3/4/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Qaybi oo xukun: ‘Federaalka’ qabyaaladeysan ee Soomaaliya

 

Mohamed Ismail Abdullahi (Mohamed Midnimo)
Friday, January 15, 2021

 

Hordhac

Ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya 1991kii, siyaasadda dalku waxaa ay noqotay mid aad u cakiran oo cid kasta oo gobolka iyo aduunka aan ku noolnahay ee dan ka lehba ay u fududaatay in ay dhankeeda ka walaaqato; faro-gelin toos ah iyo mid dadbanba, gaar ahaan quwadaha shisheeye ee Bariga iyo Reer Galbeedka iyagoo kala adeegsanaya gacmaha dowladaha dhaca mandiqadda Geeska Afrika iyo Khaliijka iyo weliba hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo kooxaha calooshood-u-shaqeystayaasha.

Iyaga oo adeegsanaya Soomaalida noocaas ah ayay waxay suuq-geeyeen oo la buun-buuniyay arrimo fara badan sida: waxaa lumaya is-aaminaaddii Soomaalida, ma heshiin kartaan, waad kala-duwan tihiin, wax iskuma darsan kartaan, iwm; ujeedkooduna uu yahay in shacbiga Soomaaliyeed lagu sii kala fogeeyo, laguna kala-dilo si ay ugu suurta-galaan danahooda khaaska, si gaar ah kala-qeybinta dalka iyo dadka.

Arrintaasi waxaa ay sababtay in ay, ku dhowaad rubuc Qarni, Soomaaliya heli weydo xasillooni siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaale. Waxaa la adeegsaday nooc kasta oo lagu siyaadin karo is-nacaybka iyo qabyaaladda ummadda Soomaaliyeed la kala dhex-dhigay. Waxaa la soo bandhigay hannanaka qabiil-wax-ku-qaybsiga ee 4.5. Si kastabase, Eebbe weyne mahaddii iyo ummadda Soomaaliyeed oo ah dad is-jecel, waa la kala tegi waayay; haba lakala sad-bursado e. Taas markii ay socon weyday ayaa haddana waxaa markii dambe la soo bandhigay nidaamka ‘federaalka’ si ay halkeedii uga sii socoto kala qoqobka iyo kala irdheynta ummadda.

Haddaba, waxaan maqaalkaan kaga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Nidaamka ‘federaalka’ iyo noocyadiisa ugu caansan; waxyaabaha uu la gaar yahay nidaamka ‘federaalka;’sida uu ku yimaaddo nidaamka ‘federaalka’ iyo ujeeddooyinka loo adeegsado; sida uu nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysani ku yimid Soomaaliya, cidda ka dambeysa iyo ujeeddada laga lahaa; halista nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysan uu ku yahay dalka iyo dadka; iyo weliba nidaamka siyaasadeed ee ku haboon in ay Soomaaliya qaadato si xal waara loo gaaro.

 

‘Federaalka’ iyo noocyadiisa: Qeexid

Ereyga ‘federaal’ waa nidaam madax-bannaanida loo qeybinayo ugu yaraan laba dowladood- dowladda dhexe iyo dowlad-goboleed, kuwaas oo fuliya awoodo dastuuri ah oo madax bannaan kuna dhaqa qeyb ka mid ah dad ku nool dhul gaar ah.

Nidaamka ‘federaalku’ waa nooc ama qaab gaar ah oo ka mid ah nidaamka xukun-baahinta ee loo yaqaanno dhex-furnaanta ama decentralization. Waxyaabaha uu nidaamkani la gaar yahay waxaa ka mid ah kala-duwanaashiyaha sida: Isirka, luqadda, diinta, dhaqanka iwm kuwaasoo khasbaya in ay dadka noocaas ahi samaystaan oo raacaan nidaamka ‘federaalka’ si ay ugu kala bad-baadaan.

 

Nidaamkani waxa uu u kala qaybsamaa dhowr nooc, waxayna kala yihiin:

i)       ‘Federaal’ tartan (Competitive ‘federalism’): Dowladda ‘federaalka’ waxaa ay leedahay awood aad u xaddidan, mana fara-gashan karto maamul-goboleedyada maamul ahaan iyo awood ahaan toona. Noocaan waxaa isticmaala dalalka: Ingiriiska (UK), Biljim, Ustareeliya, Baakistaan, Baraasiil iyo Iswiisarlaan.

ii)     ‘Federaal’ iskaashi (Cooperative ‘ federalism’): Nidaamkani, dowladda ‘federaalka’ iyo maamul-goboleedyada ayaa waxay u sahqeynayaa si wadajir ah si ay u xalliyaan dhibaatooyinka ay wadaagaan.  Noocaan waxaa isticmaala dalalka Jarmalka, Koofur Afrika, Imaaraadka Carabta, Maraykanka, Fenesuweela iyo Yuguslaafiya.

iii)   ‘Federaal’ khasab ah (Coercive ‘federalism’): Dowladda ‘federaalka’ waxay, nidaamkani, qaabeysa siyaasadaha dowladda dhexe iyo midda maamul-goboleedyada labadaba, waxana ay hubinaysaa in maamul-goboleedyadu raacaan tilmaamaha dowladda dhexe. Noocaan waxa isticmaala dalalka Nayjeeriya iyo Itoobiya oo ku haya dalalkooda awood militeri.

Nidaamka ‘federaalku’ waxyaabaha uu la gaarka yahay waxaa ka mid ah in ay dadweynuhu kala isir duwan yihiin; in ay kala luqad yihiin; in ay kala diin yihiin; in ay kala qowmiyad iyo deegaan duwan yihiin, sida Keenya iyo Itoobiya oo kale; in ay yihiin dad aad u fara badan sida Mareykanka oo kale; iyo in ay yihiin dowlado isu-tegey sida Midowgii Soofiyeetka iyo Iswiisarlaan.

Marka la fiiriyo sida uu u samayasmo nidaamkani iyo ujeeddooyinkiisa waxaa kuu soo baxaysa laba qaab oo kala ah: Isu-tag ka dhex-dhaca dowlado kala madax-bannaan, kuwaasoo ka tanaasulaya madax-bannaanidoodii dibadda. Ujeedka ugu weyn ee ey u sameysmaan dowladaha ‘federaalka’ noocaan ahi waa mideynta cududdooda siyaasadeed iyo dhaqaale si ay isaga kaashadaan cadowga dibadda ee halista ku wada ah; waxana dowladahaas ka mid ah Mareykanka (1787), midowgii Iswiisarlaan (1874), Jamhuuriyaddii Jarmalka (1949), iyo weliba Imaaraadka Carabta. Inta badan, nidaamka noocaan ku abuurma waa uu hirgalay waayo wxa ay xoogga saaraan midnimo iyo wada-jir waana ay ku guuleystaan dhinac kasta sida siyaasadda, dhaqaalha iyo mileterigaba.

Hannaanka kale waa Kala-bax waana dowlad weyn oo tabar-darraysay, iyada oo uu dalku u kala firdhanayo gobol-gobol mid kastana uu doonayo madax-bannaani u goonni ah oo ka baxsan dowladda dhexe ee weyn. Ka dibna aysan awoodi karin aqoonsi caalami ah sidaas darteedna lagu heshiiyo samaynta nidaam ‘federaal’ daciif ah kaasoo siinaya awoodo dheeraad ah dowladaha yar yare ee ay mid kastaa dooneyso in ay danteeda gaar u raacato iyadoo aan u aaba-yeeleyn dolwadaha kale ee yar yar iyo xukuummadda dhexe toona. Ujeedka ugu weyn ee nidaamkani waa in ay dowladaha yar yari helaan awood dheeraad ah  si ay mid kasta u gaarto danteeda u gaarka ah iyadoo aan u aaba-yeeleyn dowladaha kale ee yar yar iyo tan ‘federaalka’ ah toona; waxaana dowladahaas ka mid ah: Meksiko (1857), Arjantiin (1860), Baraasiil (1891), iyo Kasejoslofaakiya (1969) oo iyadu ugu dambeyntii kala googo’day. Nidaamka ‘federaal’ ee noocaan ku abuurma waxa uu badanaa dilaa oo wiiqaa awooddii dowladahaas, ugu dambeyna waa ay kala tagaan sida laga arki karo dowladaha aan kor ku soo sheegay; waan sida laga rabo Soomaaliya oo ay haddaba ku socoto haddaan Rabbi SWT sida u dhaamin oo aanay dadka Soomaaliyeed isku-tashan xilli hore.

 

Soomaaliya iyo ‘federaalka’

Si kooban, taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay ahayd quwad aad u xoog badan lagana tixgeliyo arrimaha mandiqadda Geeska Afrika, taasoo ay ugu wacneyd baratanka quwadaha waaweyn ee reer Bariga iyo Galbeedka ee gacan ku haynta; sidoo kalena saameynta dalka Soomaaliya halka uu ku yaalo qariidad ahaan awgeed.

Tani, waa sababta markii horaba keentay in dhulkii iyo ummaddii Soomaaliyeed loo qaybsado, ka dib markay soo kala dhoweysteen qabaa’ilka Soomaalida. Arrintaan waxay keentay nooc kala sarrayn ah iyo is-colleysi taasoo uu gumeystuhu ugu tala-galay in uu ku sii kala qaybiyo dadka Soomaaliyeed una xukumo(QAYBI OO XUKUN).

Waxaa dalka loo kala qaybiyey gobollo, lana kala siiyey dalal; tusaale ahaan Soomaali Galbeed (Itoobiya), NFD (Keenya) iyo xeebta Jabuuti oo uu Faransiisku gumeysanayey ilaa dhamaadkii todobaatameeyadii intaanay xoriyadda qaadan. Dowladihii Soomaaliya tan iyo 1960kii waxay ka shaqaynayeen si toos ah iyo si qarsoonba sidii loo xoreyn lahaa dhulalkaas maqan, waxana lagu hubeeyey Itoobiya, tusaale ahaan, jabhado ay ka mid ahaayeen tii Tigreega ee madaxda ka ahaa Meles Sanaawi.

Sidaas si la mid ah, waxaa iyana jiray jabhado kale oo uu Mingistaha Itoobiya e ku soo hubeynayay Soomaaliya si ay iyaguna u wiiqaan awoodda xad-dhaafka ahayd ee dalka Soomaaliya, taas oo ku aheyd caqabad iyo wadne-kurkur aad u weyn, jabhadihiina waxay ku guuleysteen in ay burburiyaan xukuumadihii Soomaaliya iyo Itoobiya; nasiib-darrose halka jabhadaha Itoobiya ay muujiyeen wadaniyad iyo dal-jacayl oo ay ilaashadeen dalkooda, jabhadaha Soomaaliya waxay ku dhaqaaqeen burburin hanti-dadweyne, dhac iyo xasuuq shacab iyo weliba isku-jeesasho iyaga dhexdooda ah halkii ay ka unkami lahaayeen dowladnimadii Soomaaliya.

Halkaas waxaa ka bilowday khilaaf sababay dagaal sokeeye; halka Itoobiya uu madax ka noqday Meles Sanaawi horraantii 1991gii. Isla sanadkii 1993dii, Itoobiya wax aka dhacay afti qaran oo loo qaaday in Eriteriya la xoreeyo sidaasna waxay ku noqotay dal madax-bannaan. Meles waxaa soo tababary oo maal-gashaday dadka iyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu ku noolaa guri fillo ah oo ku yaallay dhabarka dambe ee Hotel Towfiiq isaga iyo Isaayas Afwarki; waxayna si fiican u barteen afka iyo dhaqanka Soomaalida.

Haddaba Itoobiya oo iyada lafteeda haysteen caqabado gudaha ah oo ay qowmiyadeheeda kala duwani is-riixriixayeen ayaa waxaa ay jabhadii TPLF-ta ku dhawaaqday in dalka Itoobiya laga dhigay dowlad ‘federaal’ ah sannadkii 1995kii. Meles oo si fiican u fahansanaa Soomaalida iyo halka ay hannaanka afaara-qabiilka ka joogto, kaashanayana Nayroobi, sidoo kalana ay gadaal ka riixayaan quwado kale oo shisheeye, ayaa wuxuu qaatay in uu dhaqan-geliyo aragtidii laga dhaxlay gumeystaha ee ku dhisnayd ‘Qaybi oo xukun,’ waana halka aragtida Meles ee Soomaaliya in ‘federaal’ laga dhigo ay ka timid; ‘federaal’ ku dhisan laba arrimood oo aad muhiim ugu ahaa Itoobiya oo ah in uu xadduud badeed yeesho iyo in uu xadduud dhuleed la wadaago dalka Itoobiya. Sanadkii 1998dii, saddex (3) sano un ka dib qaadashadii ‘federaalka’ ee Itoobiya waxaa la aas-aasay ‘maamul-goboleedkii’ ugu horeeyay ee Soomaaliya kaasoo ku dhawaaqay kana dhaqan-galay gobollada Waqooyi-bari ee Soomaaliya. 

Isla markii uu Meles la wareegay talada dalkiisa wuxuu bilaabay isaga oo fahmsan meesha ay ku jirto dantiisa iyo danta Itoobiya; halkaasna wuxuu ka bilaabay in uu isku hubeeyo jabhadihii Soomaalida ee xilligaas taasoo aakhirkii sababtay barakac, burbur, halaag iyo kala-firdhad ku dhacay ummaddii Soomaaliyeed.

Laga soo bilaabo sanadkii 1992dii, waxa Soomaaliya loo qabtay shirar badan oo dib-u-heshiisiineed kuwaasoo dhammaantood uu Melas ka ahaa oday diiddanaana inay ka soo baxaan wax mira-dhal ah ama wax u tari kara isirka Soomaalida. Dunida manta jirta oo nagu wareertay ka sokow, waxa kale oo jira dano istaraatiijiyadeed oo Itoobiya laga lahaa sida inay tahay quwad mileteri oo her gobol ah. Waxa dhanka kale ka caawinayey Keenya oo ay tan iyo horraantii 1960kii wada lahaayeen heshiis iskaashi mileteri oo looga soo horjeeday Soomaaliya; kuna saleysnaa diiddadooda mashruuca “Soomaali-weyn.” 

Si kastaba, sanadkii 1999kii ayuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku guuleystay in uu isugu yeero Soomaalida si loo heshiiyo loona yagleelo dowladdii ugu horreysey ee Soomaaliyeed tan iyo burburkii. Waxa xigay qas ay Itoobiya ku burburisey dowladdii lagu soo dhisay Carta; waxana la isugu yeeray shir kale kaasoo ka dhacay Keenya qaatayna ku dhowaad laba (2) sano. Shirkaan wuxuu ahaa kii dilay dowladnimadii Soomaaliya ka dib markii naloo soo qoray hannaanka ‘federalka’ iyadoo aan cidna lagala tashan; aftina loo qaadin, lana halmaamay sidii laga yeeli lahaa Hargeysa oo wax tabaneysey goonnina u taagnayd hal cabbaar ah! 

Gobollada Waqooyi Bari ayaa qaatay ‘federaalka’ ka dib markii ay Itoobiya muquunisay, waxa ku xigey xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf oo ay iyadana Itoobiya dabada ka riixeysey. Imaanshihii Cabdullaahi Yuusufna waxa bilowday xasuuq agaasiman oo ay geysanayeen ciidanka Itoobiya iyo xukuumaddii Soomaaliya ee xilligaas, ka dibna waxa kacay muqaawamo ay markii dambe ka farcameen Shabaabka sidaasna lagu beddelay xukuumaddii. Wadaaddadii beddelay ee uu hogaaminayey Shariif Sheekh Axmed. ‘Federaalkii’ qabyaaladeysnaa  wuxuu gaaray dalkoo dhan; min Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Dhuusamarreeb, Garoowe,  iyo xataa Hargeysa oo goonni-isu-taag ku doodeysa. Ma ahayn hannaan laga heshiiyey ama ay xaataa Soomaalidu wax talo ah ku lahayd. Walow ay Soomaalidu la dirirtay hannaankii dowladdii dhexe haddana halkii laga aadi lahaa hannaan dhex-furan waxaad mooddaa in la isku dirqiyey, iyadoon loo mel-dayin dhaqanka iyo diinta Soomaalida toona, hannanka ‘federaalka’ qabyaaladeysan ee faddarada ah.

 

Halista nidaamka ‘federaalka:’ 13 qodob oo xasaasi ah

Nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladaysan ee Soomaaliya wuxuu halis iyo khatar aad u weyn ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo ah bulsho wadaagta isir, af, dhaqan, dal iyo diin, ahna reer guuraa xoolo dhaqato, beeraley iyo ganacsato isugu jirta.

Halisaha uuu leeyahay nidaamkani waa ay badan yihiin waxana ka mid ah kuwa hoos ku qoran:- 

  1. ‘Federaalka’ qabyaaladeysani wuxuu abuurayaa oo baahinayaaa is-nacaybka kala-qoqobka, shakiga iyo sad-bursiga;
  2. Waxa uu abuurayaa colaado hor leh kuna saleysan dhul iyo xukun-ballaarsi;
  3. Wuxuu kala xannibiyaa is-dhexgalka iyo isu-socodka bulshada Soomaaliyeed;
  4. Wuxuu lid ku yahay midnimada, wadajirka iyo wadaagidda dhaqan-dhaqaalihii ay Soomaalidu asalka iyo faracaba u lahayd abid;
  5. Wuxuu kala dhantaalayaa cududdeena, taasoo inoo keeni karta in cadaawuhu si fudud noo soo hunguriyeeyo isaga oo adeegsanaya mamul-qabiileedyada yar yarka ah, mid kastana gooni ula heshiinaya sidii ay boqortooyadii Ingriisku ay dalka ku qabsatay qarnigii 19naad iyada oo adeegsaneysa qiddadeedii caanka baxday ee “Qaybi oo Xukun;”
  6. Waxa uu abuurayaa xasillooni-darro siyaasadeed oo ba’an, taasoo ka hor-imaanaysa horumar kasta oo uu dalku ku tallaabsan karo;
  7. Wuxuu baahinayaa musuq-maasuqa isaga oo u daadejinaya heer gobol, degmo iyo tuulo; waxana yaraanaya anfaca gaaraya bulshada Soomaaliyeed.
  8. Wuxuu sharciyeynayaa, oo uu awood xad-dhaaf ah siinayaa, hoggaamiye-qabiileedyada kala hogaaminaya maamul-qabiileedyada kala duwan, taasoo aan marnaba bullaalineynin qarannimada Soomaaliyeed;
  9. Wuxuu sidii basasha oo kale si ba’an hoos ugu daadejinayaa qabyaaladda, taasoo keeneysa in qabiillada waaweyn ay ku tuntaan kuwa laga tirada badan yahay;
  10. Wuxuu badinaya khiyaanooyinka siyaasadeed ee lidka ku ah dowladnimada iyo qarannimada Soomaaliya; iyada oo qaranku yeelanayo meelo badan oo looga soo dusi karo.
  11. Wuxuu kala daadiyaa dadka, dalka iyo fahanka diinta iyadoo lagu sababeeyo colaaddi kal hore;
  12. Waa wax aan meelna naga soo gelin annagana aannaan iska lahayn, sidaas darteedna ilaa hadda ay doodi ka jirto siduu noogu yimid annagoo hal dad ah, hal dal ku nool, hal diin leh, hal af leh, hal dhaqan leh, wax aan ku kala duwannahayna aysan jirin; ugu dambeyntiina
  13. ‘Federaalk’ qabyaaladeysani waa faddaro sidaan ka aragnay Gaalkacyo, doodad maqaamka Muqdisho, waxa hadda ka socda Beledweyne, mar kasta oo la gaaro xilliga doorashooyinka, gobollada Jubbooyinka, goonni-isu-taagga Hargeysa, iyo weliba sida aysan kuwa madaxda isku sheega uga xishoon oo ay sida joogtada ahi ugu af-lagaaddeeyaan damiirka qofka Soomaaliga ah.

Nidaamka ‘federalka’ qabyaladeysan oo intaasoo dhan kulansaday ayaa haddana laga kari la’yahay madaxya-weynta Soomaalida in ay ka waantoobaan ama ay xataa darsaan waxa uu yahay hannaakaan aan dantu noogu jirin; waa hannaan si toos ah iyo si dadbanba uga hor-imanaya dastuurka ku meel gaarka ah sida ku cad, tusaale ahaan, qodobka 1aad, faqradiisa 3aad. Sidoo kale, bal fiiri qaabka ay u qoran yihiin waraaqaha rasmiga ah ee ka so baxa xafiisyada dowladda iyo waxa noogu qoran baasaborka Soomaaliga ah.

 

Xukuumad dhex-furan oo adeege ah: Xalka siyaasadeed ee Soomaaliya

Qaadashada nidaam kasta ee dowladeed waxa laga eegaa baahida ay dalka iyo dadku u qabaan nidaamkaas iyo weliba faa’iidada iyo caqabadaha ku gedaaman qaadashada nidaamka cusub. Waxyaabaha kale ee tixgelinta u baahan waa halka uu adduunka marayo, xaaladda gobolka, iyo weliba la-tashiyo lala sameeyo bulshada dalkaas si loo helo gadidda iyo meel-marinta hannaanka cusub.

Taariikhda Somaaliya waxay si muuqata iyo si dahsoonba u qoreysaa in uu culays daran ka soo yeeray hannaanka dowlad dhexe, oo dadka merjisa, sidaas darteedna loo baahan yahay hannaan dowlad dhex-furan, oo adeege ah. Hannaankaan wuxuu u baahan yahay in dadka Soomaalidu ay ku baraarugaan waayo wuxuu noo bixinayaa nabaddii iyo dowladnimadii aan baadigoobka ugu jirney tan iyo dowlad-dhiskii noo soo bilowday, Ilaahay mahaddiiye, xilligii Carta. Waa in la qabtaa shir-weyne qaran oo wada-tashi ah loogana wada hadlaa masiirka dalka, ubuc looga dhigaa qur;aan akhris, duco, is-cafin iyo towbad Rabbi SWT loogu noqdo wixii dhacayna sidaas looga gudbo baal cusubna loogu furo taariikhda iyo nolosha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qaabka iyo sida uu noqon karo hannaanka dowlad dhex furan oo adeegta, waa in la helaa xukuumad dhex-furan min heer qaran (dowlad dhexe oo idman), heer gobol (maamul-goboleed leh xaakim iyo ku xigeen iyo barasaabyo madax u ah gobollada), ilaa heer degmo (guddoomiyeyaal degmo oo adeegayaal ah). Sidoo kale golayaal degmo oo kaalintoodu tahay horumarin ayaa kaga filan siyaasadeynta hannaanka dowladeed ee dhexda furan adeegana ah. Qof kasta oo Soomaali ahi waxa uu degi karaa meshuu doono oo Jamhuuriyadda ka mid ah; adeegyada asaasiga ah ee bulshadana waxa laga geynayaa oo laga heli karaa meel kasta ilaa heer tuulo iyadoo ay xukuumadduna hayso diiwaanka guud ee wax kasta oo ku saabsan u adeegidda qofka Soomaaliga ah. Hannaanka ‘federaalka’ qabyaaladeysan ee faddarada ah  ee naloo keenay waxa keliya ee beddeli kara isku-tashi iyo Alle tala-saarashada dadka Soomaaliyeed ka sokow in loo boxo hannaan dowlad dhexe furan, oo adeege ah, adeegyadana gaarsiiya ilaa heer tuulo; kaasoo loo qur’aan akhriyey si walaaltinnimo ah oo Soomaalinimo ahna looga gorgortamay oo weliba la isugu turay.

Nidaamkan waxa isticmaalay oo uu si fiican ugu shaqeeyey dalal badan; waana hannaka ugu fiican Soomaaliyada manta oo ay Ilaahayna SWT ugu noqon kartaa, iyaduna dib ugu walaaloobi kartaa.


Qallinkii: Mohamed Ismail Abdullahi (Mohamed Midnimo)
Email: [email protected]

 





Click here