Luqmaan-Xakiim
Xuseen
Sunday June 4, 2023

Juun sanadkii
1838, Madaxa Isticmaarkii-Hindiya Auckland loo yaqaanay (Lord Auckland), ahna
ninka loogu magac daray magaalo madaxda New Zealand, ayaa shir isugu yeeray
saraakiishii sarsare ee Isticmaarkii-Hindiya. Waxaa laga arrinsanayay walwal in
Ruushku la xulafeystay Persian-ka, markaana doonayay inuu Afqaanistaan la
xulafeysto. Haddii ay taasi dhacdo, waxaa isticmaarka Hindiya ka go’aya
xiriirkii dhulka dhanka Galbeedka ee mari jiray wadadii-xariirta (Silk Road),
dhanka badeecadda oo muhiim u aheyd Yurub.
Afqaanistaan
waxaa waagaa xukumayay Dost Mohamed, meeshii Auckland uu siyaasad la ciyaari
lahaa Ruushka, sida inuu ka-kasbado Afqaaniyiinta, wuxuu doorbiday caqli-caqli
inuu ciyaaro oo uu Afqaanistaan dib ugu soo celiyo Shah Shujaac oo 25 sano
kahor xukunka laga eryaday, ahaana shakhsi liita oo ay Afqaaniyiintu jeclayn. Auckland
oo markaa ka fekeraya in xukun-ku-celintaas ugu qaameysnaan doono. Markaa
shirka waxaa xaadir ahaa xaakimka gobolka Calcutta (Chief Secretary of
Calcutta), Macnaghten oo 45-jir ahaa. Shakhsiyadda Auckland iyo Macnaghten isku
nooc ayay aheyd. Macnaghten wuxuu yiri Afqaanistaan waa qabaa’il u ooman
ilbaxnimo, markii aan ka celino Ruushka, waxay la dhici doonaan ilbaxnimadeena.
Shah Shujaac inuu taladeena ku socdana waligii waa ku khasbanaan doonaa.
Auckland inuu fekerkaa la dhaco iska daaye, wuxuuba Macnaghten u magacaabay
Ergeyga Gaarka ah ee Boqoradda u qaabilsan Kabul, galkii siyaasiga ee Afqaanistan
oo dhan isagaa lagu wareejiyay. Agoos sanadkii 1838 Macnaghten wuxuu qabsaday
Kabul, Dost Mohamed wuxuu u cararay buuraha, xukunkiina waxaa lagu fariisiyay
Shah Shujaac.
Macnaghten
wuxuu helay xogo ah in Dost Mohamed ciidan ku dhisanayo buuraha waqooyi, dhanka
koonfureedna odayaasha qabaa’iilka in ay bilaabeen abaabul is-uruursasho ka
dhan ah gumeystaha. Macnaghten aragti gaabnidiisa, wuxuu ciidankii Ingiriiska
amray in ay keensadaan caruurtooda iyo dumarkooda oo walib ay lasocdaan 10 kun
oo adeegyaal hindi ah, isagoo aaminsan in xadaaradda Ingiriiska ay sii jeclaan
doonaan Afqaaniyiinta, insaan caadi ahna noqon doonaan markii ay arkaan dumarka
iyo caruurta. Laakiin waxaa Afqaaniyiinta umuuqday dad ku aflagaadoonaya
dhaqankoodi iyo diintoodi oo waddada khamri ku cabbaya, dhaqan aysan aqoona u
keenay, waxayna sii kordhisay caradii shacabka ay u qabeen gumeystaha.
Qabaa’ilka Ghilziye ayaa isbaaro ka qaadan jiray ciddii soo marta buurahooda,
Macnaghten wuu bixin jiray baaddaas, illaa Boqortooyadii Ingiriiska soo amartay
inuu yareeyo kharashka badan ee kubaxaya Afqaanistaan. Markaa ayuu bilaabay inuu
jaro lacagtii isbaarada ee lasiin jiray Ghilziyiinta, iyaguna waxay sii
xoojiyeen waddo goynta. Qabaa’iladii kale ayaa ku deyday, kacdoon ballaaran
ayaana bilowday. Markaa ayuu Macnaghten khalkhalay, waaguna ku baryay.
Dadka
caqliga u saaxiibkaa ayaa kula taliyay in ay Afqaaniyiintu yihiin dadka dunida
iskula faansan dhaqankooda iyo diintooda, ilbaxnimo-Ingiriisna aanan dan ka
laheyn, balse ay ugu baxdo nolol ah harjad iyo iska-hor imaad. Sidaa awgeed,
waxay ku yiraahdeen ama cagta mari oo hadaad xoog leedahay way ku ixtiraamayaan
ama si dhab ah ula saaxiib oo ka-kasbo qalbiga iyo maskaxda. Macnaghten wuxuu kujawaabay,
waa caruur oo kale, iyagoo dhan lacag ku iibsaneynaa, wuxuuna jeclaa oo
taladiisa kusoo koobay soona dhaweystay qofba qofka uu ka caqli yar yahay, oo u
sacabtumaya, isagana buunbuuniya!
Dhacdadaas
waxay kusoo afjarmatay in Macnaghten xilal wasiiro iyo lacag u ballan qaaday
madaxda qabaa’ilka Ghilziye. 23 Diseember 1841 ayuu yiri anigaa qaadanaya
lacagtaa, Akbar Khan oo kamid ahaa nabadoonada qabaa’ilkaa. Macnaghten run ayuu
mooday, markuu u yimid Akbar wuxuu amray in Macnaghten iyo inta la socotaba
cagta la mariyo. Kadibna intii la jarjaray ayaa lugihii iyo madaxii Macnaghten
la suray jidadkii Kabul, meesha sareertiisa la suray bazaarka Kabul. Tiro dhan
16,500 oo kasoo haray ciidankii-Ingiriiska iyo hindidii u adeegaysay waxaa la
amray in ay lug uga baxaan Afqaanistaan xilli qaboobe ah, iyagoo sahaydiina
laga jartay, jidadkana loo galay. Ciidankii ilaalinayay magaalada Jalalabad ee dhanka
xuduuda Hindiya, waxaa 13 Janaayo 1842 soo gaaray hal faras oo uu saarnaa Dr.
William Brydon oo ay naftu barna kabaxday, barna kujirtay, wuxuuna ahaa ruuxa
keliya ee kasoo badbaaday mashruucii Auckland iyo Macnaghten ee Afqaanistaan.
Khibradda
Gaamurtay Ee Ingiriiska
Ingiriisku
waa dad aad wax uga bartay taariikhda ilaa haddana jiritaankooda ku ilaalsada
casharadaas taariikheed. Khubaradoodu waxay yiraahdaan, Auckland iyo Macnaghten
waxay qabeen xanuun layiraahdo “Grandiose Narcissism” oo ah qofku
inuu isku arko ballaayo dadka dhan ka sarreeya, kana caqli badan, isagoo aan
aheyn, haddana aamino dadka oo idil in kalsoonidooda (loyalty) lagu iibsan karo
lacag, masaalix-shakhsi iyo kacaanimo, waliba isagoo ula dhaqmaya qaab bahdil
kudheehan. Macnaghten waa diidi jiray inuu aqbalo xogaha dhabta ah, saaxibu-caqlina
waa isaga tagi jiray markuu arko noociisa.
Auckland
iyo Macnaghten Soomaaliya Xukumay
Dhacdo
lamid ah dhacdada Auckland iyo Macnaghten waxaan lasoo nooleyn 2017-2022.
Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasimihiise-Siyaasadda, waxaa soo maray fursad aanan
soo marin Somalida kale 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Waxaana kusoo biiray
nidaamkooda dad u saaxiib ah karti, aqoon iyo caqli oo doonayay in ay la
dhisaan dowladnimada. Balse 2017, waxay dadku isaga soo baxeen gobolada dalka
oo dhan, iyagoo taageero u muujinayay. Tartiib-tartiib qof walba oo wax
garanayay, fahmayna dhaqankooda, waa isaga qulqulay! Waayo? Labada nin waxay qabaan
xanuunkii Auckland iyo Macnaghten ay qabeen, waxayna u aragti gaabnaayeen
sidooda oo kale, waxayna xukunka kala kulmeen wixii nimankaas qabsaday, waanan
la dilin uun mooyee, barqo-cad, fursad 5 sano ah oo ay been la noolaayeen, kuna
noolaayeen ayay xukunka ka lugeeyeen kadibna iyagoo dhuumanaya ayay magaalada
ka hadaafeen. Waxay uun uga duwanaayeen in dalka iyo dadku ahaayeen dadkooda
iyo dalkooda, waxayse kala mid ahaayeen cudurkaas dilaaga ah ee qofku
is-moodsiinayo inuu dadka dhan siri karo, ka caqli badan yahay, yihiin xoolo
isaga ubaahan, kalsoonidooda lacag ku wada iibsan karo, ku bahdili karo
telefoon-ku-dhageysi, la qaabilin, hadday kuu yimaadaana saacado xad dhaafa la
fariisiyo albaabka, si loo qab-jabiyo, iyagoo aan mashquul aheyn balse iska
daawanaya Youtube ama Facebook. Isla markaana dadka kuwooda caqli gaabtaa ah lasoo
dhaweysto, la isku hareereeyo, wax walbana la yiraahdo inagaa gacan sarreyna,
talo walba oo qiimo laheydna waxba laga soo qaadin!
Aragti
gaabnida, indha la’aan wax-ku-qorsheyn iyo narcissism xad-dhaafa, iyo inaad
mooddo dadka dhan in ay isku mid yihiin, saad doonto kayeeli karto oo
rabitaankaaga keliya u hogaansamayaan, iyo inaadan laheyn karti aad intaa ku
fahanto, waxaa ka dhasha niyad jab, is-eedayn iyo qof walba oo kaa dhaqaaqa
inaad dacaayad u sameyso, isagana eedayso. Ugu danbeyntiina adiga iyo intii
aragtida gaabneyd ee kugu hareersneyd, is-eedeysaan jab kadib. Balse wali waa isla
quman yihiin oo labaduba waxayba doonayaan inay qoraan buugaag ay lugooyadooda
ku faanayaan, dadkii lasoo shaqeeyay ku dhaliilaan, masaakiin badana uga sii ciyaarayaan
caqliga. Madaxweyne Farmaajo haduu leeyahay waxaan taageerayaa doorasho
cod-&-qof ee Puntland ka dhacaysa, soo isagii diiday shirkii 17-Sebteember
Dhuusamareeb taladaas dad-caqli-u -saaxiiba & Guddiga Doorashada siiyeen,
qaatayna taladii Macnaghten (ءَآلْـَٰٔنَ وَقَدْ
عَصَيْتَ قَبْلُ وَكُنتَ مِنَ ٱلْمُفْسِدِينَ)? Meeye lacagihii
Qatar ee kalsoonida lagu iibsan jiray? Meeye boqolaalkii CBB? Meeye sawiradii
iyo igu sawirtii Photoshop lagu qorqori jiray oo aan baraha bulshada la gelin
jirin, illaa Madaxweynuhu la dhaco quruxxdooda? Waxaas oo dhan waxaa dhaxlay
Madaxweyne kale, gabadhiisa iyo juffadiisa, iyagana halkii iyo meel kasii
liidata lasii aadeen, isagoo isleh samee copycat cudurkii narcissism ee ay
dalka iyo dadka kuhayeen rajiimkii hore ee darwalada ka ahaayeen Auckland iyo
Macgnaghten!
Nabi Adam
cs ilaa hadda, dunida waxa keliya ee aan isbedelin waa insaanka, dareen iyo hab
dhaqan ahaanba. Sidaa awgeed, mar walba waxaad ubaahan tahay insaanka inaad dib
u akhriso, haddana akhriso, si aad u adroosi karto waxa ka imaan kara
mustaqbalka oo aadan indho la’aan isaga raacin. Hadaad caqli leedahay mar danbe
haku khaldamin dad uu dhaqankoodu u muuqaal egyahay Auckland iyo Macnaghten.
Taariikhdana waa inaan wax ka baranaa sida Ingiriiska, waayo way isa soo
celcelisaa, waadna ku kadsoomeysaa hadaadan isla akhrin dhacdooyinkii hore, oo
lagu daray waxa hadda dhacaya, oo kuu tafsiiri kara waxa dhici doona. Yaa la
mid ah Dr. William Brydon ee Afqaanistaan keligiis kasoo badbaaday, ee isagana
mudan inaan taariikhda la akhrino, si aanan ugu kadsoomin? La soco……..
Luqmaan-Xakiim
Xuseen
[email protected]