4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Talo ku aaddan Maxamad Baradhe, duqa magaalada Boorama
by Hassan Deri & Mustafa Daqare
Friday, July 9, 2021

 

Mar haddii uu soo gabogaboobay tartankii ku bilowday doorashada mudanayaasha golaha deegaanka ee Boorama iyo loollankii xigay ee duqa degmada iyo xigihiisa, waxa la joogaa waqtigii laysku talo darsan lahaa. Waxan ka dhaqaaqaynaa in dhammaan mudanayaashu maaddaama ay soo galeen tartan adag oon rafaad yarayn ay leeyihiin himilo iyo meel ay rabaan in degmada ay gaarsiiyaan. Rabitaanka aan maraga ka ahayn hedalkii loo maray waa in uu yahay mid xooggan. Rabitaanka  sidaas u xooggan wuxu keenayaa in mudanayaashu qaataan go’aan horseeda in si dhab ah degmada wax looga beddalo. Gebi ahaanba waa in dib loo qaabeeyo xisaabtii hore ee taallay xafiiska degmada ee Dowladda Hoose. Qorshaha iyo kala hormarinta mudnaaneed ee la siinayo waxa u madaxbannaan duqa magaalada ee dooran. Taasi nagama reebayso in aan ku darsanno talo iyo tusaalayaal, bacdamaa aan wax ka ognahay baahiyaha degmada aanan ka mid nahay muwaadiniinteeda.

Waxa la ogyahay in ay aad u liidato kalsoonida u dhaxaysa shacabka iyo maamulka Dowladda Hoose. Waa caqabad ay tahay in bilowgaba la abbaaro. In la iclaansho siminnaarro taxane ah oo si qoto dheer loogu lafaguro baahiyaha degmada iyo sida ay u kala mudanyihiin ayaa ah hal qaab oo loo abbaari karo arrinta kalsoonida shacabka. Siminnaarradu waa ka qaybgelin bulshadii wax laga siiyay maamulkii degmadooda. Sidoo kale sida dunida inteeda badan ay maanta u dhaqanto waxa habboon in loo sameeyo shacabka dhabbo fudud oo ay kala xiriiri karaan maamulka iyo shaqaalaha degmada isla markaasna degmadu u marin karto wararka iyo ogaysiisyada. Dabcan waxa tallaabada koowaad ah bog internet oo ay degmadu yeelato. E-mailo shaqo oo uu yeesho qof kasta oo shaqaalaha ka mid ah ayaa ah mid ay tahay in lagu ladho bogga internetka.
 
Haddii la heli karo waxa mudan in fiiro gaar ah la siiyo abaabulka baro lagaga doodo arrimaha bulshada iyo horumarinta degmada oo Dowladda Hoose martigeliso. Madalo saddex-, lix- amma sagaal-billayaal ah in la abuuro waxay ahaan lahayd tallaabo la mahadiyo. Madalaha qaarkood waxa la suurogalin karaa in laga qaybgasho bulshada dalka dibaddiisa ku dhaqan amma aan markaas ku sugnayn goobta madasha. In lagu kasbado dad aan kula joogin madalaha fogaal-araga ah sida Google Meet, Zoom, Teams iwm. ah waa mahadhooyinkii laga bartay cawaaqibta uu sababay xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Waxa in la qeexo ay tahay isla markaana la abuuro siyaasad si cad u jeexda doorka cilmiga iyo aqoonta ee guud ahaan geyiga Soomaalidu degto iyo Somaliland ay degmadu ka qaadanayso. Fulinta iyo meelmarinta doorka laysla qaato waa daruuri. Ku calaamadinta magaalada buugga iyo qalinku waa mid waqtigeedii la joogo. Tayaynta iyo biirinta dugsiyada degmada iyo deegaamada ay maamusho waa baahi mar walba joogta.

Horumarinta tayada shaqaalaha iyo macallimiinta dugsiyada ayaan la dhayalsan karin. Hiilka ugu wayn waxa innooga baahan farta afkeenna hooyo ee Soomaaliga. Luuqadda shaqada ee rasmiga ahi waa Soomaali. Sidaas darteed waa in la kobciyo, korinteedana la joogteeyo farsamada qoraal ee shaqaalaha iyo macalliimiinta dugsiyada.   

Jihaynta iyo qaabaynta miisaaniyadda degmadu waxay aasaas u tahay kobcinta dakhligeeda. Kaas oo isna horseeda isu-fillaansho buuxa iyo miisaaniyad dheeri ah oo la gasho mashaariic horumarineed intii awoodda degmadu saamaxayso. Nidaamka cashuur ururinta degmadu wuxu baahi wayn u qabaa casriyayn. Waajib ayaa ka saaran maamulka la doortay in ay abuuraan nidaamyo cad oo laysku dabogali karo. Ururinta maaliyaddu waa in ay u dhacdo qaab waafaqsan dhaqanka dakhli-ururinta ee dunida casriga ah laga isticmaalo maanta. Arrimahan hirgelintoodu waa mid ay tahay in lala kaashado dowladda dhexe iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimahan. Muddo kooban gudaheed waxa lagu heli karaa nidaam daahfurnaan iyo xalaalnimo udub dhexaad u tahay.  

Waxan laga fursan doonin in dadka degmada ka soo jeeda ee ku dhaqan dalka dibaddiisa laga helo caawimo wixii ay awoodaan. Arrintani waxay u baahantahay hal-abuur iyo fikir sameeya nidaam xidhiidh waara ay ku yeeshaan degmada iyo dadkeeda ku dhaqan qurbaha. Waxa mudan in la xuso in dadkani ay siyaabo kala duwan gacan wayn uga gaystaan degmada horumarinteeda. Weelaynta arrimaha khayriga u badan ee hadda laga soo fuliyo dalalka dibaddu waa dhagaxa koowaad ee dhiska xiriir dhex mara labada dhinac.

Qaab-dhismeedka Dowladda Hoose wixii ka soo hadha inta xeerku qeexayo, waxa lagu samayn karaa dib u abla ablayn. Himilo lagu soo hirto si loo fuliyo waxa daruuri ah in degmadu hesho ilo dhaqaale oo hor leh. Degmadu waa in ay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah oo ay ku samaysanayso shirkado ganacsi. Bilow ahaan waxa wanaagsan in shirkadaha laga qaybgasho shacbiga si loo helo xoog maaliyadeed. Hiigsigu waa in uu yahay in degmadu yeelato shirkado bixiya dhammaan adeegyada bulsheed ee muwaadiniinta. Shirkado shacabka iyo degmadu wada yeeshaan waxa ay sababayaan degmada oo hesha dhaqaale, shacbi hela adeeg hufan, shaqaalaysiin iyo waliba sicirka badeecadaha kala duwan oo ilaashama kuna xasila heer macquul ah. Sidoo kale shirkado ganacsi oo wax soo saar leh waxa ay degmada u samaynayaan suuq-geyn sababta in magaca degmadu gaaro meelo uuna hore u gaarin.  
 
Hassan Deri  
Garyaqaan
[email protected]
Mustafa Daqare
Guddoomiyaha Ururka Himilo, qaaradda Europe
[email protected]




 





Click here