4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Bilowgii Dhamaadka Madaxweynimada Farmaajo!

 “the beginning of the end of Farmajo’s presidency”

 

Farah Aw-Osman
Sunday, July 12, 2020

Sida aan ka dhaxalnay tan iyo burburkii Dowladii Soomaaliya ee 1991, waxaa dowlad kasta oo la sameeyaba hareerayn jiray khilaafaad dhexmara Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ama Fulinta (Dowlada) iyo Sharci-dejinta (Baarlmaanka).   Waxaa kaloo caado ahayd in Madaxweyne kasta inta uu xilka hayo ugu yaraan 3 Ra’iisal Wasaare isku bedeli jiray.  Hase yeeshee, tan iyo intii uu xilka qabtay Madaxweyne Farmaajo waxaa jiray jawi wada shaqayneed iyo kalsooni kaas oo ka dhexeeyay isaga iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ahaa Ra’iisal Wasaaraha keliya ee aad moodid inuu mudadiisii ku dhamaysan doono khilaaf yari.   Waxaa kaloo iyaduna caado noqotay in Ra’iisal Wasaare kasta kolka xiliga doorashu soo dhawaato uu geli jirtay han ah inuu Madaxweynihii magacaabay xilka kula tartamo.  Tusaale ahaan, Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Gaas wuxuu xilka kula tartamay Madaxweyne Shariif oo uu markaasi dowladiisa ka tirsanaa, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo isaguna la tartamay Madaxweyne Xassan Sheekh oo uu dowladii ka tirsanaa.

 

advertisements
Hadaba, maadamaa xiligii dowladaan uu gabaabsi yahay, dhawaana loo diyaar garoobi doono doorasho waxaad moodaa inuu soo ifbaxayo khilaaf ka dhex aloosmay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre, kaas oo ka dhasay hadalkii RW Khayre oo aad moodid inuu lidi ku ahaa ama ka hor imanayay qaabka doorasho ee uu Madaxweyne Farmaajo wax u watay ama damacsanaaba.  Hadalkaas oo dadba siyaabo kala duwan u fasirteen.  Dad badan ayaa weli ku wareersan ujeedka hadalkaasi waxayna iswaydiiyeen ama is tuseen:

 

1.     In Khayre iyo Farmaajo kala xarig furteen, RW Khayre uu yahay musharax u soo xayd-xaydtay siduu sumcad usii dhisan lahaa, kalsoonina bulshada u heli lahaa

2.     In Khayre iyo Farmaajo isla ogyihiin howsha, ruwaayadna ay u jilayaan dadka

3.     In Khayre fariin u dirayo madaxda dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee ku shiraya Dhuusamareeb, fariintaas oo ah diyaar baan u ahay wada shaqayn, wixii hada ka danbeeyana anigaa shukaanta (isteerinka la wareegay).

4.     Ama in Beesha Caalamku culays ku saartay inuu wixii hada ka danbeeya toos ula shaqeeyo dowladaha xubanaha ka ah Federaalka, keenana hanaan la isku waafaqsan yahay si doorasho dalka uga dhacdo, maadaama uu howshaasi ku fashilmay Madaxweyne Farmaajo.

 

Waxaa kaloo in la is weydiiyo mudan, “maxaa waranka iyo weedha kulmiyay”, maxaa safarkii RW Khayre iyo hadalkaan dhiiranaanta wata kulmiyay, ma dhici kartaa inay jirto balan qaad uu Qatar iyo Turkey kasoo helay maadaama ay siyaasada Farmajo fahmi waayeen uuna ka abaal dhacay labadaas dowladood, sidaa awgeedna uu RW yahay Musharax xilka Madaxweyne?

In RW Khayre rabo inuu is sharaxo waxaad ka garan kartaa hadalkiisa iyo go’aanka gollihiisa wasiirada, kaas oo Meesha ka saaraya shaqada guddiga Doorashooyinka iyo Xaliimo yarey, Meesha ka saaraya doorasho qof iyo cod, Meesha ka saaraya in xisibiyo wax lagu doorto.  Waana wadada keliya ee u saamixi karta musharaxnimadiisa. 

 

Waxaa hubaal ah in Madaxweyne Farmaajo caawa dareemayo cidlo, dhaxan iyo kelinimo, maxaa yeelay hadii xubnihii Aqalka sare iyo Gudoomiye Cabdi Hashi ka horyimaadeen dhamaan qodabadii doorashada ku taxaluqay ee Baarlmaanka la mariyay kuna tilmaameen been abuurad ka hor imanaya dastuurka dalka iyo hanaanka dowladnimo, hadii Madaxdii Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee uu qaarkood cadaawaystay , halka qaarna uu isagu keensaday ay maanta shirayaan mawaaqif midaysan iyo muwaafaqana shirkooda ka muuqato, maadaama Beeshii Caalamku cod dheer iyo mid gaabanba ugu sheegtay inuusan ka fursanayn inuu dowladaha xubanaha ka ah Federaalka la hadlo si loo helo qorshe iyo qaab doorasho ee lagu wada kalsoon yahay, maadaama Ra’iisal Wasaare Khayre iyo Golihii wasiiradu cod dheer ugu sheegeen inaysan soconayn mudo ku darsi iyo qaab doorasho kaas oo aan raali laga wada ahayn.  Waxaa intaa ka sii daran, in dhamaan xubanaha gollaha wasiirada oo u badan parliamentarians uusan ku dhex lahayn dad isaga loyal u ah marka laga reebo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Arimaha Dibada.

 

Waxaa intaa uga sii daran hadal dhiiranaanta Madaxweyne Waare (oo ahaa masuul dhaqaale Federaal lagu dhisay , lagana filayay inuu Villa Somalia loyal u noqdo) kaas cod dheer ku yiri yeeli mayno wax kasta oo dhinac maraya dastuurka dalka isagoo ula jeeda qaabka Farmaajo wax ku wado.  Dhinaca kale Madaxweyne Qoor-qoor (oo xilka ku hantay dhaqaaale Federaalka, lana filayay inuu loyal u noqdo Villa Somalia) ayaad moodaa inuu nabar iyo naxdin ku noqday Villa Somalia maadaama uu isku hareereeyay xubnihii ugu mucaaradsanaa dowlada Farmaajo, maantana uu yahay odayga dhigay gogosha wada hadalka, waxaa intaa ka sii daran Madaxweyne Lafta-Gareen oo Farmaajo si gaar ah isugu halaynayay uu isaguna ka biyo diiday hanaanka doorasho.  Madaxweyne Axmed Madoobe oo isaga dagaal af, mid siyaasadeed iyo mid ciidanba Farmaajo horay ugu qaaday ayaad moodaa inuu maanta ku dhex dhaantaynayo Dhuusa-Mareeb, halka Madaxweyne Denina uu falfaliir iyo fuud yicibeed isla dhacayo.

 

Isku soo duuboo, waxaad moodaa in isbedel siyaasadeed oo xowli u socda uu dhacay sadexdii casho ee la soo dhaafay, iyadoo la filayo in Khayre safar ku tago Dhuusa-Mareeb dhawaan, lana soo xaajoodo waxna la soo meel dhigo dowlada xubnaha ka ah Federaalka.  Su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay muxuu noqon doona fal-celinta Farmaajo, ma siduu hadaba isku dhiibay oo hadalkii Khayre ee ka nixiyay iyo go’aankii gollaha wasiirada oo kale ayuu ayidi doonaa waxa RW Khayre iyo Madaxda ku shiraysa Dhuusa-mareeb iska soo meel dhigaan mise wuu ka hor iman doonaa? Haduu ka horyimaado, malaga yaabaa sidii Madaxweyne Sheekh Shariif shirkii Uganda in Ra’iisal Wasaaraha la siiyo awood buuxda oo uu dalka ku badbaadiyo.

 

Gebagebo: Waxaa xusid mudan Doorka Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, oo runtii ahaa shaqsiga keliya ee si geesinimo leh, hufnaan iyo xilkasnimo ku jirto u difaacay Dastuurka iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed, diiday oo ka horyimid qaabka doorasho ee rimay gacmeedka lagu marsiiyay baarlamaanka iyo qubkii moos ee uu Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Mursal dhex dhigeen beelaha iyo gobolada dalka.  Mawaaqiftaas geesinimo ee Mudane Cabdi Xaashi ayay ahaayeen kuwii u gogol xaaray guusha laga filayo shirka Dhuusa-Mareeb, dhiiranaantana gelisay Ra’iisal Wasaare Khayre.

Waxaynu sugnaaba waa go’aanka shirka Dhuusamareeb, Falcelinta Farmaajo, iyo Hamiga Khayre iyo Musharaxnimadiisa.


Farah Aw-Osman

[email protected]



 





Click here