4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Maanta oo kale 27kii nofember 1962kii

By Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon
Saturday - November 27, 2021

Bishii Nofember 27keedii iyadoo qabow adag uu dhacayo ayuu Ra’iisulwasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke booqasho rasmi ah ku tegey Washington, isagoo martiqaad ka helay Madaxweyninii xilligaa John F. Kennedy.

Ra’iisulwasaare Sharmaarke iyo wafdigiisii ayaa soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyey Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, waxaa barxadda aqalka dhankiisa loo yaqaan South Lawn of the White House ku sugayey Madaxweyne Kennedy iyo masuuliyiin sarsare iyo weliba ciidamada bixiya salaan sharafeedka munaasabadaha sare. Kolkii ay is gacan qaadeen ayey Kennedy iyo Sharmaarke is weydaarsadeen hadallo soo dhoweyn iyo mahadnaq ah.

Madaxweyne Kennedy ayaa ku tilmaamay Soomaaliya dal ay sina u kala fog yihiin sina ay isugu dhow yihiin; wuxuu sheegay in ay ku kala fog yihiin masaafadda iyo taariikhda, “waxase isu kaaya soo dhoweynaya nidaamka dawladnima ee kala saaridda hay’adaha fulinta, sharci dejinta iyo garsoorka” ayuu yiri.

Ra’iisulwasaarahu wuxuu u gudbiyey Kennedy salaan uu ka siday Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in uu quuddarraynayo in booqashadiisu noqoto mid irridaha u furta xiriir qoto dheer oo ka dhexeeya labada dal.

Labada masuul ayaa maalintaa ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyey oo ay uga wada hadlaan xaaladaha siyaasadeed ee labada dal iyo guud ahaan caalamka iyo weliba horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya. Danjire Cumar Macallin ayaa sheegay in kulanka labada masuul ay ka muuqatay kalsooni iyo furfurnaan, inta bandanna ay dhoolla cadeynayeen.

Danjiraha ayaa sidoo kale ugu sameeyey kulan casho hoteelka weyn Shoreham ee Washinton, halkaasoo wafdigii ka socday Soomaaliya ka sokow ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socotay dawladda Mareykanka oo uu ka mid ahaa kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda u qaabilsan arrimaha Afrika, ganacsato caan ah iyo qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka oo u badnaa markaa arday wax ka barata dalkaas. Ra’iisulwasaare Cabdirashiid ayaa maalintii xigtay booqday xarunta dhaqanka Islaamka ee masjidka weyn ee Washington.

Ra’iisulwasaaraha intii uusan Washington uga gudbin New York ayuu mar kale booqasho ugu tegey Kennedy iyagoo is weydaarsaday hadiyado ay ku caan yihiin labada dal, waxaana hadiyadahaa ka mid ahaa sawirrada labada masuul, sawirka Ra’iisul wasaaraha waxaa ku qornaa xagga hoose “To President Kennedy with cordiality, friendship A Sharmarke 28/11/62” Waxaa halkaa joogay David Dean Rusk (February 9, 1909 – December 20, 1994), Xoghayihii Arrimaha Dibedda iyo sidoo kale Xoghayihii Gaashaandhigga Robert S. McNamara (June 9, 1916 – July 6, 2009).

Maalintii xigtay Ra’iisulwasaare Sharmaarke iyo wefdigiisa waxay u gudbeen New York oo ay kulamo kula yeesheen xarunta Qaramada Midoobay. Waa markii ugu horreysay oo calanka Soomaaliya uu mar ka wada lusho goobo dhowr ah sida Aqalka Cad, xarunta Qaramada Midoobay, Huteelkii wefdigu deggenaa iyo gaadiidkii ay wafdigu la socdeen. Labada hoggaamiye ee Sharmaarke iyo Kennedy waxay wadaageen arrimo dhowr ah sida iyagoo siyaasadda galay noqdayna hoggaamiye labada dal iyagoo weli dhallinyara ah. Kennedy wuxuu dhashay 29kii May 1917kii, Sharmaarke wuxuu ku dhashay degmada Xarar dheere siddeeddii Juun 1919kii. Iyadoo xilliga booqashada Sharmaarke ku beegnayd bilowgii dagaalkii qaboobaa ayaa madaxweynaha Mareykanku isha ku hayey dalal dhowr ah oo dhowaanahaa madaxbannaani qaatay, Mareykanka iyo xulafadiisii ayaa waxay ka ilaalinayeen in ay dalalkaas gacanta u galaan shuuciyadda oo si weyn isugu fidinaysay dalalka bariga Yurub ka sokow dalal ka tirsan kuwa loogu yeero dunida saddexaad oo ku kala yaalla qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Ameerikada koonfureed. Xorriyaddii ay dalalkaa kuwa ka mid ah ay ka qaateen gumeystihii Yurubta Galbeed ayaa waxaa hoggaaminayey shakhsiyaad u janjeera dhanka shuuciyadda. Kennedy wuxuu u arkayey Sharmaarke nin dhallinyara ah, furfuran, waxna ku soo bartay dal dimoqoraaddi ah, isagoo shahaaddada Culuunta Siyaasiga ka qaatay jaamacadda La sapieza ee dalka Talyaaniga. Kennedy wuxuu markiiba ka aqbalay ra’iisulwasaare Sharmaarke codsigiisii ku aaddanaa in Mareykanku ka taageero Soomaaliya dhanka horumarinta bulshada, isagoo ugu deeqay macallimiin, dhaqaatiir, kalkaaliyaal caafimaad, iyo khubaro xagga beeraha, wuxuuse ka caga jiiday taageerada dhinaca militeriga. Waxa kaloo ay wadaageen sida ay noloshoodu ku dhammaatay. Markii ay wada taagnaayeen barxadda Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka, labadooduba waxay lahaayeen rajooyin iyo himilooyin dhanka siyaasadda oo ay ku tala galayeen toosinta iyo horumarinta dalalkooda. Labadooduba waxay ku dhinteen dil toogasho ah oo ka dhacay magaalooyin ka baxsan kana fog magaala madaxyada labada dal, madaxweyne John F. Kennedy

noloshiisu waxay ku ekayd sannad kadib maalintaa ay wada taagnaayeen ra’iisulwasaare Sharmaarke barxadda Aqalka Cad kuna beegnayd 22kii Nofember 1963, isagoo booqanaya magaalada Dallas ee koofunta Mareykanka waxaa lagu dilay toogasho markii dambe loo qabtay nin dhallinyaro ah. Intaa waxaa sii dheer saacadda ay dhinteen oo isku mid ahayd. Madaxweyne Sharmaarke waxaa la dilay oo uu geeriyooday 12:45 duhurnimo, halka Kennedy dhaqtarku caddeeyey dhimashadiisa 13:00. Hase yeeshee warbixinnadaa rasmiga ahaa ee laga soo saaray waxay ahaayeen kuwa aan lagu qancin oo dhaliyey shaki weyna oo ku aaddan ciddii ka dambeysay ama ku lug lahayd.

Sidoo kale ra’iisulwasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa isagana lagu dilay booqasho uu ku marayey magaalada Laas caanood isagoo madaxweynaha jamhuuriyadda ah, dilkiisuna dhaliyey muran iyo shaki fara badan. Sidii madaxweynihii Mareykanka waxaa loo saaray guddi hoggaamiya baaritaanka

dilka madaxweyne Sharmaarke, guddigaas oo aan hawlgelin ayaa inqilaabkii militerigu xukunka kula wareegeen dhacay. Waxase cajaa’ib ah labadaa hoggaamiye sida ay isugu dhowaayeen haddana u kala fogaayeen, sida uu Kennedy ku tilmaamay labada dal oo kale.

…………………………………………..

Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon

[email protected]

+447950164456



 





Click here