12/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Sooyaalkii Waxbarashada iyo soo Dhoweeyntii Muqdisho
By Cabdinuur Sheikh Maxamed, Ph.D.
Dowladwanaag Consultancy
www.Dowladwanaag.org
Sunday March 19, 2023


Waxay ii ahayd fursad qaali ah in aan ka qeybgalo kulan qaran oo waxbarasho oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu horkacayo Wasiirka Waxbarashada Mudane Farah Sheikh Cabdulkadir iyo maamulka saree e wasaaradda

Runtii kulan noocaan oo kale ah beryahan dalka kama dhicin kaas oo si baaxad leh looga soo wada qeybgalay oo dalka gudahiisa lagu qabto. Waxaan qiyaasayaa in kulankii waxbarasho ee ugu dambeeyey uu ahaa sannadkii 2013 oo u uku xigay midka hadda la qabtay oo ku soo beegmay sannadka 2023. Labada kulan waxaa u dhaxeeyey muddo toban sano ah, waxaana bogaadin mudan in labada kulanba ay dhaceen waqti uu dalka hogaaminaayey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud oo isaga isku tilmaamay in uu yahay mid ka soo dhexbaxay lana soo barbaaray bahda waxbarashada una taagan sare u qaadista tayada waxbarashda dalka haddii Allah ka raali noqdo.

Waxaa bogaadin mudan madaxda wasaaradda waxbarashada oo markii u horreysay martiqaad u fidiyay wasiiradii waxbarashda dalka soo maray oo dhan oo ay soo wada ajiibeen martiqaadkaasi inta aan ka aheyn in yar oo cudurdaar sheegtay mooyee. Waxaa xusid mudan in uu kulanka ka soo qeybgalay Wasiirkii Waxbarashda iyo Barbaarinta ee dowladdii kacaanka Mudane Aadan Maxamed Cali oo runtii soo xasuusiyey dad badan Soomaaliyadii hore siday tacliinta muhiimad u lahayd iyo xaaladda maanta lagu jiro iyo sida looga bixi karo. Wasiir Faarax Abdulkadir wuxuu muujiyey bisayl siyaasadeed oo ah in uu ku dhiirado in uu meel isugu keeno wasiiradii ka horeeyey, warbixin siiyo, talona ka dhageeysto. Waa ficil aan hore loo sameyn oo ku dayasho mudan, muujinaayana in uusan khilaaf ka dhaxeyn siyaasiyiinta, jagada]una tahay meerto, wada-shaqeyntuna waajib tahay.

Barnaamijka kulanku wuxuu ahaa mid si wnaagsan loo soo agaasimay oo isugu jira soo jeedin macluumaad, dood cilmiyeed oo khubaro soo wada jeediyeen iyo su’aalo iyo jawaabo oo ay ka soo qeybgalayaashu weydiinayeen khubaradaasi.

Waxyaabihii laga dooday meelna looga soo wada jeestay waxaa ka mid ahaa b) in laga heshiiyo hiigsiga, yoolka iyo wax soo saarka waxbarashada, t) In laysla fahmo culaysyada waaweyn ee hortaagan waxbarashada, j) in la soo bandhigo aragti fog oo looga bixi karo xaaladaha maanta jirta, x) in lala yimaad afkaar cusub oo lagu baahiyo waxbarashda, sarena loogu qaadaayo tayayadooda, kh) in la raadiyo habmaamul kor loogu qaadi karo hannaanka waxbarashda dalka, iyo d) in la soo bandhigo hab joogteysan oo loo maareeyo dhaqaalaha ku baxa waxbarashada.

Runtii kulanka oo socday muddo 5 casho ah oo subax ilaa iyo galab soconaayey waxaa ka soo qeybgalay aqoonyahanno iyo khubaro ka socday wasaaradaha waxbarashada dalka iyo dowlad-goboleedyada, dalladaha waxbarashda, hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada, maamulada ururada macaliimiinta, dugsiyada iyo jaamicadaha iyo aqoonyahanno kale oo badan oo rag iyo haweenba leh.
Waxaan isleeyahay waxaa kulankaasu muujiyay in bahda waxbarashda iyo Dowladda Federaaka ay hawl badan oo bogaadin mudan ka soo qabteen sooyaalkii waxbarashada sanadihii la soo dhaafay, isla markaana ay hawlo culus oo baaxad leh ay hadda horyaalaan. Culaysyadaasi waa mid xukuumadda cusub ay ka dhaxashay xukuumadihii ka horeeyey, ugana baahan waxqabad iyo xaaladda waxbarashada oo isbeddel mug leh lagu sameeyo si ardayda Soomaliyeed u helaan waxbarasho tayo leh, culayskana ka qaadda waalidka Soomaaliyeed oo waxbarashada kharash badan ku bixiya.  Waxaa is xasuusin mudan oo kulanka lagu soo qaatay loona baaahan yahay in hawl badan laga qabto qodobodaan soo socda:

Maamulka Waxbarashada

1)    Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud khudabd uu ka jeediyey furitaankii kulanka waxbarashada wuxuu tilmaamay hiigsiga ah in sannadka 2060 oo ah boqol guurada xornimadii Soomaaliya la garo waqti ay Soomaaliya soo saarto jiil cusub oo aqoon, karti & hufnaan leh  oo xag dhaqan iyo diinba ka dhisan. Waa hiigsi qiime ku fadhiya oo aan horay looga baran hoggaanka dalka una baahan dhaqan gelin iyo in xukuumadaha soo socda ay dhameeystiraan meesha ay hawsha uga joogsato xukuumadda hadda jirta.

2)    Xeerka waxbarashda dalka oo la dhameeystiray ayna ku qeexan yihiin ballanqaadyo bulsho oo badan ayaan weli sharci noqon oo aan la dhaqan gelin. Wuxuu u baahan yahay sharcigaas in uu baarlaamaanka ka soo dhamaado si uu madaxweynaha u saxiio uuna deg-deg u dhaqan galo.

3)    Wasaaradda Waxbarashada waxaa dowrkaan maamula wasiir iyo khubaro bahda waxbarashada ka soo jeeda oo looga fadhiyo in ay waxbarashdada dowliga ah kobciyaan, xakameeyaan waxbarashda gaarka loo leeyahay, tayeeyaan manhajka iyo maamulka waxbarashada oo u daadejiyaan dowlad-goboleedyada iyo deegaanada dalka.

Culaysyada Waxbarashada

1.    In arday lagu qiyaasay 3-5 million oo ku jira da’adii waxbarashada ay waxbarasho la’aan yihiin oo dibad jog ah una baahan waxbarasho.

2.    Gabdhaha iyo ardayda baahiyaha gaarka ah qaba oo aan si mug leh uga muuqan waxbarashda hoose, sare iyo maamulka waxbarashadaba.

3.    Waxbarashda dalka oo keliya wax ka yar 5% dowladda maamusho, 20% yihiin dugsiyo dowli ahaan jiray oo bulshadu si gaar ah u maamulato, iyo 75% oo ah dugsiyo gaar loo leeyahay.

4.    Waalidiinta oo maalgeliya inta ugu badan dhaqaalaha ku baxa waxbarashada dalka oo ay ha’ydaha deeq-bixiyayaasha ajanabiga ah ay qaataan dowrka labaad, dowladuna qaadato dowrka seddexaad.

5.    Dowlad-goboleedyada Jubaland, Koofur-Galbeed, Hisrshabeele iyo Galmudug walow ay miisaaniyadda waxbarashadooda ay u dhaxeeyso 3%-5% ayna ugu qoran tahay miisaaniyadda dowladda, haddana wax dhaqaale ah oo waxbarasho loogu talogalay kama helaan dowladda Federaalka.

6.    Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-goboleedka Puntland oo aan ka soo qeybgelin kulanka waxbarashda qaranka khilaafyo jira awgood.

7.    Dhaqaalihii waxbarashada oo loogu talo galay in loo daadajiyo Dowlad-goboleedyada ayaa in ka badan 70% sanadihii la soo dhaafay aan loo gudbin dowlad-goboleedyada.

8.    Xukuumaddu (iyo xukuumadihii ka horreeyey-ba) waxay ku bixiyaan  waxbarashada dalka in ka yar 5% wax soo saarka dalka (GNP) halka adduunku isku raacay in wax ka yar 20% aanan waxba lagu qaban karin.

9.    Walow waxbarashada hoose (primary education) ee dalka la ballan qaaday in ay bilaash (lacag la’aan) noqoto, haddana dusgiyada dowladda maamusho oo ka yar 5% keliyah ayaa bilaash ah, inta kalena (95%) waa dugsiyo dowli ahaan jiray oo bulshadu maamusho ama kuwa gaar loo leeyahay oo intaba lacag wax lagu barto oo ay waalidiintu bixiyaan.

10.     Manhajka waxbarashda oo la mideeyay ayaa haddana weli ka dhaqan gelin dowlad-goboleedka Puntland oo culays gaar ah ku keena ardayda iyo waalidiinta deegaandaas oo aan imtixaanka qaranka qeyb ka aheyn iyo iyagoo mararka qaarkood aan minxooyinka waxbarashada xaqooda ka helin.

Talo jeedin

1.    In dhaqaalaha waxbarashda ku baxo oo hadda ah 5% la kordhiyo oo la gaarsiiyo 20% wax soo saarka dalka (GNP) si waxbarasho bilaash ah oo tayo leh loo helo waalidkana culayska looga qaado.

2.    In waxbarashda hoose ee loo yaqaan Primary oo dhan bilaash ama lacag la’aan laga dhigo (oo aan ku xirnayn nooca dugsiga ee uu ardaygu aado) sida ku qoran xeerka waxbarashada dalka si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan waxbarasho tayo leh oo daahfuran.

3.    In dugsiyo laga furo goobaha laga xoreeyey cadwga oo ardaydaas ay helaan waxbarasho deg-deg ah oo siisa fursad waxbarasho oo aysan ka helin kooxaha xagjirka.

4.     Waxbarashada khasabka loo yaqaan oo dalka dib looga abaabulo si ardayda da’yarta ah dugsiyada u galaan, xukuumaduna kula xisaabtanto waalidka.

5.     Si kor loogu qaado inta wax qorta ama akhrisa (literacy rate) waa in luqadda carabiga oo dugsiyada Qur’aanka lagu barto ay ka mid noqotaa micyaarka lagu qiyaaso tirada dadka wax qora ama wax akhriya.

6.    Walow aqoonyahan iyo khubaro ka soo jeeda Puntland ay kulanka dowr-weyn ka qaateen, haddana kulanka waxaa ka maqnaa hoggaanka wasaaradda waxbarashada ee Puntland. Ka soo qeybgalkoodu muhiim buu u ahaan lahaa waalidiinta iyo ardayda wax ku barata deegaanadaas. Puntland waxay ka mid tahay Dowlad-goboleedyada dalka waana muhiim in ay Dowlad-goboleeyda uga faai’deeyso khibradeeda, kana daba keento horumaraka waxbarashda ay gaareen.

7.    Waxaa muhiim ah in khilaafdaadka soo jireenka ah ee waxbarashada kana dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada miiska lagu xaliiyo lagana fogeeyo khilaafka siyaasadeed.
Ardayda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan waa in ay helaan xuquuqdooda waxbarasho, shaqaaleyn macallinimo qeybna ka helaan minxooyinka waxbarasho ee dalku ka helo dawladaha daneeya Soomaaliya. Waa inaysan ardaydaas iyo waalidiintooda ku waayin xuquuqdooda khilaaf siyaasadeed oo dowladaha ka dhexeeya awgii.

8.     Waa xaqiiq in dowlad-goboleedyadu aanaey isku mustawa ahayn oo la qiro kuwa wasaraadahooda iyo maamuladoodu shaqeeyaan sida Puntland oo aan dib u dhac loo geeysan hawsha ay wadaan.
9.    Mushaharka macallinka oo la kordhiyo iyo tababarka oo la tayeeyo si kor loogu  qaado xirfadooda oo ay arday badan oo baahiyo kala duwan qaba u haqab tiraan. 

10.    In ardayda waxbarashda gaarka u baahan ay duruusta la qaataan fasalkana la friistaan dhigooda aan baahiyaha gaarka ah qabin si ay ula jaanqaadaan waxbarasho tayo leh oo dadka wada gaarto.

11.    In heshiis qoraal ah ay wada galaan Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo ay mideeyaan manaahiijta, imtixaanada iyo tababarada macaliiminta, isla markaana si cad loo qeexo mas’uuliyaadka, waajibaadka iyo qeybsiga dhqaalaha iyo minxooyinka dalka soo gala.

12.    In tayada jaamicadaha kor loo qaado, dhaqaalena la siiyo si dowladdu raad ugu yeelato hawlaha waxbarashada jaamicadaha gaarka loo leeyahay.

13.    In la dhiso lana baahiyo dugisyada farsamada gacanta.

14.    In la sameeyo hay’ad qaran oo madax banaan oo imtixaanadka dalka mas’uul ka ah.

15.    In la sameeyo guddi heer qaran oo waxbarashda guud ee dalka ka tala bxiya, una madaxbanaan hawlahooda.    

Waxaan isleeyahay hawlaha waxbarasho ee dalka waxay u baahan yihiin in  dowlad iyo shacab-ba meel looga soo wada jeesto loona wada arko waxbarashada in ay tahay wadada nabad, xasolooni iyo dowladnimo lagu gaari karo. Waxaa muhiim ah sida xukuumaddu ay u dooneeyso in loo xaliyo culaysyada jira la wada garowsado, oo loo turo shacabka Soomaliyeed gaar ahaan waalidiinta oo inta badan culayska waxbarashda dalka dhabarka u dhigtay. Wasiirku wuxuu ballan qaaday in uu joogteeyn doono wadahallada noocaan ah, wasiiradii horena waxay ballan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan. Waxaan ku boorinaa dowlad-goboleedyada gaar ahaan dowlad-gobolledka Puntland in ay u istaagto xal u helidda khilaafka waxbarashada oo muddo soo jiray, dib u dhacna u keenay horumarka ay tiigsanaayaan jiilka cusub.

Dhammaad.


 





Click here