11/13/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Doorashada soo socota ee Soomaaliya ma noqon kartaa mid qof iyo cod ah?

Qore: Liibaan Nuur (L. Dheere)
Wednesday, September 18, 2019



Soomaaliya, tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxaa dalka soo maray dowlado kala duwan oo u badnaa kuwo ku meel-gaar ah ah, halka dowladdaan iyo dowladdii ka horreysay ay shaaciyeen beesha caalamka in ay Soomaaliya ka baxday xilligii ku meel-gaarka ahaa, walow weli beesha caalamka ay kula dhaqanto Soomaaliya qaabkii Somaliland, Puntland iyo South-Central Somalia ee loo yaqaannay dual track policy, waayo waxaa taasi marag muujin u ah in safiirrada beesha caalmka ka socda ee Soomaaliya loo soo magacaabo ay si isku-mid-ah u booqdaan magaalooyinka Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa, tii oo ay sii dheer tahay in ay deeqaha ay bixiso beesha caalamka lagu saleeyo nidaamkaas. Haddaba, waxaa la is weydiin karaa iyadoo sidaas xaaladda Soomaaliya tahay ma tahay suurtagal in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah?. Si aan jawaab ugu helno su’aashaas waxaan qormadan ku eegi doonaa halka uu marayo geeddi-socodka xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, gaar ahaan marka ay timaado dhaqan-gelinta nidaamka federaalka oo weli Soomaaliya ay la kufaa-kaceyso.

 

Marka hore, waxaa jira caqabado ka imaanaya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda Dhexe, kuwaasi oo aan suurtagal ka dhigeynin in la gaaro doorasho qof iyo cod ah, waxaana caqabadaas ka mid  ah in uusan wanaagsaneyn xiriirka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada. Dadka arrimaha siyaasadda indha-indheeya waxay arrintaas sabab uga dhigayaan dowladda dhexe oo dooneysa in ay wiiqdo awoodda Dowlad Goboleedyada, halka Dowlad Goboleedyada ay iyaguna geed-dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii ay isaga caabin lahaayeen awoodda Dowladda Dhexe ay u isticmaalayso inay ugu taliso, taasi oo ka kooban ciidamo badan oo dibadda iyo dalka gudahiisa loogu soo tababaray,  dhaqaale ay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ka hesho, kuwaasi oo ay u isticmaasho kala furfurka Dowlad Goboleedyada oo qaarkood ay ka taqallustay, kuwo kalena ay weli dagaalka adag kula jirto. Kuwa ay ka adkaatay waxaa ka mid ah Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug oo hadda meel gabagabo ah u maraya ka-faraxalashiisa, halka madaxda Puntland iyo Jubbaland ay iska caabiyeen.

 

Dad badan ayaa rumeysan in Dowladda uu waqti iyo dhaqaale badan kaga baxay la-dagaalanka Dowlad Goboleedyada ka da’da weyn, waxayna dadkaas ku doodayaan in Dowladda ay arrintaas beddelkeed kaga wanaagsaneyd in ay ka shaqeyso sugidda amniga dalka oo dhan, gaar ahaan kan caasimadda Muqdisho oo gaaray heer  ay maalin kaliya ku dhintaan boqolaal ruux iyo in ugu dambeyntii qarax lagu dilo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, ahna Duqii caasimadda Magaalada Muqdisho, Allaha u naxariistee Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo mas’uuliyiin kale oo kale  oo  tirsanaa maamulkiisa. Sidoo kale waxaa habbooneyd ayay leeyihiin dadka dooddani qaba in ay wanaagsaneyd in Dowladda ay meel-mariso sharciga maqaamka Muqdisho oo isagoo labo sadar ah yaalla baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasi oo haddii la meel-marin lahaa keeni lahayd in Muqdisho ay yeelato maamul ay dadka deegaanka soo doortaan oo haddii ay dhabowdo u gudbi karta in Dowlad Goboleedyada ay iyaguna  yeeshaan maamul ay dadka deegaanka soo doorteen, si looga baxo in Maamulka Gobolka Banaadir ay  Dowladda Dhexe wareegto ku soo magacawdo, halka Dowlad Goboleedyadana ay iyaguna leeyihiin tallaabo-qaadka Dowladda Dhexe oo madaxdeedu leeyihiin dhaqanka ah qofkii aan jeclaado wixii uu doono ha ahaado lagama mari karo dhinaciisa, mid aanan jecleyn-na la ima soo marsiin karo, taasi oo hareer-marsan nidaamka qaab-qeybsiga qabaliga ah ee lagu soo xulo labada aqal ee Dowladda Dhexe udub dhexaadka u ah.

 

Marka labaad waxaa muuqaneysa in waqtiga ka hartay doorashada soo socota uu aad u yar yahay, isla markaana aysan suurtagal noqoneynin in dalka ay ka dhacdo doorashooyin dadka shacabka ah ay soo doortaan xildhibaannadooda. Waxaa kale oo aan laga gaarsiin karin in la dhaqangeliyo habka xisbiyada badan, waxaana hadda diiwaangashan xisbiyo badan oo badankood ay aas-aaseen dad shaqsiyaad ah (One man, One party), taasi oo dhadhantiraysa in ay xisbiyo macno leh ay tartamaan haddii heerkaas loo gudbo. Caqabad kale ayaa ah in aan weli laga adkaan maleeshiyooyinka Al-Shabaab oo iyaguna laf dhuungashay ku ah in dadka iyagoo xor ah ay doorasho ka qayb-galaan. Sidoo kale ciidamo tiro badan oo Dowladdaan iyo dowladihii ka horreeyay ay soo tababareen ayaan wada gaari karin dalka oo dhan, waxaana taasi ugu wacan in awoodda Dowladda Dhexe ee ah in ay dalkoo dhan ka taliso aysan weli dhammeystirneyn; tusaale yar madaxda dowladda haddii ay doonayaan in ay booqdaan degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo aan Muqdisho ka dheereyn, waxay isticmaalaan diyaarado, waxaana meeshaas ka cad in aysan meelahaas gaari karin iyagoo isticmaalaya gaadiid dhulka mara.

 

Waxaa jira dad badan oo dhaliili kara qormadeyda, kuwaasi oo aaminsan in Dowladda Dhexe ay ka takhalusi karto awoodda Dowlad Goboleedyada, waqtiga kooban ee u harsanna ay dalka uga hirgelin karto nidaam doorasho oo ka duwan midkii muddada dheer Soomaaliya ka dhacayey, kaasi oo xildhibaannada Baarlamaanka  ay soo xulayeen oday dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed, walow beelaha qaarkood aysan lahayn oday dhaqameed  ay beeshu isku raacsan tahay. Laakin aniga waxaan aaminsanahay in arrintaas ay tahay faanoole weli fari kama qodba, doorashada dhici doontana ay noqon doonto uun middii aan naqaannay ee odayaashu soo xulayeen xildhibaannada Aqallada Sare iyo Hoose ee soo socda, waayo waxa diidaya duruufaha aan kor ku soo sheegay.

 

Wey dhici kartaa in Madaxda Dowladda Dhexe ee hadda joogta uu hunguri ka galo in ay muddo kororsi sameysta is yiraahdaan, waayo waxaan meesha laga saari karin beesha caalamka oo ay indhaha ku haysa xilliga doorashada soo socota, waxaana xusid mudan in beesha caalamka ay taageero dhaqaale siiyaan  Dowladda Soomaaliya iyo weliba ciidamada Midowga Afrika ee gacanta siiya Dowladda. Sidaas darted, suurtagal ma noqon karto in ay beesha caalamka iska eegtaan in madaxda haatan joogta ay ku fekeraan muddo kororsi, waase suurtagal in dhowr bilood doorashadu dib u dhacdo arrimo farsamo aawadood.


Qalinkii: Liibaan Daahir (Dheere)

[email protected]



 
Click here