4/23/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Waxaa la soo gaaray waqtigii shacabku guran lahaayeen miraha Sharciga Isgaarsiinta

W. Q. Eng Cabdi Cashur Xasan*
Sunday, February 3, 2019

 

 

Labo sano ku dhowaad ayaa laga joogaa markii xukuumad iyo wasaarad ahaanba aan xilka la wareegnay, sidoo kale sanad iyo bar ayaa laga joogaa markii uu Madaxweynuhu saxiixay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka. Marka la eego waqtiga dheer ee sharcigan la sugayay in la ansixiyo waxaan dareemayaa in shacabku dhararayaan waqtiga ay guran doonaan mirahii sharcigan ka dhashay.

 

Inkastoo dadka badankiis la socdaan in kheyraadka dalkeena ay yihiin xoolaha, beeraha, iyo badda, haddana kheyraadka hawada isgaarsiinta (spectrum) kama ahmiyad yara kuwaas hore, weliba haddii aan aragti furfuran la nimaadno waxaan gaari karnaa in aan abuurno dhaqaale ku dhisan aqoon iyo macluumaad (information & knowledge economy) oo aan uga qeyb gali karnaa horumarka baaxadda leh ee sida xowliga ah ku socda ee  adduunku ka samayeeyey dhinaca tiknolojiyadda iyo Isgaarsiinta.

 

Hase yeeshee, inta aynan u gudo-galin hawlaha aynu qabanay iyo kuwa qorsheysan, waxaa habboon inaan idinla wadaago sida ay ahayd xaaladda isgaarsiinta dalka iyo kaalinta ay dawladdu ku lahayd markii aan xilka la wareegeynay, inagoo mar walba ka eegeyna saddexda xagal ee kala ah: shacabka, shirkadaha iyo dawladda.

 

XAALADDA JIRTAY

Duruufo adag ayaa ka jiray suuqa isgaarsiinta dalka, kuwaas oo caqabad ku ahaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso ee seddexda xagalba oo aan si kooban u guud-marayno:

 

Shirkadaha: Shirkaduhu ma haysanin nidaam kala ilaaliya hirarka iyo lambarrada ay isticmaalaan, marka laga reebo inay dhexdooda ka heshiiyaan sida ay u qeybsanayaan hirarka. Maadaama shirkaduhu sameysmeen iyada oo uusan sharci jirin, shirkad weliba waxay ku khasbaneyd inay iyadu cabbirato hirka, lambarrada iyo qaabka ay u shaqeynayso, haddii lagu soo xad-gudbana inay waanwaan ka gasho. Maqnaanshaha nidaamka iyo sharciga ayaa waxa uu caqabad ku noqdey horumarinta adeegyada iyo tartan nadiif ah oo ka hirgela suuqa  isgaarsiinta dalka.

 

Shacabka: Shacabku waxay ku khasbanaadeen inay sitaan 2 ama 3 taleefoonka gacanta maadaama aysan shirkadaha badankood isku xirneyn dhinaca hadalka isku diridda lacagaha taleefoonka, ma jirin wax heshiis isticmaal oo ka dhexeeya shirkadaha iyo macaamiishooda taas oo nugleysay ilaalinta xuquuda macaamiisha. Sidoo kale ma jirin cid ilaalisa bedqabka dadweynaha, iyadoo la kontoroolayo qalabka la soo dajinayo, goobaha laga surayo anteenooyinka iyo awoodda shucaaca ay sii deynayaan.

 

Dawladda: Tan iyo 2005tii waxaa lagu guuleysan waayey in la ansixiyo sharci kala haga isgaarsiinta dalka , sidoo kale waxa aanan jirin wax xog ah oo wasaaraddu ka haysay shirkadaha isgaarsiinta dalka. Ilaa tobaneeyo shirkadood ayaa sheegatay inay haystaan diiwaangelin, hirar iyo lambarro, iyadoo Wasaaradda aysan oolin xitaa hal nuqul oo rasmi ah oo shirkadahaas laga reebay, dhinaca kale dakhliga dawladda ka soo gali jiray shirkadaha wuxuu ahaa mid aad u yar oo aan ku saleysneyn halbeeg la isla ogyahay.

 

GOGOL-XAAR

Haddaba, markii aan la kulanay caqabadahan iyo kuwo kale oo ka badan, balse u badnaa duruufo la xallin karay, waxaan goosanay inaan xoogga saarno tallaabooyin gogol-xaar u noqon kara yoolka ugu dambeeya ee aan leenahay, waayo haddii aan ka billowno xal degdeg ah (quick fix) oo aan niraahno shirkadaha ha isa soo diiwaangeliyaan, lacagtaasna ha bixiyaan, ama degdeg ha iskugu xirmaan ma jireyso faa’iido mustaqbalka fog ay shacabku ka heli doonaan. Haddaba, waxaan hawlaheena u kala horreysiinay sidan:  

 

1. Sharciga Isgaarsiinta: Haddii uusan jirin Sharci iyo nidaam kala haga waajibaadka iyo xuquuqaha, ma jirto hab loo hirgelin karo tallaaboyin lagu nidaaminayo suuqa isgaarsiinta, hannaan lagu hargelin karo daryeelka xuquuqda isticmaalayaasha adeegyada shirkaddaha iyo jaangoynta dakhliga looga baahan yahay in laga qaado shirkad weliba. Waxaan beddelnay qaabkii loo mari jiray ansixinta sharciga, inagoo xoogga saarnay in la soo koobo qodobada la isku maandhaafsanaa, kadibna wada-xaajood ka galnay, iyadoo sharciga la ansixiyay iyadoo lagu wada qanacsan yahay dawlad ahaan iyo shirkadahaba.

 

2. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka: Sharciga Isgaarsiintu waxa uu u baahan yahay hay’ad fulisa oo nidaam ahaan u dhisan (institution). Dhammaan dalalka ay ka shaqeeyaan isgaarsiin gaar loo leeyahay waxay leeyihiin hay’ado noocan oo kale ah.

 

Nasiib wanaag dalkeenu maanta wuxa uu leeyahay sharci isgaarsiin iyo  hay’ad isgaarsiineed oo suuqa inoo nidaamisa. Haddaba waxaan markan aan u soo jeesaneynaa in, iyadoo sharciga la raacayo, shirkadaha ka ganacsada suuqan oo isugu jira isgaarsiin iyo internet, ay bixiyaan xuquuqda ay dawladdu iyo shacabku ugu leeyihiin kheyraadka hawada ee ay adeegsadaan, iyadoo dowladdu ay diyaar u tahay in ay ka caawiso dhinaca horumarinta iyo nidaaminta, kala-xadeynta adeegyada, bixinta rukhsadaha iyo diyaarinta xeer-nidaamiyayaashii ay ku howlgeli lahaayeen ama ku soo jiidan lahaayeen maalgelin iyo taageero farsamo.

 

Labadii sano ee la soo dhaafay waxa aan ku howlaneyn dhismaha aasaaskii sharciyeed ee hawlahan lagu qaban lahaa, iyadoo shirkaduhuna ay sii wadeen inay si duuduub ah u bixiyaan canshuuraha. Waxaase xusid mudan, oo aan uga mahadcelinayaa shirkadaha, in dakhligii ay dawladdu ka heli jirtay shirkadaha uu kordhay 3 jibbaar sanadihii 2017-2018, marka la barbardhigo sanadkii 2016 iyo wixii ka horreeyay taas oo ku timid wadahadal iyo garowshiyo labada dhinacba ah, taasi oo qeyb weyn ka qaadatay in Wasaaraddeena maaliyaddu ku guuleysato bartilmaameedyadii ay ku heshiiyeen IMF.

 

Mar haddii la dhisay aasaaskii waxaa la soo gaaray waqtigii shacabka Soomaaliyeed guran lahaayeen mirihii ka dhashay sharciga. Waxaana ugu soo horreyn doona oo aad inagula xisaabtami doontaan haddii Eebbe idmo:

 

1.     In shirkaduhu isku xirmaan (interconnection) maadaama ay tahay arrin waajib ah sida uu dhigayo sharciga isgaarsiinta. Waxaa shirkadaha waqti loo siinayaa inay ka heshiiyaan qiimaha iyo adeegyada iyo habka isku-xiranka, iyadoo haddii ay heshiin waayaan ay soo dhex geli doonto dawladda si waafaqsan Xeerka Isgaarsiinta dalka.

2.     Dawladda Soomaaliyeed waxay qorsheyneysaa inay aad sare ugu qaado dakhliga ka soo gala adeegyada isgaarsiinta iyo teknolojiyada

3.     In la helo daryeel sugan oo ay helaan macaamiisha iyo isticmaalayaasha adeegyada isgaarsiinta dalka iyo hannaan lagu xalliyo cabashooyinka macaamiisha.

 

NOOCYADA CANSHUURAHA IYO KHIDMOOYINKA

Sidaan hore u soo sheegnay shirkadaha isgaarsiintu waxay bixin jireen lacag duuduub ah oo aan caddaalad u ahayn dawladda, shacabka iyo shirkadahaba maadaama aysan ku dhisneyn halbeeg la wada ogyahay.  

 

Noocyada Canshuuraha iyo khidmadaha caadiyan la qaado:

 

·       Rukhsadda lagu shaqeeyo (License to operate) oo billowga ah. Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta waxaa laga doonayaa inay qaataan rukhsad maadaama wixii hadda ka horreeyay uusan jirin sharci. Rukhsadda ay qaadanayaan shirkadihii hore u jiray waxay aad uga jabnaan doontaa midda ay bixin doonaan shirkadaha cusub, sida uu dhigayo Sharciga Isgaarsiinta.

·       Rukhsad Sanadle ah (annual license fee)

·       Khidmadda Isticmaalka Hirarka (spectrum fees)

·       Khidmadda Isticmaalka Lambarka (Numbering fees) oo laga bixinayo lambar kasta oo taleefoon.

·       Khidmadda la saaro lacagaha taleefoonnada la isugu gudbiyo (mobile money)

·       Canshuurta la saaro hadalka (VAT)

·       Qaaraanka Sanduuqa Baahinta Isgaarsiinta (Universal Service Fees) oo ah khidmad shirkadaha laga qaado si adeegga isgaarsiinta iyo internetka loogu horumariyo

·       Khidmadda Keenista Qalabka (Type Approval fees)

·       Khidmadaha la saaro wicitaannada caalamiga ah ee dalka soo gala (Incoming international traffic fees)

·       Khidmadaha horumarinta iyo cilmi-baarisyada qeybaha isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda (Fees for R&D)

 

Khidmadahan iyo canshuuraha oo nagala dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda hal mar ma wada billaaban doonaan ee waxaa loo kala hormarin doonaa sida ay u kala muhiimsan yihiin ee suurtogalka ah, iyadoo loo sameynayo nidaam daah-furan oo lacagaha loogu shubayo Khasnadda Dawladda ee Bankiga Dhexe oo waafaqsan qorshaha hal khasnad ee xukuumadda iyo nidaamka canshuuraha dalka. Balse waxaa lama huraan ah in ay hirgelaan dhammaan noocyada kala duwan ee canshuurahani ka hor dhammaadka sannadkan 2019, loona diyaariyo hab-raacyadii iyo ansixinnada lagama-maarmaanka ah ee ay u baahan yihiin.

 

WADAR FAA’IIDO

Qorshaha noocan ah oo Wasaaraddu la wadaagtay xafiisyada ugu sarreeya dalka, isla markaana u soo bandhigtay shirkadaha tan iyo bishii Agoosto 2018, waxaa looga gol leeyahay inuu noqdo wax ay ka wada  faa’iidaan seddexda xagalba (win-win).

 

Shirkadaha: waxa ay bixin doonaan xuquuqda uu dalku ku leeyahay maadaama ay adeegsanayaan kheyraadka hawada oo uu Soomaali kasta wax ku leeyahay. Waxaa xusid mudan in shirkaduhu ka faa’iidayaan nidaamka cusub maadaama ay heli doonaan dakhli aan haddaba soo galin, iyo addeeg kale oo sare u qaadi doona tayada adeegyada ay bixiyaan, shirkaduhu marka ay bixiyaan xuquuqdooda waxa ay helayaan dammaanad-qaad la xiriira rukhsaddaha iyo hirarka ay isticmaalaan, taas oo qiimaha shirkadahooda wax weyn ku kordhin doonta.

 

Dawladda: Dakhliga Dawladda ka soo gala isgaarsiinta waxa uu qeyb weyn ka noqon doonaa miisaaniyadda dawladda, iyada oo qeybo badan oo dakhligaas ahna ummadda loogu beddelayo waxbarasho, caafimaad, jidad iyo baahinta isgaarsiinta iyo internetka si ay u kabaan dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale la marsiin doonaa nidaamka lagu qeybsado kheyraadka si dawlad-goboleedyaduna uga helaan xuquuqda ay arrintaan ku leeyihiin, iyadoo arrintaasi ay Wasaaraddu uga dambeyn doonto hay’adaha shaqada ku leh.

 

Shacabka: Shacabku waxay helayaan isgaarsiin isku furan oo ay ku kala dooran karaan adeegyadooda, waxayna helayaan daryeel sugan oo la xiriira xuquuqdooda isticmaal. Waxa ayna sidoo kale helayaan in canshuurta iyo khidmado ku filan laga soo xareeyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada, iyada oo qeybo badan oo dakhligaas ka mid ahna dib loogu celinayo isla isgaarsiinta si loo dhiso kaabayaasha oo faa’iidadeeda u dareemi karo muwaadin kasta.

 

Waxaan ku faraxsanahay in sanadkan la soo gaaray waqtigii laga wada faa’iideysan lahaa mirihii ka dhashay sharciga isgaarsiinta. Faa’iidooyinkaas aan soo sheegnay ee dhinac kasta ka faa’iidayo waxaa la gaari karaa marka laga wada shaqeeyo horumarka dalkan.

 

Ugu dambeyntii, Waxa aan u macadcelinayaa dhammaan madaxda sare ee qaranka, labada aqal ee baarlamaanka, Golaha Wasiirrada, guud ahaan howl-wadeennada Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada iyo dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo wada-shaqeyntooda kooxeed la’aanteed aysan inoo suurto-geli lahayn in aan hirgelino howshan. Dhammaanteen waxaan qeyb ka noqon doonaa taariikhda habeynta iyo horumarinta isgaarsiinta dalka.


Eng Cabdi Cashur Xasan waa wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Soomaaliya. Wuxuu shahaadada 1aad ka qaatay Jaamacadda Ummadda, halka shahaadada 2aad uu ka qaatay Kulliyadda Sayniska & Teknolojiyada ee Jaamacadda Manchester (UK), 1988.

 
Click here