4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Waa kuwama lixda shaqsi ee ugu cadcad Musharaxiinta Puntland

Farah Aw-Osman 
Wednesday, January 2, 2019

Faarax Cali Shire:  Faarax waa shaqsi siyaasadda Puntland ku soo biiray xiligii uu wasiirka Maaliyada u ahaa dowlada Faroole.  Maaha shaqsi eedo badan laga tirsanayo , marka laga reebo inuu Waasiir maaliyad u ahaa dowlad corrupted ah, hadana markaad eegto wixii doonaba hala fara fareeyee wax qabadkii dowladii Faroole sida dhisida haykalka dowladiga ah ee Puntland, siinta Musharahaarka Ciidamada , dhismayaasha wasaaradaha iyo Madaxtooyada Puntland, martigelintii shararkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 iwm..  waxaa taasi tusaale ka tahay xakamayn dhaqaale iyo ilaalin hanti ee wasaarada maaliyada, waana mid uu Faarax ku faani karo.  Walow uu Faarax haysto taageerada dhamaan kuraasta beeshiisa hoose, hadana waxaa caqabad weyn ku noqonaysa siduu uu taageero uga heli lahaa beelaha kale maadaama ay musharaxiin badan saaxada ku jiraan.  Caqabada ugu weyn oo Faarax ku dhici doontana waa taageerada weyn ee kooxdii Aaran Jaan siiyeen Saciid Dani rabaana inuu xilka ku guulaysto.

Ing. Mohamud “Jebiye”:   waa shaqsi dhowrsan, hufan, dadaal badan iyo karti wax qabad iyo ganacsi oo shaqsi ahna hore u soo sameeyay, aysan ka muuqan baahi uu u qabo dhicista Xoolaha danyarta, hase ahaatee waxaa ku yar khibrada dowladeed, wadanka oo uu mudo ka maqnaa iyo isagoo aad moodid inuusan fahamsanayn qaabka doorasho iyo hanaanka siyaasadeed ee Puntland ka jira adigoo arkaya lacago badan oo uu isaga khasaarinayo meelo aan laaqi ku ahayn waxna ka tari karin inuu ku guulaysto kursiga Madaxtinimo.  Musharaxaan waxaa dhib weyn iyo cod badan oo uu filayayba ku weyn doonaa beesha uu ka dhashay oo dad badan ay ka sharaxan yihiin sidaasna codka uu ka heli karo ku wiiqmayo, iyo beesha uu xididka la yahay ee Reer Garoowe oo iyagana dhowr qof ka sharaxan yihiin sida Gen. Siciid Dheere iyo Juxa etc…  

Cali Xaaji Warsame: 
Waa shaqsi diin, dabeecad iyo aqoonba leh, dalka gudihiisa ka soo shaqeeyay madaxna u soo ahaa shariikado badan oo ganacsi, aad moodidna inuu xiriir fiican ka haysto culimadda iyo ganacstada dalka.  Sidoo kale wuxuu ahaa shaqsigii kaalinta sadexaad ka galay doorashadii hore ee Puntland wallow uu isaga ahaa shaqsigii la filayay inuu doorashadaasi kuulaysto.  Wuu ka mid yahay dadka aad loo hadal hayo, in kastoo imaanshaha Dr. Cali Ciise ay dhaawac weyn u gaysanayso Cali Xaaji maadaama beesha reer Sool oo reer abti u ah Cali Xaaji uuna ka filayay taageero aan la garan karin inta cod ee uga weecan doonta dhinaca Dr. Cali Ciise, gaar ahaan hadii beesha reer Sool ku midoobaan taageerada iyo u codaynta Dr. Cali Ciise.  Sidoo kale beesha uu ka dhashay ee Reer Mudug ayaad moodaa raga u metelaya Baarlamaanku inay u badan yihiin ragii uu wetay Madaxweyne Gaas, taasina ay wiiqi doonto fursadaha Cali Xaaji gaar ahan wareega koowaad, lagase yaabee hadii Gaas wareega koowaad looga awood roonaado in codkaasi u weecan doono Cali Xaaji. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inuu taageero ka helo reer Bari iyo qaar reer Nugaaleedka ah.

Siciid Dani:  Waa shaqsi marka laga reebo dadka reer Bariga ah mooyee reer Puntland intooda kale aysan aqoon badan u lahayn, hase ahaatee waxaa saaxada siyaadada lagu arkay berigii uu Dowlada Federalka iyo kooxdii Damu Jadiid wasiirka u noqday, isagoo lagu xaman jiran inuu kooxdaasi gacan saar hoose la lahaa welina la leeyahay.  Hase ahaatee waa shaqsi dadka kaga yaabsaday hadib markii uu cod dhowr iyo toban ah ka helay doorashadii Madaxweynaha Federaalka, sidaa awgeed waxaad moodaa inuu yahay nin ama xiriiro hoose haysta ama ku fiican campaign ka.  Waxaa intaa sii dheer in ay hada wataan ama campaign kiisa hor boodayaan kooxdii Aaran Jaan.   Caqabadaha ka hor iman kara waxaa ka mid ah in beesha uu ka dhashay maadaama rag badani ka sharaxan yihiin uusan cod weyn ka helin, sidoo kale Aaran jaan oo aan dad badani ku farxan inay dib ugu soo noqdaan saaxada siyaasada, wallow rag Aaran Jaan iyo Dowladii Faroole ka tirsanaaba ay xubnaha Baarlamaanka cusub ka dhex muuqdaan doonayaana inay Ra’iisal Baarlamaan ka Dhibtaan Xildhibaan Dhoobo oo saaxada siyaadadeed ku soo galay taageerada uu ka haystay Aaran Jaan xididna la noqday Maxamuud Shido oo ah spiritual and financier ka Aaran jaan. 

Dr. Cabdiweli Gaas:  Dr. Gaas waa shaqsi siyaadada Soomaaliya ku soo biiray kadib markii Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo saaxiibna ay ahaayeen Tuulo Buffalo la yiraahdo oo Maraykankan ku taalna daris ku ahaayeen uu u magacaabay Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.  Kadib wuxuu noqday Ra’iisal Wasaare shaqsigii shaqada siiyay xilka kala wareegay.  Wuxuu u tartamay Madaxweynenimo wallow uusan ku guulaysay.  Ugu danbayn wuxuu isku sharaxay Madaxweynenimada Puntland isagoo campaign slogan kiisu ahaa isbedel, odhaahdaas oo noqotay mid ka turjuntay dareenkii shacabka una saamaxday inu hal cod kaga adkaado madaxweyne Faroole.   Hadaba waxaa isweydiin mudan waxa laga dhaxlay ama lagu xusuusan doono Madaxweyne Gaas! 

Madaxweyne Gaas oo marar badan ku soo celceliyay inuusan dib isku soo sharaxayn ayaa la filan waa ay ku noqotay kadib markuu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa.   Madaxweyne Gaas wuxuu isku dayay ilaa xadna ku guulaystay inuu baarlamaanka cusub ku soo daro wiilashiisii madaxtooyada uga shaqaynayay isagoo aad moodid tiro dhowr iyo toban ah oo uu filayay sideed ka mid ahi inay ku soo biireen baarlamaanka cusub kuwaas oo ka kala yimid Mudug, Sanaag iyo Bari.  

Caqabadaha ugu waaweyn oo horyaala Dr. Gaas waa:

1.     Iyadoo musharaxiinta la tartamaysaa ku midaysan yihiin sidii uusan u soo noqon lahay

2.     Isagoo aan tiro ku filan inuu xilka ku soo noqdo aan haysan (waa hadii uusan jeebka furine oo faaruqine)

3.     Musharaxnimada Dr. Cali Ciise oo caqabad ku noqotay maadaama uu filayay inuu dhaqaale u isticmaalo helista codka reer Sool

4.     Iyo ugu danbays isagoo og in shacabka reer Puntland aysan rabin inuu soo noqdo taasoo aad ka garan karto wixii kaga dhacay Barxada Garoowe iyo Hadalka aan gabashada lahayn ee Faroole uu farta waaweyn wax ugu qoraye.

Dr. Cali Ciise:  Dr. Cali Ciise imaanshihiisa Puntland iyo musharaxnimadiisa xilka Madaxweyne waxay afariir iyo dhabanahays ku noqotay dhamaan Musharaxiintii ordaysay oo u badnaa hal beel.  Naanayta loo baxshayna ay tahay “Bash Jug cirka ka soo dhacday”.   Sidoo kale waxay filan waa ku noqotay ragii ka dulaali jiray doorashooyinka iyo bulsha weynta Puntland intaba. 

Dr. Cali muu ahayn nin saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya laga yaqaan, wallow dadka aqoonyahanka ahi yaqaaneen maadaama uu ahaa shaqsi Soomaaliyeed oo urruro badan oo caalami ah mansabyo kala duwan oo lagu faani karo ka soo qabtay.   Markii ugu horaysay ee saaxada siyaadada lagu arko waxay ahayd berigii Shirka Taleex ee lagu unkay Maamulkii Khaatumo.  Walow deeganka shirku ka dhacay ay ahayd goobta jifadda hoose ee Dr. Cali degto, shirkana uu oday dadka kulmiyay martina loo ahaa noqday, hadana kamuu midnoqon xilna kamuu qaban maamulkaasi.  Waxaa dada badani qireen inuu Dr. Cali yahay nin afkaagaban, aqoon badan, karti maamul iyo maarayna leh, wallow bay leeyihiin Dr. Cali Khaliif siyaasadihiisii guracnaa ee cadaawadii reer Puntland ee uu muujiyay ay Dr. Cali Ciise sumcadiisii dhaawacday maadaama uusan si public ah barii uga noqon waxa Dr. Cali Khaliif ku hadli jiray.  

Isku soo duuboo maadaama Khaatumo burburtay, Isimadii reer Sool siday u dhamaayeen Garoowe joogaan, Madaxdii Khaatumo marka Dr. Cali Khaliif laga reebo mooyee dhamaana Garoowe manta ku sugan yihiin dadku may qariibsan imaanshaha Dr. Cali Ciise ee Garoowe.   Dr. Cali inuu guulaysto iyo inuusan xilka helina waxay ku xiran tahay hadba go’aanka ka soo baxa Shirka Buuro-Wadal ay ku yeelan doonaan,  isimmada, musharaxiinta iyo xubnaha cusub ee Baarlmaanka.  Hadii ay isku raacaan inay Dr. Cali wada taageeraan, musharaxiinta xilka Madaxweyne ku xigeena u tanaasulaan, waxaa hubaal ay intaasi gaarsiin doonto una saamixi doonta in Dr. Cali Ciise noqdo madaxweynaha Cusub ee Puntland January 8, 2019. 


Farah Aw-Osman 
[email protected]

 





Click here