4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Cadaadiska sicir bararka ee Soomaaliya ayaa fududaanyo, iyadoo Tusaha Sicirka Badeecada uu hoos u dhacday bishii saddexaad oo xiriir ah

Sabti, Maarso, 23, 2024
By Hussein Abdullahi Yusuf

 

Sicir-bararka Soomaaliya ayaa hoos u dhacay bishii saddexaad oo xiriir ah, isagoo gaaray 5.65% bishii Feberaayo 2024-kii, taasoo ka dhigan saddex bilood inuu hoos u dhacay, isagoo hoos uga dhacay 6.19% bishii Jannaayo, sida ay sheegtay SNBS.

Qeybaha ugu weyn ee sicirkoodo Kordhay (+) waxaa ka mid ah:

Isgaarsiinta wuxay arktay koror la taaban karo oo sanadlaha ah tasi oo gaartay 61.87% bishii Febraayo 2024, taasoo loo aaneynayo kor u kaca qiimaha taleefannada iyo qalabka telefax-ka (+94.60%), ugu horrayn waxaa sabab u ah khalkhalka saadka caalamiga ah, madama alaabtan laso dhoofiyo iyo baahida sare ee taleefannada casriga ah gaar ahaan IPhones. 

advertisements
Kirada guriyeynta iyo korontada ayaa muujisay koror sanadle ah oo ah 12.51% bishii Febraayo 2024, iyadoo cadaadis kor u kaca  ka yimid Kirada (+19.40%). Tani waxay hoosta ka xariiqday arrin ka taagan Soomaaliya, Iyadoo inta badan dadka Soomaaliyeed, ku dhawaad ​​57% aysan lahayn dhul, taasi oo  samaysay helitaanka guryo.  baahida loo qabo guryo habboon oo la awoodi karo ayaa si weyn uga muuqato, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Dharka & Kabaha Waxa la diwaangaliyay koror sanadle ah oo ah 11.41% bishii Febraayo 2024, ayadoo hogaminaysay  kor u kaca qiimaha dharka (+15.66%), taasoo ay ugu wacan tahay, qiimaha dharka ragga uu sare u kacay(30.60%). Dabaaldaga Ciidda ee soo socota ayaa la filayaa inay sii kordhiso wax ku biirinta waaxdan ee xogta Tusaha Sicirka Badeecada(TSB) ee bisha Maarso.

Gaadiidka ayaa diiwaangeliyay koror sanadle ah, oo ah 9.68% bishii Febraayo 2024, iyadoo cadaadis sare u kac ku yimid Adeegyada Gaadiidka (+33.17%). Sida ku sheegay falanqayntaydii hore ee (TSB) ee January, soo rogista casnhuurta wadooyinka ayaa sababtay kor u kaca, iyada oo kharashka adeega gaadiidku kor u kacay 45.11%. Canshuurta waddooyinku waa il dakhli oo dowladda kusoo kordhay, taasoo u oggolaan doonta horumarinta kaabayaasha waddooyinka ee dalka, oo ku xiran dowladda inay muujiso maamul maareynta maaliyadda.

Tubaakada & Maandooriyaha: Qaybtani waxa ay diwaan galisay koror sanadle ah, oo ah 8.79% bishii Febraayo 2024, taasoo ay keentay kor u kaca qiimaha maandooriyaha, gaar ahaan sigaarka (+9.70%). Baahida tubaakada iyo Jaadka oo aan jiidmin ayaa ka dhigaysa maandooriyaha mid si joogto ah wax ku biiriya TSB.

Sidaan ku saadaaliyay falanqayntayda xogtii TSB ee January, in February xogta TSB sii fududanayso. sido kale, waxaan filayaa in ay sii socoto dib ugurashada sicir bararka, oo sababteda leedahay dib-ugursahda sicirka qeybaha ugu weyn ee sicirkooda Kordhay  . In kasta anaan filaynin in uu jirin doonin qeybaha ugu weyn ee Sicirk Hoos u dhiga. Guud ahaan, dib ugurashada qeybaha ugu weyn ee sicirkoda kordhay ayaa hoos u u dhigi doonto sicir Baraka Somalia ee bisha Maarso 2024. Tani waxay la socotaa isbeddellada caalamiga ah, halkaasoo bangiyada dhexe ay adkeynayaan siyaasadda lacagta si ay uga jawaabaan sicir-bararka sii kordhaya iyo la qabsiga carqaladaynta silsiladda sahayda caalamiga.

Horumarka sicir bararka ayaa muujinaya sida lagu arkay dhaqaalaha horumaray, tusaale Maraykanka, halkaas oo heerka sicir bararka sanadlaha  uu taagan yahay 3.15% ee Febraayo. Sidoo kale, dalalka Bariga Afrika sida Kenya ayaa laga arkay hoos u dhac ku yimid sicir bararka sanadlaha ah oo gaaray 6.31% bishii Febraayo 2024 halkii uu ka ahaa 6.85 bishii Janaayo, halka Uganda ay la kulantay kororka heerka sicir bararka bishii Febraayo 3.4% bile ah.

Bangiyada dhexe waxay la dagaallamaan sicir-bararka iyagoo adeegsanaya aaladaha siyaasadda lacagta, Bangiga Dhexe ee Uganda, tusaale ahaan, wuxuu si gaar ah u kordhiyey heerka daymaha baanka 50 dhibac, wuxuuna gaarsiiyay 10%, si loola dagaallamo wiiqida Shilling-ka  iyo korodhka heerka sicir-bararka. Taas bedelkeeda, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu la’yahay qalab siyaasadeed lacageed oo uu wax kaga qabanayo sicir-bararka, kaaga darane ma laha xitaa bartilmaameedka sicir-bararka, isaga tiirsan tallaabooyinka siyaasadda maaliyadda.

Waxtarka siyaasadda maaliyadda Soomaaliya ayaa la is weydiinayaa iyadoo ay ugu wacan tahay saameynta xaddidan  ee dowladda ku leedahay dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha. In kasta oo ay suurtogal tahay in la wajaho kor u qaadista heerka cashuuraha si loola dagaallamo sicir-bararka, qaranku waxa uu wajahayaa caqabad ku wajahan isu-dheellitirka dakhliga, xakamaynta sicir-bararka, iyo hubinta sugnaanta cuntada. Warbixinnada ka soo baxay WFP ayaa tilmaamaya in 4 milyan oo qof ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin cunto December 2023, taas oo muujinaysa u nuglaanshaha dadka ee korodhka culaysyada cashuuraha ee saameeya sugnaanta cuntada.

Marka la eego maqnaanshaha aaladaha siyaasadda lacagta, xakamaynta sicir-bararka Soomaaliya waxay inta badan ku jirtaa gacanta bangiyada dhexe ee caalamiga ah iyo kuwa gobolka. 17 sano ka dib markii dib loo hawlgeliyay bangiga dhexe ee Soomaaliya, la'aanta aalado siyaasadeed iyo bartilmaameed sicir-barar si wax looga qabto sicir bararka ayaa ah mid aan la aqbali karin. Waxaa muhiim ah in mas'uuliyiintu ay diiradda saaraan xoojinta fursadaha siyaasadda bangiyada si loo helo shaqada abuur badan, ilaalinta sicirka, abuurista kalsoonida maalgashadayaasha iyo u kaxaynta dhaqaalaha jidahda kobaca heerka waara.

Dal ahaan, Somalia waxay lumisay kalsoonida maalgashadayaasha shisheeye iyo kuwa maxaliga ah taas oo ka dhalatay xeerar daciif ah, khidmado xad dhaaf ah, iyo ka hormarinta danaha gaar mida guud. Dhaqaaleena isku dhax-yaacsan wuxuu u baahan yahay siyaasado taxaddar leh oo ku talagal ah si kor loogu qaado dhinacayada saadka iyo dalabka dhaqaalaha dalkan.




Hussein Abdullahi Yusuf,
Consultant, Economist and Financial sector Analyst in Eastern Africa and MENA.


Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?id=100069787405612&mibextid=ZbWKwL
X: https://x.com/HusseinAYusuf2?t=y-Snvyo2rdz0_KVyuSyWjw&s=35


References: 
CONSUMER PRICE INDEX (CPI) February 2024 by SNBS
UNFPA (2016). Housing and Household Assets of the Somali People
Picture courtesy by SNBS 


References: 
CONSUMER PRICE INDEX (CPI) February 2024 by SNBS
UNFPA (2016). Housing and Household Assets of the Somali People
Picture courtesy by SNBS 

C:\Users\xusee\AppData\Local\Packages\Microsoft.Windows.Photos_8wekyb3d8bbwe\TempState\ShareServiceTempFolder\Screenshot 2024-03-18 143352.jpeg



 





Click here