5/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Soomaaliya iyo Soomaaliland, Wadahadal Mise Wadahadallo?

W.Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)
Tuesday, April 7, 2020


Guddiga loo magacaabay wada hadalada Somalia iyo Somalila


Jidka heshiis dhab ah loo mari karo

Waxa la yidhi oo lagu celceliyey Somaaliya iyo Somaaliland waa in ay wada hadlaan. Waa hadal wanaagsan ee maxaa ay ka wada hadlayaan?  "Mushkilada midnimada iyo goosashada"(Sida Soomaaliya tidhaa) ama gooni-isutaaga(sida Soomaaliland tidhaahdo); ha ka wada hadlaan oo ha ka heshiiyaan baa la yidhi.  Ajendada wadahadalku, markan, waa laba iska soo horjeeda. Waa midnimo iyo goosasho aan wax ka horreeya iyo wax ka dambeeya lahayn.  Labaa isa soo horfadhiisanaya.  Mid waxa uu leeyahay: Soomaaliland iyo goonida ay isu taagtay waa muqaddas oo laga ma wada hadli karo.  Midka kale na waxa uu ku doodayaa midnimada dalka Soomaaliya waa lama-taabtaan, gorgortan na waa ka xaaraan.  Mar haddii ay sidaas tahay, wadahadal ba waa "laf cad toobin ha la saaro".  Arrinku waa 'aan wada hadallo oo yeynaan heshiin'; waxa ka biirayaa na waa nacii iyo karaahiyadii hore oo la isu sii miisayo.  Waa wadahadal dagaal ah, inkasta oo aan rasaas la isku ridaynin. Hal mar baa la isa soo horfadhiisanayaa; dhinac waliba tiisa oo keli buu meesha ka rabaa; dhinaca kale na waxba u reebi maayo.  Waa lagu kala kacayaa uun.     

Haddii heshiis la rabo, waxaa jira jid aan kaas ahayn oo loo mari karo.  Waa jid dheer oo aan ka bilaabmin, ku se dhammaada, goosasho iyo midnimo iyo ka badan ba waxii lagu heshiiyo.  Waxa uu ka bilaabmaa, ugu horrayn, in la garto oo la isla qaato lagama-maarmaanka ah:

Kow. In labada dhinac ba laga helo rabitaanka ku aadan heshiis dhab ah oo keeni kara nabad lagu wada noolaado.  Waa mabda'a yidhaa: "Aan wada hadallo waa aan heshiinno" oo dhinac walba ka dhab ah.

Laba. In la isku waafaqo in aan labada mowqif ee midnimo iyo goosasho(ama gooni la isu taago iyo madaxbannaani la la soo noqday) ahayn muqaddas iyo xaaraan midna.

Yaa galay dembiga iyo yaa laga galay? 

Marka ay sidaas tahay, waxaa aad u muhiim ah(midnimo iyo goosasho horteed), in laga wada hadlo oo meel lagu tiiriyo, waxii dhacay ee la isku nacay ee sababay qaranjabkii Soomaaliya iyo wixii falal dhagareed la galay; cabashadeeda na-dhinac kasta oo ay jirto ba- in la garowsado.  Arrintani ma fududa. Waxa ay u baahantahay in la kaashado caqliga san, la na raaco jidkeeda xaqa iyo caddaalada ku fadhiya.  Inta aan tallaabo kale la qaadin, waxaa jira weydiimo lud ah oo ay tahay in jawaabtooda la isku raaco.  Waxaa weeye, dembiyadii dagaal in dhab ahaantooda, debedda la soo dhigo; jawaab sugan na loo helo su'aalaha dembiga yaa galay iyo ayaa laga galay?  In la isfahmo oo la heshiiyaa waxa ay ku xiran tahay jawaabta labadaas su'aalood. 

Hadda badiba waxaa dhawaqoodu yeedhaa laba cod.  Codka Soomaaliland ka soo yeedhaa waxa uu kor u qaadaa cabashada demibiyadii dagaal ee ahaa xasuuqa dadweyne iyo burburintii dalka, miyi iyo magaalo ba, iyo dadkii dalka lahaa ee debedda loo qaxinayey, dadyow kale  na la dejinayey.  Codka Soomaaliya ka soo yeedhaa, asagu  ma aha mid ee wuu ka badan yahay.  Kiisa u rooni waa ka dhibaatooyinkii la geystay qira, ku se ladha in dalka ba, meel walba dhibatooyin la mid ahi ka dhaceen.  Dembiyada dagaal iyo gaboodfallada meelo badan la galay waa run jirta.  Haddii se Soomaaliland ay sheegato tu ka daran wixii meel kasta oo kale loo geystay, ayadu na waa arrin jirta oo daymadeeda mudan.  Soomaaliya codkeeda kan labeeya ee weliba dhawaan ka soo yeedhay, waa in laga garaabo waxii dhacay oo sidaa lagu dhammeeyo(ku ma darin halkan magcyo mid iyo laba ah oo afxumo iyo wax la isku sii naco marar, laga maqlo). Waxaa ayadu na ka jirta Soomaaliya aragti la safan Siyaad Barre, wax kasta oo uu Talikiisii falay na beenisa, kolal na ku garsiisa.  Haddii intan oo aragtiyo isdiiddan la isu la tago, oo cabasho iyo garowshiiyo keli ah la isu dhiibo, heshiis dhab ahaan, lagu bogsadaa ma imanayo; waayo waa dembebes iyo eel xusuusta wadareed jiifa oo dabool la saarayo, halkii laga bogsiin lahaa.

Tu ka duwan bay tahay in lagu tallaabsado.  Kolka debedda la soo dhigo waxii dembiyo  meel walba ka dhacay iyo ciddii laga galay, waxaa imanaysa in la isweydiiyo cidda ka masuul ah iyo waxa laga yeelayo.  Haddii la rabo heshiis, arrintani waa budyaalka dhibaatada.  Isdiiddada hadda la ismari la'yahay na waa ayada; sababtu na waa abbaarteeda hagaagsan ee heshiis ka iman karo oo la wada  seeggan yahay.  Tusaale ahaan, Soomaaliland, dawlad iyo dadweyne ba, waxaa ku mudan Koonfur iyo Soomaaliya(isku mid weeyee) oo loo arko cidda dembiyada ka gashay dadka Soomaaliland(ama runtii dad ka mid ah Soomaaliland).  Soomaaliya iyo koonfuri se taas ma qirsana.  Ayada oo aan isdiiddadaas laga gudbin, heshiis ma imanayo.  Runtii badheedhayaashan xagjirka ah ee dhinaca Soomaaliya ka soo jeedaa, way sii durkinayaan dadka Soomaaliland ee cabanaya.  Si loo wada hadli karo oo heshiis u imana karo waa in, gees walba, heerkaas laga yimaaddo oo mushkiladdan laga yeesho mabda' iyo aragti mid ah.

Haddii la kaashado garashada caliga san iyo qiyamta dhaqanka dadnimada wacan ee kitaabka Allena(swt) ina farayo, waxaa si fudud la isku raaci karayaa:

kow: dembiyada aynu ka hadlayno ee ay (gaar ahaan), Soomaaliland ka cabaynayso, ma galin dadka koonfurta Soomaaliya deggan iyo  qabaa'ilka uu dadkaasi ka koobmaa.  Horrayso iyo dambayso ba ma jiro dad, magac degaan iyo qabiil ugu aanooba dembiyada dhacay.  Si-aragga dembiga saaraya degaan iyo qabiil waxa uu ka soo fufayaa wacyigii xilqaadka wadarta qabiilo ee dibudhaca bulsheed ku dhisnaa.  Waa na wax aan sal ku lahayn farriinta qiyamta diinta Islaamka iyo ilbaxnimada aadanaha guud.  Geesta kale na duudsiga aan digiigaxanaynin iyo digashada magac wadareed lehi, ayadu na waa la mid.  Runta la isku raaci karayaa waxa weeye: dembiga  waxaa galay Taliskii Siyaad Barre oo lahaa go'aanka siyaasadeed ee dembiyada la falay.  Waxaa la adeejiyey oo lagu fulinayey ciidankii xoogga dalka iyo hubkii dagaalka ee dawladda.  Gacanta fulinaysay waxa ay ahayd askartii iyo saraakiishii ciidankaas oo dirayskii dawladda lebbisan.  Dembiilahu waa uu muuqdaa oo looma celin karo qabiil iyo gobollo dalka ka mid ah.  Aragtidaas baa ah midda ay daacadi isku raaci karto.

Su'aalaha kale  ee ku saabsan cidda laga galay dembiga, ayada na meel laga wada dhaqaaqi karo ayaa jirta.  Haddii aynu tan na cuskanno caqliga san iyo farriinta kitaabka Alle iyo qiyamta aadaminnimadu isku raacsan tahay, si aad u sahlan baa looga heshiin karayaa.  Kolka hore, dad jiritaan iyo magacyo sugan lahaa baa ku naf waayey; kuwo na jidh iyo maskaxba way ku dhaawacmeen.  Kuwaas baa toos looga galay dembi; waxa ay na lahaayeen ehel ka sokeeya qabiil.  Kuwaas  baa na xunuunku ilaa haddan ku yaal.  Bogsiinta kuwaasi waa lagama-maarmaan ay tahay in la wada qiro .  Waxaa xiga ta guud ahaaneed ee labada dhinac dhextaal.  Ayada na adduunku dembiyada aynu ka hadlayno waxa uu u yaqaan dembi aadaminnada laga galay.  Gaar ahaanteen na waxa aynu odhan karaa(oo ay tahay in aynu nidhaahno) waa dembi islaannimada laga galay.  Marka saddexaad, haddii aynu innagu isu soo noqonno, meel kasta oo aynu kala joogno, iyo qolo kasta oo aynu kala sheeganno, waxa aynu isku raaci karnaa in uu yahay dembi Soomaali ahaan, la inaga wada galay.  Intaas marka la isla meeldhigo, waxaa xigaya dadkii dembiga galay iyo maxaynu ka yeelaynaa?  Haddii caddaalad maxkamadeed loo gudbinayo iyo haddii la cafinayo iyo cidda cafinaysa, intu ba waa arrin heerkan laga wada xaajoon karo.  Mudantidu se markan waa in, innaga oo isku dhan ah, aynu dembiga cidda dhab ahaan, gashay ku gooniyeelno ee aanu qabiil iyo gobol ku milmin.

Intaas ka dib, waxa aynu u imanaynaa wacaalaha keenay qarandunkii ku dhacay dalkii Soomaaliya.  Heerkan waxaa laga dabategayaa xukunxamadii keentay colaadaha iyo wixii ka dhashay.  Weliba cidda wada hadlaysaa ma aha oo keli ah madax dawladeed iyo ergooyin ama guddiyo ay direen. Waxaa muhiim ah bulshada madaniga ee ka koobma aqoonyhanka iyo madaxda ururrada dadweynaha kala duwan oo kulammo kala duwan yeesha. Waxaa na la wada samayn karaa daraasooyin dib loogu noqdo tan iyo lixdankii; debedda na la soo dhigo waxii dhacay ee colaadaha iyo burburka keenay.  Qalloocii tan iyo lixdankii soo yaallay waa taariikh ay tahay in aan la illaabin, waa se in xusuusteeda loo adeejiyo jidka lagu gaadhi karo nabad iyo naruuro nololeed oo mustaqbalka la higsado.

Afti dadka wax la weydiiyo

Markii  intaas oo dhan la isla meeldhigo, ayaa loo tegayaa xaalad laga heshiin karo midnimo iyo in la noqdo laba dawladood oo uu ka dhexeeyo xidhiidh ku dhisan wada noolaasho siman iyo iskaashi.  Halkan na caqliga sami waxa uu ina tusayaa xaqiiqo loo wada qabsoomayo.  Waxa weeye, midnimo, haddii ay tu dhab ah tahay, waa wax wanaagsan; ayada ayaa na doorroon; lagu ma se keeni  karo xabbadda iyo xoogga ay ku hanjabayeen kuwo dhinaca Soomaaliya ka soo hadlay.

Midnimo iyo kal go' ba  waxaa loo celin karaa rabitaanka iyo go'aanka xorta ah ee dadka.  Maalinta wadahadlku heerkan soo gaadho ee ajendadu ku soo ururto midnimo iyo in laba dawladood la noqdo, hubaal Soomaaliya waxa ay shirka la iman doontaa midnimo.  Soomaaliland se, haddii ay rabto madaxbannaani, garteedu waa go'aanka xorta ee dadka Soomaaliland.  Ujeeddadun na  waa afti dadka Soomaaliland la weydiiyo midnimo iyo madaxbannaani ta uu doorbidayo.  Jidka Soomaaliland iyo Soomaaliya ba u bannaan ee ay mushkiladdooda ku xallin karaan na waa asaga.  Afti ay labada dhinac ba go'aankeeda iyo maamulkeeda ku heshiiyeen oo ka wada qaybgalaan, adduunku na kaalintiisa ka qaato, natiijadeeda na loo wada hoggaansamo, ayaa arrinku aakhirka fadhiisanayaa.  Waxaa shardi ah in labada cod ee goosashada iyo midnimadu, si siman, isu abaabuli karaan, oo ay, ololeynta iyo codbixinta na, si siman,  ugu hawlgalaan.  Waxa aan ka hadlayaa labada cod ee Soomaaliland ka tirsan,  midkooda raba goosashada iyo kooda midnimada u taagan ba.   

Malaha Soomaaliland, dad badani, waxa ay odhanayaan arrintan horaa loogu codeeyeey oo dadku madaxbannaanida Soomaaliland ku doorteen. Waxaa keli ah oo dooddaasi cuskanaysaa aftidii dastoorka Soomaaliland oo loo qaatay in ay jidaynayso gooni-isutaagga.  Waxa se runtu tahay oo dantu na ku jirtaa in la ogaado in aan taasi adduunka iyo cid na ba qancinaynin, laba sababood dartood. Ta hore:  Aftidaas waxaa loo codaynayey dastoorka lagu dhisay nidaamka siyaasadeed qarannimada Soomaaliland u goonida ah.  Weliba waa la odhan karaa lallabaha abaabulka iyo ololaha aftidaasi hal dhinac buu ka socday oo codkiisu yeedhayey, waxaa se ka ba hoorreeya ujeeddada aftidu dastoor bay ahayd oo loo ma miiqi karo si kale; ama dheh ujeeddo kale loo ma faruurxidhi karo; adduunka iyo cidna ba na  la ma garwaaqsiin karo.  Runtii taasi waxa ay u ekaanaysaa nin geed cidla' ah kelidii tegey oo kelidii garnaqsaday oo inta uu gartii isa siiyey, ku dooday inuu ka garhelay.  Ta labaad na: waxa sharciga dawliga ah waafaqayaa ee adduunku aqoosan karaa waa afti labada dhinac ee Soomaaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen oo wadajir u qabteen; si xor ah na ololaheeda uga wada qaybgaleen, taasoo uu adduunku na korjooge dhab ah ka noqdo.  Natiijada aftidan ka soo baxda ayaa hashiis dhab ahi ku iman karaa; adduunku na aqoosan karaa; mushkiladdu na ku dhammaan kartaa. Tusaalaheedu waa kii ay ku kala baxeen Itoobiya iyo Ereteriya; waa na isla asagii ay Suudaan iyo Koonfurteedu mushkiladii dhextaalay ku dhammeeyeen.    

Soomaaliland, haddii ay teedu ka dhab tahay, labaa ka luminaya. Midi waa 'goosashadu dood ma gasho' iyo 'in midnimo la soo qaadaa waa dembi ciqaab lagu mutaysto' oo mid ah.  Iyo ta labaad oo ah in ay mar kasta,  Soomaaliya u aragto cadow abada ah.(Waa run  in Soomaaliland ku asaasantay oo negaansheedu ilaa xad isku taagay, colaadda Soomaaliya, hayeeshee taasi noqon mayso tiir adag oo qarannimo dhab ahi weligeed ku taagnaan karto). 

Arrintu labada dhinac, ba waxa ay ka rabtaa miyir iyo maan lagu garowsado oo loogu hawlgalo wadahadallo badan oo iska dabayimaadda, waqti dheer na socda oo tallaabooyin isdabajooga ah lagu xalliyo dhibaatooyinka isbiirsaday ee ka soo biiray waxii tan iyo Lixdannnadii qarnigaii labaatanaad soo yaallay.  Geeddisocoka hawshaas ayey tahay in marka hore, lagu saaro cudurrada badan ee dadka ku dhexjira.  Marka taas lagu guulaysto waxaa iman doonto xaalada, si fudud loo ga wada hadli karo oo laga heshiin karo mushkiladda midnimada iyo goosashada.


W. Q.  Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne
Email: [email protected]   


 
Click here