4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dembiga uu Darajada Ciidanka ka Galay

Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) iyo Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh. Maxamuud 
Sabriye Musse
Friday, May 1, 2020

Darajooyinka ciidanka dunida waxa ugu sarreysa darajada Sarreeye “General”. Sarreeye waxa uu usii kala baxaa lix darajo oo qofku ku dhex dallaco.

Darajo ciidan oo uu qof gaaray dunida waxa ugu sarreysa darajada Lix Xiddigood (Generalissimo). Darajadaas dadka abid dunida qaatay waa faro-ku-tiris. Darajada Shan Xiddigood summaddeeduna tahay Gaashaan iyo Garoon ay laba xiddigood ku dhex jiraan (Marshal ama Chief General) dalal badan oo dunida ayaa laga aqoonsan yahay.

Dalka Soomaaliya, 1960-1969 darajo ciidan waxa ugu Sarreysay darajooyinkaas lixda ah ee Janaraalka tan ugu hooseysa, loona yaqaan Sarreeye Guuto, summaddeeduna ay tahay Gaashaan iyo Saddex Xiddigood (Brigadier General). Darajadaas waxa haystay taliyeyaashii ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi iyo Booliska Janaraal Maxamed Abshir Muuse.

Xilligii dowladdii Kacaanka (1969-1991) waxa la magacaabay janaraallo fara badan oo haysta darajada Sarreeye Gaas summaddeedu ay tahay Gaashaan iyo Garoon (Major General) oo madax ka ahaa qaybaha kala duwan ee ciidamada. Saraakiisha darajadaas xirnayd waxa kamid ahaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo madaxweyne ku xigeen 2aad Xuseen Kulmiye Afrax.

Hase yeeshee, darajooyinka ciidanka waxa ugu sarreysay darajada Sarreeye Guud oo summaddeedu tahay Gaashaan iyo Garoon ay xiddigi dhexda uga taal) (Lieutenant General). Darajadaas waxa lahaa, oo keli ah, Wasiirkii Gaashaandhigga ahaana madaxweyne ku xigeenkii 1aad ee dalka Maxamed Cali Samatar.


Sareeye Guud Maxamad Cali Samatar. Waa shaqsigii ugu darajo sareeyey Ciidankii XDS ee dowladdii Maxamed Said Barre


Samatar waxa uu ahaa nin millateri ah oo khibrad iyo aqoon durugsan u leh hawlaha dagaal gelinta, waxana uu ka qayb galay labadii dagaal ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1964tii iyo 1977kii.

Muddadii u dhaxaysay burburkii dowladdii dhexe 1991kii iyo shirkii dib u heshiisiinta ee 2000 lagu qabtay magaalada Carte, dalka Jabuuti, laguna soo dhisay dowladdii TFG, saraakiishii ciidanka Soomaaliya waxay noqdeen wax dhintay, wax dalka ka dhoofay iyo qaar tiro yar oo hoggaamiye kooxeedyo noqday.

Markii dowladda TFG ay dalka kusoo laabatay, waxa la billaabay in ciidankii Qaranka dib loo abaabulo. Madaxweyneyaashii talada ku kala dambeeyay waxa ay ciidanka kusoo dareen hoggaamiye-kooxeedyadii iyo malliishiyaadkii hubaysnaa ee burburkii keddib, qaab qabiil u dagaallami jiray.

Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf Axmed iyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa ay bixiyeen darajooyin ciidan oo fara badan, sidoo kalena madaxweynihii ka dambeeyay Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa caado noqotay in darajooyinka ciidanka la bixinayo aan loo eegin aqoonta iyo khibradda qofka, hase yeeshee waxa ay moqotay in qabaa’il dano doorasho laga leeyahay ama lagu raalli gelinayo ama gadood looga baqayaa wiilal ay wataan lagu dhoodhoobo.

Waxa soo baxay jannaraallo aan weligood “dib u jeeso, joogso” la dhihin. Yeelkadeed eh, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladdiisu dagaal ba’an ay kula jirtay Xarakada Al-Shabaab, waxa uu qaaday tallaabo cid ka horreysay oo qaadday aanay jirin.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu door biday in darajadii ugu sarreysay afarta ciidan ee Soomaaliya uu ku tixo nin inuu kaarto dagaal dejiyo iskaba daa eh, aan weligiis ciidan dagaal gelin, kulliyad ciidan oo uu kasoo baxayna aan la aqoon.

Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe), aniga oon qof ahaantiisa iyo shaqooyinkii cuslaa ee uu Qaranka usoo qabtay u gefayn, waagii dowladdii dhexe, waxa uu caan ku ahaa sarkaal hoose oo Booliska kamid ah iyo Garsoore Kubadda Cagta.

Bashiir (Goobbe), marka Xasan Sheekh uu ka dhigay Sarreeye Guud waxa uu ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xukuma xabsiyada dadka lagu xiro, Intii uu darajadaas siin lahaa halyeeyada kaartooyinka dagaalka dejiya oo jiidaha dagaalka har iyo habeen ugu heellan difaaca dalka, dadka iyo diinta.



Bashiir Goobbe oo ah sarkaalka haysta darajo ciidan tan ugu sarraysa dalka Soomaaliya, waxa yaab leh in uu hadda yahay Maareeyaha Wakaaladda Dhismaha Qaranka! Waxan dhihi karaa Ciidamada Qalabka Sida (lugta, cirka iyo badda), dembi aan la cafin oo taariikhi ah ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka galay.

Dowladda hadda jirta iyo dowlad kasta oo kale oo timaadda, waxan ku boorrinayaa inay qaladkaas taariikhiga ah saxdo oo niyadda ciidanka la dhiso, sarkaalka ugu mudanna darajadaas la siiyo.


Sabriye Musse
[email protected]


 





Click here