Liban Obsiye
Saturday, April 10, 2021
Ganacsiyada Soomaaliyeed waxay kaalin weyn ka qaateen, walina ay kaga jiraan dib u soo kabashada dalka. Ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya waa kuwo mid kamid ah minnaaradaha dhifka ah ee wali ka iftiimaya dalka, in kasta oo uu socday dagaal sokeeye oo dhaawacay qaran dhan iyo dadkiisii. Inkastoo saboolnimo baahsan iyo caqabado badan oo xagga amniga ay jiraan, haddana shirkaddaha iyo ganacsata Soomaaliyeed waxay ku dhiirradeen inay maal-gashadaan, ayna maamulaan adeegga internet-ka ee ugu jaban uguna kalsoonida badan Geeska Afrika. Intii ay socdeen dagaallada sokeeye, iyo illaa iyo maanta, ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya waxay ka taageerayeen dalka bixinta adeegyada bulsho ee aasaasiga ah sida Waxbarashada, Xawilaadda lacagaha, Bangiyada, daryeelka caafimaadka iyo korontada. Fahamka laga heysto iskaashiga Dowladda iyo Shirkaddaha Gaarka loo leeyahay ayaa ah mid ka jiray Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waana mid sii yeelan doona muhiimad gaar ah marka loo eego jilicsanaanta dowladnimada Soomaaliyeed ee tartiib tartiibta u soo kabaneysa. Intaa waxaa dheer in aaan lumineyno fursad weyn oo aan adduunka ugu soo bandhigi karno mid ka mid ah sheekooyinkeenna guusha ee ugu waaweyn; halka maanta dunida la daala-dhaceeyso sida xiriir wadashaqeeyn oo dhaw loola yeesho ganacsiyada gaarka loo leeyahay si loo taageero ka miradhalinta barnaamijka Yoolalka Qaramada Midoobay ee Himilooyinka Horumarinta Waarta, Soomaaliya guul ayey ka gaartay aarintaas, oo dunidda iyada ayaa ku hogaamineysa.
Waa maxay xiriirka Shirkaddaha?
Xiriirka shirkaddaha wuxuu muhiim u yahay horumarka ganacsiyada oo idil, maxaa yeelay waa habka ay ganacsiyada ula xiriiraan daneeyayaashooda kala duwan, sida shaqaalaha, macaamiisha, warbaahinta, dowladda iyo saaxiibbada kale sida Hey'adaha samafalka. Xiriirka shirkaddaha inta badan waa qoraal, muuqaal iyo hadal, laakiin dhammaantood waxay wada leeyihiin hal ujeedo oo ah : in lagu wada-xiriiro, lagu xoojiyo, laguna ilaaliyo magaca ganacsiga. Taas oo ka dhigan, in magaca ganacsiga yahay sidii noole oo kale kaasoo matala walibana dhiirigaliya, sidaa darteed ay haboontahay in la kobciyaa lana quudiyaa si uu u koro. Haddaba, ganacsiyada Soomaaliyeed waxaa muhiim u ah inay la jaanqaadaan hababka la iskula xiriiro ee casriga ah, si ay usii wadaan xiriirka ay la leeyihiin saamileeydooda kala duwan si ay u dhisaan magac qiimaleh iyo macaamiil daacad u ah.
Nasiib-darro, hoggaamiyayaasha ganacsiga ee aan kula macaamilay Soomaaliya, waxay marwalba tusaale ahaan u soo qaadanayaan wixii ay horay u sameeyn jireen marka ay sharaxayaan qaabka ay hadda u maareeyan xiriirka shirkadahooda. Intooda badan waa ay ka caga-jiidaan inay maalgashi-ballaaran ku sameeyaan xiriirkooda istiraatiijiga ah, sida Xiriirka Dadweynaha, Suuqgeynta iyo Xayeysiinta Magaca Shirkadda. Inta badan waxay ka hadlaan sida ay shirkadda ku aasaaseen iyo shaqada adag ay qabteen si ay heerkan usoo gaaraan. Inkastoo ay muhiim tahay in la xusuusnaado halka wax laga soo billaabay, haddana, ka sheekeynta waayadii hore iyo wixii lasoo maray ma ahan istiraatiijiyad horseedi karta horumar waara ee dhanka ganacsiga ah.
Horumar Ujeeddo Leh
Ganacsiyadu waa inay leeyihiin ujeeddo. Sidoo kale waa inay leeyihiin aragti, himilo iyo hiigsi dhiirigalineysa saamileydooda iyo macaamiishooda. Dhab ahaan, ganacsiyadu waa shirkado muwaadiniin ah oo ku milan nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo ah macaamiishooda, saamilaydooda iyo, tan ugu muhiimsan, daneeyayaashooda waaweyn. Ganacsiyadu waxa ay gacan siiyan, iyaguna ay gacan ka helaan dowladdooda iyo macaamiishooda, taas badalkeedana qaar kamid ah ganacsiyada Soomaaliya ka jira qaabab kala duwan oo macne leh ayay bulshada dib ugu celiyaan abaalkii la galay. In tabarrucaaddooda ay ku filan tahay oo ay gaarsiisan tahay heerkii loo baahnaa iyo in kale waa dood kale, balse waxaa xaqiiq jirta ah in qalad laga fahmay saameynta ay ku leeyihiin bulshada, taas oo ay keentay xiriirkooda shirkadeed oo liita awgiis.
Muddo aad u dheer, xiriirrada ganacsiyada Soomaaliyeed waxay diiradda saarayeen arrimaha macaamilka ganacsi oo kaliya. Shirkaddaha ka shaqeeya isgaarsiinta iyo xawaaladda ayaa ahaa kuwa kaliya ee mudnaanta siinayay ka hadalka kobaca, tayada adeegga, ammaanada, xiriirrada gudaha, iyo gaaridda adduunka. Shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada guud, sida caafimaadka iyo waxbarashada waxay kaliya diiradda saaraan sidii ay ku heli lahaayeen macaamiil. Inta yar ee maalgashiga ku sameysay xiriirka istiraatiijiga ah, iyaguna waxay isticmaaleen idaacadaha yar-yar, TV-yada iyo xayeysiinnada boorarka jidadka. Suuqgeynta magaca ganacsiga iyo farriimaha muhiimka ah ayaa ah mid aad ugu liita macaamilka shirkaddaha, oo aan isu-duwaneen. Tani inta badan waxay si gaar ah uga muuqataa barnaamijyada xayeysiinta idaacadaha iyo TV-yada, kuwaas oo intooda badan aan isku dubbaridneyn, muddo dheerna jiitama. Waxa ugu sii daran ayaa ah, dadka la beegsanayo oo la rabo inay farriinta gaarto, ma ahan kuwa lagu doortay falanqeyn iyo cilmi baaris, balse waa kuwo ku saleeysan sheekooyin khiyaali ah, sida fikradaha sheegaya inay naagta guriga fadhiso ninkuna uu biilka keeno. Inta badan, xayeysiinnada waa kuwa dadka marin habaabiya, iskuna daya inay dadka ka dhaadhiciya in badeecadaha iyo adeegyada ay markiiba nolosha beddelayaan. Sidaas darteed, xiriirrada shirkaddaha Soomaalida sameeyaan badankooda ma lahan waxtarkii looga baahnaa, maadama ay ku fashilmaan inay macaamiisha ka gadaan ‘muhiimada’ iyo ‘waxtarka’ sheeyga ama adeego leeyahay.
Xiriirrada shirkadda waa inay ahaadaan caarada (afka) waranka oo kale, loona isticmaala sida ugu hufan marka la soo bandhigayo qiimaha shirkaddu u leedahay dadka. Masuuliyadda Bulsho ee shirkaddaha saaran, taaso muhim u ah bulshada iyo ganacsiyada, waxay ahaan doontaa mid aan waxtar laheyn xitaa haddi sida ugu wanaagsan uguna daacadnimada badan loo guto, mar haddii xiriirrada shirkadda aysan waxku'ool aheyn ama ay liitaan, islamarkaana aan lala beegsan dadkii iyo daneeyayaashii saxda ahaa ee loogu talagalay. Xiriirrada shirkaddeed ee ku dhisan aragtida gaaban ee diiradda saareysa oo kaliya sidii lagu heli lahaa macaamiil loo adeego ama wax iibsata oo ku celcelisa "iibso, iibso oo waliba iibso wax badan!" waa in lagu baddelaaa kuwa diiradda saara saameynta shirkadda iyo waxtarka ay u leedahay bulshada.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan adduunka, inkastoo ay xaqiiq tahay in dadkeedu leeyihiin han sare. Baahida loo qabo helidda adeegyo, gargaar bani'aadamnimo iyo hal-abuurnimo bulsho ayaa ah mid aad uweyn, si looga gudbo caqabadaha aan la koobi karin ee ka naga taagan horumarka, heer shaqsi iyo heer bulsheedba. Dhibaatada caafimaad, bulsheed iyo dhaqaale ee uu COVID-19 u geeystay dadka Soomaaliyeed ayaa ah mid ka sii daraysa xaaladda dalka ka jirta. Shirkado badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa waaweyn, ayaa si toos ah gacan ugu geysanaya taageeridda barnaamijyada horumarka waara ee Soomaaliya iyo wax ka qabashada aafada xanuunka COVID-19, iyagoo u maraya adeegyadooda, badeecadahooda iyo tabarrucaadooda. Balse nasiib-darro, cidina ma oga waxtarkooda, sababtoo ah si fiican dadka uma aysan gaarsiin farriintooda. Halkii ay ku dadaali lahaayeen suuqgeynta saamaynta ay shirkadooda ku leedahay kobaca iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, fikradda ay ka dhaqaaqdo xiriirrada shirkaddaha Soomaaliyeed bulshada dhexdeeda iyo adduunkaba ayaa ah soo bandhigidda hunguri weyninkooda, kali-macaash nimadooda, daryeel la'aantooda, iyo kaliya damacooda sidii ay lacag badan uga shaqeysan lahaayeen macaamiisha. Halkii saamaynta shirkadahoodu ku leedahiin kobaca iyo horumarka dadka Soomaaliyeed sheekadu ahaan laheeyd, waxa ay noqotay in sheekada laga aaminsan yahay shirkaddaha Soomaaliyeed ee ka jirta gudaha dalka iyo dibadiisaba, ay tahay in ay yihiin kuwo hunguri badan, suuqa afduubta (mid u xiran), bulshada aan dan ka laheyn, oo diirada saara oo keliya sidii lacag badan ay uga heli lahaayeen macaamiishooda. Tani waa musiibo, sababtoo ah xiriir-xumida shirkaddaha awgeed, waxaa hoos u dhacay is-fahamka shirkaddaha iyo dadka taas oo aasaas u ah iskaashiga lagama maarmaanka u ah kobaca dhaqaalaha, oo walibana isu beddeshay kalsooni darro shacabka iyo dowladooduba ka qabaan shirkaddaha. Arrintaan jirtaa maahan mid dhiirrigelinaysa kalsoonida macaamiisha, abuureysa macaamil daacad ah, oo walibana ugu dambeyntii, waxay albaabada u fureysaa ganacsiyo cusub inay mustaqbalka ka faa’iideystaan is fahan la’aantaan jirta.
Shirkaddaha Soomaaliyeed ee macnaha leh aad uma badna. Sidaas oo ay tahay, waxay bixiyaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed u fududeeya inay horumar ka gaaraan noloshooda. Maadaama ay Soomaaiya soo xasileyso, tartanka shirkaddaha u dhaxeeya waa uu kordhi doonaa, shirkado badan oo maanta macaamiil xoogan suuqqa ku lehna waxaa lagu qasbi doona inay u tartamaan macaamiil, maadama aysan hab wax ku ool ah u suuqgeyn waxtarka ay bulshada u leeyihiin markii ay fursada heysteen. Shirkaddaha Soomaaliyeed ee bixiya adeegyada korontada, biyaha, raashinka, waxbarashada, helidda Maaliyadda, xawaaladaha iyo amniga waxay dhammaantooda si toos ah ugu qeyb qaataan in Soomaaliya gaarto Yoolalka Horumarada Waara. Waxaa barbar socda adeegyadooda, inay bixiyaan canshuuraha, islamarkaana ay abuuraan shaqooyin hor leh.
Tani waa sheeko cajiib ah oo ka tarjumeysa saameyntooda, ayna haboon tahay inay la wadaagaan dadka Soomaaliyeed iyo adduunka. Balse su'aasha taagan ayaa ah goorma iyo sidee bay u la wadaagayaan?
Qoraagu wuxuu soo dhaweynayaa dhammaan jawaab-celin kasta, waxaana laga heli karaa:
[email protected]
@LibanObsiye (Twitter).