3/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Xoreyn, xakamayn iyo xasilin: Mustaqbalka Macawisley
By Maxamed Xaraare
Tuesday January 31, 2023

 

Bilihii ugu danbeeyay Soomaaliya haddii uu eray si weyn u qabsaday baraha bulshada, waa erayga ‘Macawisley’

Warbaahinta caalamkana eraygaa sidiisa ayay usoo naqlisay. Waxaa tebiyay, New York Times, Washington Post, BBC, The Economist, The Guardian, VOA, Reuters iyo kuwa kale oo tira beel ah.

Waxay qoreen maqaallo ay ku muujiyeen lama filaan ceel iyo cadduun ka  dhacay dhulka miyiga ah ee bartamaha Soomaaliya. Ku dhawaad dal kasta caalamka, waa dal kasata caalamka - iga qor  - wuu gaaray magacaa iska baxay ee macna ahaan haddii lasoo koobo loola jeedo:

Qabaa’il kacay oo u dagaallamaya si aan qoshaysnayn oo aan hoggaan sugan lahayn oo dan qasabtay ay qaadday.

Waxa ay noqdeen waxa Soomaalidu tiraah “sunta shabaabka ka ilmaysiisa”

Ama si rasmi haddii loo dhigo waxay noqdeen cudud cusub oo awood badan oo lagu soo afjari karo dagaalka Shabaab ee dalka ka socday muddo 15 sano ah.

Haddaba haddii ‘Macawisley’ ay si lama filaan ah u halgaadeen shabaab, haraantidii ugu danbaysay si sugan ma ula heli doonaan?

Seddex qodob oo ay muhiim tahay in ay isa saarmaan ayaa horyaalla si guualaha ‘Macwisley’ u yeeshaan saamayn togan.

Waa: Xorayn, xakamayn iyo xasilin

Sawirka guud ayaan seddexdaa isku saari doonaa, waa anigoo ah Maxamed Xaraare.

Marka hore maaha marki ugu horraysay ee ay soo baxaan kooxo ama ciidan dowladda federaalka ka baxsan oo u babac dhiga Shabaab. Laakin qaar kooxahaa ka mid ahi waxa ay lahaayeen nidaam u deggenaa hannaankuu doono ha lahaadee. Sida urukii Ahlu Sunnah Waljamaaca ee Galgaduud kula dirayay Alshabaab iyo maamul goboleedyo iskood dagaallo koobkooban meela kala duwan dalka la galay kooxda.

Sidoo kale qabiillo is abaabula oo iskood ula dagaallama Shabaab waxay guud Soomaaliya ka jireen ugu yaraan 10-kii sano ee ugu danbaysay gaar ahaanna gobollada Galgaduud, Bakool, shabeellada dhexe iyo Hiiraan.

Laakin Shabaab waxaa xilliya hore u suuragashay in ay qabaa’ilkaa qaarna la heshiiyaan qaarna si daran u ciqaabaan.

Dagaalladan cusub ee Macawisley ee gobolka Hiiraan ka hanaqaaday ee waqtiga kooban laga gaaray horumarro baaxad leh, waxa ay kulansadeen dhowr sadar oo sahlaya in la famo waxa kiciyay iyo waxa kaalin siiyay.

1- Ka bixistii alshabaab ee magaalooyinka.

Dowladihii kal danbeeyay laga soo billaabo 2011-kii, iyaga oo kaashanaya ciidanka nabad sugidda ee Afrikaanka ahi, waxa ay siyaabo kala duwan u suurageliyeen in magaalooyinka alshabaab laga saaro.

Magaalo kabixista Alshabaab ee inteeda kusoo aadday 2011 illaa 2013 waxaa ka dhashay in kooxdu ay dhulka miyiga ah isku fidiso oo macaamil dhow la yeelato dad xoolo dhaqato ah, kuwo reer guuraa ah iyo kuwo beeralay ah. Macaamilkaa muddaba maahayn mid ay dadku soo dhaweynayeen laakin waxa ay ku dhaafayeen maalmaha daran.

2- Baaqii madaxweyne Xasan Sheekh

Kaddib doorashadii bishii May ee 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku baaqay in ay ka go’an tahay in Alshabaab uu la dagaaallamo. Baaqaa waxa uu dhiirrogelin siiyay dad sugayay maalin uun in ay helaan ilays u baxa - kuwa aan hore ku soo sheegay maalaha daran ku dhaafayay maalmaha rajada. Sidoo kale dowladda ayaa durba saad iyo saanado hub ah ku taageertay qabiillada is abaabulay markii ay kaceen.

3- Duulaankii Alshabaab ee Ethiopia

Bartamihii July ee sannadkii hore tiro Alshabaab ah oo illaa 500  lagu qiyaasay ayaa duullaan ku qaaday gobollada bari ee Ethiopia ee ismaamulka Soomaalida. Illaa 95% waxa ay maamulka deegaanku sheegeen in la laayay ama nolol lagu qabtay kooxdii shabaab ee halkaa weerartay ee doonaysay inay gudaha u gasho Ethiopia si ay calanka madow uga dhex taagaan.

Iska caabintaa Alshabaab waxaa si weyn uga qaybqaatay dadka deegaanka taas oo cashir u noqotay qabiillada ay Alshabaab muddada dul fadhiyeen ee xadka dhinaciisa kale deggan.

4- Abaaraha Soomaaliya.

Seddexda qodob ee sare ayaa kusoo beegmay iyadoo Soomaaliya ay sannadkii hore ka billaabantay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah oo dalka ka dhacda. Macluusha iyo dhimashada dadka ayaa tira beel noqotay gobollo badan. In ka badan saddex milyan oo neef oo xoolo ah ayaa u baaba’ay baad iyo biyo la’aan. Taa waxay kalliftay in dadka reer miyiga ah ee masiibadu ay ku habsatay ay awoodi kari waayaan in ay bixiyaan xoolihii noolaa, canshuurihii iyo zakawaatkii ay Al-Shabaab siin jireen.

Alshabaabna waxa ay uga jawaabeen ciqaab adag, gabagabayn xoolo, qafaal dhallinyaro iyo ceelal aas.

Afartaa oo isbiirsaday ayaa dhiig cusub geliyay dadkii ‘Macawislayda’ la baxay ee Alshabaab u babac dhigay, ee guulaha tira badan kasoo hooyay, ee warbaahinta dunida qabsaday isla markaana dhan kale u rogay rajada dib usoo celinta amniga iyo xasiloonida dalka.

In yar Soomaaliya haddi aan ka baxo, ma waxaa jira tijaabooyin caalami ah oo macawisley la mid ah oo wax laga baran karo?

Dabcan haa, tan ugu mudan ee aan isleeyahay waa lagu misaali karaa waa saxawaadkii ama kacdoonkii Sunniyiinta Ciraaq.

Wuxuu ahaa kacdoon u eg kan macawisleyda oo dayrtii 2006-dii ka kacay gobollada loo yaqaanno seddex xagalka sunniyiinta ee waqooyi iyo galbeed ka jira caasimadda Baghdad - kaaso oo lagu jabiyay Alqaaddida Ciraaq kaddib markii ay dadka deegannadaasi qaati ka noqdeen.   

Isla sidaa si lamid ah, isla Ciraaq, 2014-tii markii ISIS ay kusoo dhawaadeen Baghdad isla mar ahaantaana ay si goonni ah u bartilmaameedsadeen dadka Shiicada ah, waxaa ka hortagay xoogag is abaabulay oo Shiica ah oo ka jawabayay fatwooyinka culimadooda.

Labadaa dhacdo waxa ay Ciraaq gayeysiiyeen guulo ay ka gaareen Alqaacidda iyo ISIS.

Inta aan Ciraaq ka bixin, waxaa xusid mudan in 8 sano kaddib, dagaalkaa danbe, Ciraaq bishan lagu qabtay koobka Kubadda Cagta Khaliijka oo waliba Ciraaq ay ku guuleestay.
Malaayiin qof oo guud ahaan dunida ka kala yimid ayaa garoomo casri ah si nabad ah ugu daawaday kulamada koobkaa. 

Haddaba waa maxay qodobada muhiimka ah ee taagan ee lagama maarmaanka ah in la qaado si kacdoonka Macawisley uu u yeesho saamayn togan?

1. Xorayn

Dhammaystirka howgallada ka hanaqaaday Hiiraan ee gaaray Shabeellada dhexe iyo Galgaduud ee ay iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo ciidanka dowladda. Waxaa lama huraan ah sida ay khuburrada ammaanku sheegayaan in si degdeg ah ay howlgalladaasi ugu baahaan dalka intiisa kale - gaar ahaanna maamul goboleedyada: Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

2. Xakamayn

Midda labaad waxaa lama huraan ah in laba la xakameeyo. Marka hore in goobaha la xureeyay la sugo amnigooda si aaney kooxdu dib danbe ugu soo noqon. Xusuusnow horay deegaamo badan oo ay ciidanka dowladdu ka saareen Alshabaab waxaa dib u xagal daaciyay isla ciidankii oo dib uga baxay.

Tusaale ahaan magaalada Ceelbuur ee iminka ay Alshabaab haysato illaa seddex jeer ayay gacanta dowladda gashay, halka Jannaale illaa 4 jeer horay looga saaray Alshabaab. Tan labaadna waa in la jiheeyo oo la xakameeyo ciidanka macawisleyda ah laftooda si aaney u noqon xujo mustaqbalka la furfuri kari waayo.
 
3. Xasilin

Qodobka seddexaad ee ugu danbeeya waa in la helo xasilooni siyaasadeed mid amni iyo mid adeeg. Waa in goobaha dhawaan la xureeyay ay gaaraan laamaha garsoonka, laamaha bulshada sida: waxbarashada, caafimaadka iyo kuwo la mid ah.
 
Haddii aanay sidaa u dhicin waxaa suuragal ah in kacdoonka Macawileyda ee dal iyo dibab loo riyaaqay uu ribbado ama uu soo rogo dabaylo kale oo lama filaan ah.
 
Ma isku kaa saaran yahay sawirka guud?


 





Click here