jiidka iyo hagardaamada shalay
waxay cudurdar u noqotay lug jiidka iyo hagardaamada maanta iyo ku talagalka
lug jiidka iyo hagardaamada berri, taaso noqotay musiibo Somaaliya aafeysay.
Labada Gole ee Barlamaanka Federaalka
Soomaaliya (BFS) waxay ku guda jiraan ka doodista “Soo-Jeedinta Wax-ka-Beddelka
Cutubyada 1, 2, 3, 4, ee Dastuurka kmg,” ee Guddiga Madaxabanaan ee dib
u eegista iyo hirgelinta dastuurka Kmg oo ka kooban shan (5) xubnood ee Golaha
Wasirrada ee dowladda federaalka soo magacaabay iyo min hal (1) xubin ee Dowlad
Goboleedyada soo magacaabeen iyo Guddiga La Socodka Dib u Eegista iyo Hirgelinta
Dastuurka kmg ee BFS, guddigaasoo ka kooban min 5 xubnood ee ka kala tirsan
labada Aqal iyo min hal xubin ee ka socda Dowlad Goboleedyada Xubinta ka ah
Dowladda Federaalka.
Afarta cutub waxay ku kala
saabsan yihiin:
1.
Baaqa JFS oo ka kooban 9 qodob;
2.
Xuuquuqda
Asaasiga ah iy Waajibaadka Muwaadinka oo ka kooban 32 qodob;
3.
Dhulka, Hantida, iyo deegaanka oo ka kooban 6
qodob;
4.
Mataaladda Shacabka oo ka kooban oo ka kooban
15 qodob.
Isugeynta qodobbada afarta
cutub waa 62 qodob oo markii hore ka koobnaa 47 qodob.
Dastuurka kmg wuxuu ka kooban yahay 143 qodob iyo 4 lifaaq. Waa harsan
dib u eegista 11 Cutub oo ka kooban 96 qodob, kuwaaso tiro badan
la tirtiri doono ama la beddeli doono.
Qodobka 51 ee Cutubka 4aad, kuna
saabsan hay’adaha sida tooska loo dooranayo wuxuu abuuraya sharciyado
(legitimacy) wada siman ee Xubnaha BFS oo matalaya shacabka iyo dowlad goboleedyada,
Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka JFS oo matalaya shacabka. Madaama
xubnaha BFS aysan ka mid noqon doonin Laanta Fulinta ee Nidaamka Madaxtooyada,
is qabsiga wuxuu ka dhex aloosnaan doona Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka,
iyo Xubnaha BFS iyo Hoggaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada. Daraasadu caalami ah
ee ku saabsan isbarbardhigga nidaamyada Madaxtooyada iyo kuwa Barlamaaniga
waxay raajiciyeen in nidaamka barlamaaniga (Parliamentary systems) ka habboon yahay,
ka fiican yahay nidaamka Madaxtooyada (Presidential systems), arrintaaso aan
gooni u hadli doono mar kale.
Dadweynaha Soomaaliyeed waxay
ku jaahwareersan yihiin muranka hareereyay wax ka beddelka dastuurka kmg. Isweydiintu
waxay tahay: Wax ka beddelku ma turxaan bixin iyo dhammeystir dastuurka qabyada
ahaa 12ka sano, mise waa wax ka beddel dastuur dhammeystiran oo aan weli la
gaarin waqtigisii, mise waa qorista dastuur cusub, mise waa ansixinta
cutubka 4aad ee ku saabsan beddelka qaabka dowladda federaalka Soomaaliya
(DFS) ee loo beddelayo qaab Madaxtooyo iyo nidaamka labada xisbi iyo guddi
doorasho Qaran?
Falcelin iyo dood ka dhalatay baabi’inta
Jagada Ra’iisul Wasaaraha, ayadoo Madaxweynaha JFS oo dadweynuhu toos u soo dooran
doono uu noqonayo Madaxa JFS iyo Madaxa Golaha Wasiirrada (Laanta Fulinta), waxay
hadda isu beddelay eedeymo falal dembiyeed, gadood xildhibanno iyo dowlad
goboleed, iyo eedeymo awood maroorsi iyo
muddo kororsi, xaaladdaaso dadweynaha ku
abuurtay walaac iyo niyad xumo. Qodobka 48 (3) ee cutubka 4aad wuxuu
faraya in matalada shacabka ka hortagto qalalaase ka dhalan karta tartammada
siyasadeed iyo natiijooyinka doorashada, qalalaaso hadda lagu dhex jiro.
Sida ku cad dastuurka kmg, guddiga
madaxabannaan ayaa u xilsaaran “soo jeedinta turxaanbixinta iyo dhammeystirka
dastuurka kmg, qaab hindise sharciyadeed isku xiran oraah iyo nuxur ahaan” kaddib la tashiyo ballaran,
macno leh ee lala yeeshay dadweynaha, waxgaradka, siyaasiinta, dowlad
goboleedyada, guddiga labada Gole ee BFS, iyo aqoonyahanno caalami ah ee ku
takhasusay cilmiga dastuurrada iyo nidaamka federaalka.
Tusaale ahaan, xilka Guddiga
Madaxabannaan wuxuu ahaa soo bandhigidda dastuur turxaan baxsan, dhammeystiran,
kuna saleysan habka Madaxtooyada si loo fahmo habka u hoggaansanaanta
mabaadi’da abuuritaanka dareen midnimo qaran, nidaamka federaalka, kala soo-cidda
awoodaha sharcijedinta, fulinta, iyo garsoorka madaxabannan, isu dheellitirka
iyo isla xisaabtanka hay’adaha dastuuriga ee dowladda federaalka, kuwo dowlad
goboleedyada, iyo dowladaha hoose, iyo kala soocidda Maamulka Dowladda
Federaalka iyo Maamulka Gobolka Benadir/Dowladda Hoose iyo Maamulka Caasimada
Muqdisho. Dastuurka waa hal sharci oo isku xiran oo ansixintiisa iyo
diidmadiisa ay isku duuban tahay.
Qodobbada 133 Jadwalka C
iyo 134 Jadwalkaa D ee dastuurka kmg waxay tilmaamayaan
qodobbada u sharraxan dib u eegista iyo dhammeystirka dastuurka qabyada ah xag dastuur
iyo xag sharci. Qodobbada la tilmaamay in dib loo eego marlaxadda
dhammeystirka dastuurka kmg waxay yihiiin: 8 (helitaanka iyo
waayidda dhalashada JFS), 9 (Maqaamka Magaalo Madaxda), 22 (Qaabka
ka wada qayb galka siyaasadda), 30 (sameynta dugsiyada khaaska,
machadyada iyo jaamacadaha), 32 (xaq u lahaanshaha war helidda), 34
(xaqa eedeysanayaasha fal-dambideydo u leeyihiin inay helaaan caawinaad sharci
lacag la’aan ah), 36 (dib u celinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha
dalal Ajnabi ah), 37 (Qaxootiga iyo Magangelyo doonka), 39 ( Qaab
dhaqanka xal u helidda ku xadgudubka xuquuqda aadanaha), 41 (Asaasidda
Guddiga Xuquuqda Aadanaha), 43 (Waxa u noqonayo dhulka federaalka), 45
(qubitaanka Qashinka), 47 (Xisbiyada Siyaasadda iyo Qaababka
Doorashada), 49 (Tirada iyo xuduudaha dowlad goboleedyada iyo xallinta
khilaafaadka xuduudaha), 51 (shuruucda khuseeya xiriirka wada shaqeynta
heerarka kala duwan ee dowladda), 54 (kala qaybinta awoodaha siyaasadda
iyo dhaqaalaha), 68 (shuruucda hab dhaqanka Golaha Shacabka), 70 (Xasaanada
xubnaha barlamaanka Soomaaliya), 75 ( shuruucda qaab dhaqanka ku aadan Aqalka
Sare ee BFS iyo DG), 110 ilaa 113 (waajibaadka, xilalka, tirada,
iyo hannaanka guddiyada madaxabannaan), 111 J (Xafiiska Adeegga
Gardoonka dadweynaha -Ombudsman), 123 (Aasaasidda Bankiga Dhexe), 130
(Xaarantimeynta maleeshiyaadka khaaska ah, sharciyeynta ilaalada khaaska, ciidammada
amniga, asaasidda laamaha khaaska ku ah la dagaalanka argagixisada,tahriibka
dadka iyo dambiyada kale ee abaabulan, nidaaminta dhismaha iyo shaqooyinka booliska
federaalka, nidaaminta xiriirrada ka
dhexeeya adeegyada booliska federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, arrinta
u hoggaansamida amarrada sharcidarrada ah, asaasidda iyo shaqeynta guddiga barlamaanka ee khaaska ku ah arrimaha
ciidammada qalabka sida, doorka dadweynaha ee dabagal ku sameynta adeegyada
booliska federaalka), 131 (Xaaladda degdegga ah), 141 ( u
codeynta arrin khaas ah ee dadweynaha).
Tilmaamaha marxaladda dhammeystirka
dastuurka kmg kuma jirto wax ka ka beddelka hay’adaha iyo awoodaha dowladda
federaalka - Madaxweynaha JFS, Barlamaanka Federaalka Soomaliya, Golaha
Wsiirrrada, iyo Garsoorka Madaxabannan. Inta
badan, khilaafaadka iyo is qabqabsiga siyasadeed ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul
Wasaaraha kama imaanayaan dastuurka kmg, waxay ka yimaadaan u hoggaansan
la’aanta habraaca ku qoran dastuurka, sharciyada maamulka, iyo nidaamka maamul
wanaagga.
Dr.
Maxamud M. Culusow
[email protected]