4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Muxuu sameeyaa keligi’taliyuhu?

By Xasan Mudane

Friday, October, 1,2021

 Keligi’taliyaal Carab iyo Afrikaan ah

Marka hore qofka keligi-taliyaha ah wuxuu geed gaaban iyo mid dheer u korayaa sidii uu kursiga ku heli lahaa ka dib maxaa xiga? Wuxuu qoorta u dheereynayaa cid kasta oo mucaarad ku ah, isaga oo ku tilmaamayaa in ay yihiin qaran-dumis (enemies of the people). Markuu hawada ku cuno kuwa halista ku ah, wuxuu ka shaqeyn doonaa sidii uu ku noqon lahaa aabbihii qaranka (father of the nation), isaga oo fannaaniinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ka dhaadhicin doona in loo heeso, sawiradiisa lagu dhajiyo waddo kasta, xafiis ilaa guri si qofka uusan shaki uga galin cidda madaxda ka ah dalka.

Markii uu dadka is baro ka dib, wuxuu keligi-taliyuhu bilaabayaa cagajugleyn, karbaash iyo wax maquunin ilaa bulshada uu gaarsiiyo heer gabadh iyo hooyadeed ay kala shakiyaan. Waxaa shaqadaas u qaban doona wasaaradda arrimaha gudaha, hay’adda sirdoonka iyo shakhsiyaad uu ka dhex sameystay bulshada dhexdeeda. Intaas markii uu sameeyo ka dib, geesaha inta uu iska fiiriyo ayuu kursiga si fiican ugu sii fadhiisanayaa ilaa uu ka gaaro heer uu isla weynaado (As good as the gods). Markaas ayuu bilaabayaa igu sawirtiisa Tvga qaranka iyo guulwadeyntii ahayd waa madaxweynaha qaranka; aabbaha ummadda oo booqanaya beerta xayawaanka iwm. Keligi-taliyuhu marka uu marxaladdan soo gaaro, waxaa ku soo dhicaysa fikrad ah in uu albaabada u laabo warbaahinta xorta, ee madaxbannaan (control the media).

Wuxuu keligi-taliyuhu u sii gudbi doonaa marxalad la dhaho the family that slays together, stays together. Waa marka uu rumaysan doono sheekada khiyaaliga, ee ah in isaga iyo qoyskiisa ay dalka leeyihiin. Sidaas darteed, iyaga mooye cid kale aysan kursiga kula tartami karin. Si kale u dhig, waa marka keligi-taliyuhu ay ku dhalanayso fikradda ah wiilkaaga curadka ah ka dhis, kursiga ha kaa dhaxlo.

ASTAAMAHA LAGU YAQAANO KELIGI’TALIYAHA

Xaajadu markay gobo’da iyo gawda culus joogto

Kaligii nin gaashaantay wuu gola ka fuulaaye.”

-Abwaan Hadraawi

Qofka keligi’taliyaha ah waxaa lagu yaqaanaa in uu xargaha goosto marka uu kursi iyo awood helo; waxaa lagu yaqaanaa in uu miiska soo saaro go’aano khaldan marka lagu jiro xaalad adag; waxaa dabeecad iyo astaan u ah in uu isku hareereeyo ama lataliyaal ka dhigto dad isaga u guulwadeeya. Dadkaas in ay runta u sheegaan iska dhaafe waa kuwa aan MAYA ku dhihi karin, waxaana ku khasbeysa hungurixumi heysa iyo cabsi awgeed (fear and politics of the belly).

WQ: Xasan Mudane

Bare Jaamacadeed



 





Click here