9/22/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Ads By Google
Khayr wax kaama dhimee shar u toog hay: Dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya

Dr. Abukar Y. Warsame
Wednesday, August 7, 2019   


Afeef: Waxaan ka cudur daaranayaa in macluumaadka iyo aqoonta aan idin la wadaagayaa ay ku kooban tahay oo keliya dadaalkeyga ka aqoon yahan ahaan oo aysn ku salaysneyn aqoon iyo takhasus aan u leeyahay sharciga iyo cimliga badaha toona. Qoraalka dhererkiisa waa mid aan ka fursan waayey!

Waxaan horey idiinla wadaagay qoraallo ku saabsan dacwada iyo doodda ka taagan xuduudda baddeenna iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay (fiiri mareegaha Hiiraan Online iyo SomaliTalk). Ujeeddada qoraalladaas hore iyo midkan aad hadda akhrineysaba waa in aan qeybta iiga aaddan ka geysto sida ugu sahlan ee qof kasta oo Soomaaliyeed ku fahmi karo:

·       Arrimaha la xiriira dacwada baddda iyo badbaadinteedaba.

·       Natiijada ama go’aanka dacwada dhul badeedka Kenya nagu haysato sida uu noqon karo.

·       Saameynta haddalada iyo buuqa ay Kenya warbaahinta la taagan tahay muddooyinkii u dambeeyey.

·       Saameynta go’aannaddii ay maxkamaddani (ICJ) horey uga gaartay dacwooyin la mid ah tan annaga iyo Kenya naga dhexeysa.

Si kooban haddaan u dul-maro murankaan baddeenna siduu ku bilowday, waxaa hubaal ah in damaca Kenya ee baddeenna uusan ahayn mid waqti dhow soo bilowday oo ilaa maalintii ay saxiixeen ka mid noqoshada maxkamaddan ICJ ay ku hammineysey in fikirkaan ah ku-qabso-ku qadi-meysid ay maalin uun la soo bixi doonto. Kenya markii ay saxiixday 1965 heshiiskii ka mid noqoshada maxkamaddan caalaamiga ah waxay raacisay shuruud ah in haddii la helo hab ama waddo kale oo lagu xallin karo muranka dhex-mara Kenya iyo dawlad kale aysan maxkamaddani soo geli karin murankaas ama dacwadaas. Dawladdii Soomaaliya waxay saxiixday 1963 isla heshiiskaas ka mid noqoshada iyada oo aan wax shuruud ah ku xirin.

Ads By Google
Dawladda Kenya waxay fursaddii boobka badda Soomaaliyeed ee ay ku hammineysey u soo gacan gashay markii dawladdii dhexe bur-burtay.  Sida ku cad warysi uu bixiyey allaha ha u naxariistee madaxweyne C/Lahi Yusuf oo ka madax ahaa dawladdii ku-meel-gaarka aheyd ee Kenya lagu soo dhisay waxay dawladda Kenya isku dayday inay kala hadasho xuduudda badda taasoo uu ku gacan sayrey. Nasiib xumo Kenya waxay ku guuleystay in dawladdii ku meel-gaarka aheyd ee madaweyne Sh. Shariif ay la gasho heshiis is-af-garad bilowgii 2009. Ilaahey mahaddiis Kenya uma suurto-gelin iney isticmaasho heshiiskaas isafgaradkaa ahaa ee sida aan ka fiirsashada iyo feejignaanta lahayn uu u saxiixay C/Raxman C/Shakuur 2009. Waan u soo noqonayaa khatarta ka imaan karta heshiiskaas is-afgaradka balse waxaa cad in uu Kenya u yahay mid ka mid ah hubka ay ku dagaal tegeyso wareegga labaad ee dacwada ee September 2019.

Cabbirka xuduud badeedkeennu wuxuu ku salaysan yahay qodobka 15 ee xeerka badaha adduunka (UNCLOS) ee qeexaya sida xariiqa dhextaalka ”equidistance line” loogu kala saaro marka muran badeed uu dhex maro laba dawladood oo bad iska soo horjeedda ama is-dhinac taal wadaaga. Qodobkaas oo ku qoran luqadda ingiriiska ayaa hoos ku qoran balse waxaan far-culus (bold) ka dhigay dhawr erey oo wax ka iftiiminaya sida ay dawladda Kenya u wajaheyso dacwadda dhawaan ka furmeysa maxkamadda ICJ horteeda. Kalsoonida aan ku qabnno in aan Kenya haddii alla idmo kaga guuleysanneynno dacwada waxaa aasaas uh qaabka dacwooyinka noocan ah oo aan ugub ahayn oo dawlado kale ay horey maxakamaddu ugu xukmisay iyada oo raaceyso cabbirkan noocaas ah.

Article 15 provides: “Where the coasts of two States are opposite or adjacent to each other, neither of the two States is entitled, failing agreement between them to the contrary, to extend its territorial sea beyond the median line every point of which is equidistant from the nearest points on the baselines from which the breadth of the territorial seas of each of the two States is measured. The above provision does not apply, however, where it is necessary by reason of historic title or other special circumstances to delimit the territorial seas of the two States in a way which is at variance therewith.”

Waxaa muhiim ah in aan ogaanno inay dhici karto saddexdan xaaladood midkood:

1.    In maxakamadda dacwada qaadeysa ee ICJ ay nagu raacdo sida aan ku doodeynno oo ah xariiq toosan oo xuduudda dhulka ka soo unkamaya oo noqonaya xariiqa loo yaqaan xariiq dhextaal (equidistance) oo ah mid dacwado noocan oo kale ah horey loogu kala saaray.

2.    In maxkamaddu ay ku raacdo qaabka ay Kenya wax u cabbiratay ama u rabto in loo cabbiro.

3.    In maxkamaddu iyadoo cuskaneysa farsamooyinka aan hoos ku sharxi doono ay xukunka dhinaceenna u badiso balse Kenyana aan faro marnaan la dirin oo si uun loo qanciyo.

 

Akhristow cinwaanka qoraalkeyga ”Khayr wax kaama dhimee shar u toog hay”  wuxuu ku saleysan yahay xaaladda saddexaad oo aan is leeyahay waa midda ay dawladd Kenya is leedahay waa natiijada kuugu dhaw mar haddiiba ay adag tahay in sida aad xariiqa u cabbiratay ay maxkamaddu kugu raacdo. Waxaan dareensan ahay in mar haddii isku-daygii ay horey isugu dayeen in wada-hadal lagu dhameeyo dacwadan ay ku guul-darraysteen ay tallaabada u furan ay tahay in ay isticmaalaan doodda ku salaysan ”cid horey noogu qabsatay ma jirin markaan sheegannay” oo ah historic title iyo xaalad gaar ahaaneed ”special circumstances” sida xagga nabadgelyada, dhaqaalaha iyo maalgelinta, go’doon xagga badda ah, iyo saameyn xuduudaha badaha waddamada deriska la ah.

 

Waxaa muuqata in dadaalkii iyo dagaalkii siyaasadeed ee beryahan dambe ay dawladda Kenya wadday uu salka ku hayo abuuridda xaaladahaas gaarka ah oo ay is leedahay way u sahli kartaa in aan faro marnaan la dirin ee wax isu celis iyo wax wadaaga ay maxkamadda ICJ go’aankeedu ku soo dhammaado.

Haddaba maxaa suurto gelin kara in maxkamaddu ay gaarto go’aan aan ku qanacno iyo mid aanan ku qancin?

Dawladda Kenya waxay ku doodeysaa in xariiqa kala bara xuduudda badda ee labada dal uusan noqon mid toos ugu quman xad-dhuleedka labada dal ee balse uu noqdo mid hoos u soo foorara (waqooyi-bari) oo la siman ama feer-carar xariiqa dhul-baraha. Doodda ugu badan ee la xiriirta isticmaalka xariiqa siman (equidistance line) waa mid salka ku heysa labadan arrimood:

1.    In uu yahay ka ugu habboon ee lagu kala bixi karo. Sida aan horey u soo xusay waa midka ugu badan ee dacwadaha maxkamadda ICJ wax lagu cabbiray laguna kala baxay. Waxaa suurto-gal ah in isla markaasna xukunkii iyo go’aankii lagu saleeyo cabbirkaasi uu tix-geliyo in waddankii dawcada looga guuleysto uusan culeys iyo xaalad dhaqaale kala soo gudboonaan xukunkaas taasoo keeni karta in xariiqii meel dhexe laga qalloociyo.

2.    In marka hore la isla meel dhigo xaaladaha gaarka ah iyo kuwa muhiimka ah ee labada waddan ee dacwadu ka dhexeyso ay ku doodayaan ka dibna la isla garto noocii cabbirka ah ee ku habboon in lagu saleeyo sida wax loogu qaybinayo. Waxaan aad u tuhunsan ahay in arrintan labaad ay tahay midda dawladda Kenya ay aad ugu dadaaleyso iney u hirgasho si looga maarmo in la isticmaalo xariiqa toosan ee siman ilaa cirifka ugu dambeeya ee qalfoofka baddda. Kalsoonida ay wasiirradda arrimada dibedda ay meel walba la taagan tahay iney ka qabaan dacwadaas waxay salka ku heysaa xaaladahaas gaarka ah ee maxkamaddu mararka qaarkood horey u tix-gelisay.

Inta aanan ka jawaabin su’aashan kor ku xusuan waxaa mudan inaan xuso in xadka naloo cabbirayo uu ka koobana yahay 3 xad-badeed oo in isku si loo cabbiro iyo in si kala duwan loo cabbiraba ay dhici karto. Saddexda xad-badeed waxay kala yihiin: xad-badeedka biyaha dhow (territorial sea oo ah ilaa 12 mayl badeed), xad-badeedka gaarka ah ee ganacsiga (Exclusive Economic Zone ama EEZ oo ah ilaa 200 mayl badeed), iyo xad-badeedka qalfoofka (Continental Shelf oo ah ilaa 350 mayl badeed).

Inkastoo kalsooni fiican aan ku qabnno in cabbirka xariiqaas uu noqdo midka  xuduudda dhulka ku toosan haddana waxaa dhici karta in xariiqaasi isagoo ka toosan inta ku aaddan xuduud badeedka dhow (terretorial sea) haddana si ka duwan loo cabbiri karo marka la gaaro xuduudda badda ee ganacsiga (Exclusive Economic Zone, EEZ) iyo xuduudda qalfoofka badda (Continental Shelf Zone). Maxkamaddu waxay fiirineysa xaaladaha gaar ah (special circumstances) ama xaalado muhiim ah (relevant circumstances) oo sabab u noqon kara in xariiqaas cabbirkiisa wax laga beddelo si loo ilaaliyo in go’aanka maxkamadda uusan u noqon mid culays aan la qaadi karin ama laga kabsan karin ku abuura dalkii xukunka looga guuleysto (equitable principle). Waa kuwan tusaale dacwooyin ay hore u gashay maxakamadda ICJ oo ay qaarkood tix-gelisay xaaladaha gaarka ah iyo kuwo ay muhiim u aragtayba:

·       Dacwad xadeynta qalfoofka badda oo 1982 Libiya iyo Tunisia dhexmartay ayay maxkamadda ICJ garawsatay in xariiqa meel dhexe laga qalloociyo.

·       Dacwad dhexmartay Nigeria iyo Cameroon sannadkii 2002 ayaa sidoo kale maxkamaddu go’aansatay in xariiqaasi uu qaybtiisa hore toosnaado balse markii EEZ la soo gaaray wax laga beddelo.

·       Sidoo kale dacwad dhexmartay Qatar iyo Bahrain ayaa sidoo kale maxakamadda ICJ go’aamisay in xariiqaas la qalloocin karo haddii ay jirto xaalad gaar ah oo mudan in la tix-geliyo balse taasi ma hirgelin.

Haddaba waxaa mudan in la is-weydiiyo maxey yhiin xaaladaha gaarka ah iyo ku muhiimka ah ee ay maxkamaddu tix-gelin karto oo Kenya ay isticmaali karto haddii laga xukumo in xariiqa uu noqdo mid toos ah oo ka bilowda xuduudda badda dhow kuna dhamaada isagoo toosan ilaa xuduudda qalfoofka badda (continental shelf). Dhowrkaan xaaladood oo gaarka ah ayay maxkamaddu u aqoonsan tahay in la tix-geliyo marka loo garnaqayo laba dawladood oo ay ka dhexeyso muran badeed iyadoo xarriiqa toosan ee sharciga ah raaceysa balse xeer jajajbna xisaabta ku dareysa.

Xaalado gaar ah (Special circumstance):

1.    Jiritaanka jasiirado yar-yar. Haddii ay jiraan jasiirado ku dhex yaal xuduudda badda labada dal ee dacwadu ka dhexeyso waxay maxakamaddu fiiro gaar ah siineysaa in xariiqa toosan (equidistance line) uusan saameyn ku yeelan xuquuqda iyo xad-badeedka jasiiradahaas. Sidaan filayo xaaladdani saameyn kuma lahan dacwada noo dhaxeysa Kenya maadaama aysan jirin jasiirado dhow uu ku yaal xuduudda badda aan isku heysanno.

2.    Qaab-dhuleedka xeebta (geography of coastline): Waxaa dhici karta in dhul-xeebeedka u dhexeeya labada dal ee dacwadu ka dhexeyso uu yahay a) mid intiisa badan toosan b) mid godan (convex) ama c) mid soo fuucsan ama qaab tuur ah leh (concave). Way sahlan tahay in xariiq siman oo toosan lagu kala saaro labada waddan haddii xeebta labada waddan ay toosan tahay balse haddii dhul-xeebeedkaasi uu noqdo labada nooc ee kale waxay maxkamadda ICJ tix-gelisaa in xariiqa toosan (equidistance) wax laga beddelo oo si kale wax loo farsameeyo. Dacwad u dhexeysey Nicaragua iyo Honduras ayay maxakamaddu go’aamisay in xariiqa toosan la qaloociyo si qaab-dhuleedka xeebta ah ee aan toosnayn loo maareeyo maadama xarriiqii toosnaa u eexday midkood. Sida ka muuqata dhul-xeebeedka noo dhexeeya Kenya oo ah mid siman ma filayo in xaaladdan gaarka ah ee dawladda Kenya wax ku raadin doonto.

Xaalado muhiim ah (Relevant circumstance):

Waxaan aad iyo aad u dareensan ahay in dawladda Kenya ay xoogga saareyso sidii ay dacwadeeda badda ugu xoojin lahayd xaaladaha muhiimka ah (relevant circumstance) ee ay ogsoon tahay in maxkamadda ICJ ay horey u tixgelisey dacwooyinkii ay qaadday.  Haddii Kenya xaq ahaan looga guuleysto waa in ay maxkamaddu hubiso in xukunkaasi uusan marnaba dhinac marin waxa loo yaqaan xeerka wax-wada qeybsiga (equitable principle) ama xeer-jajabka aan u naqaanno si labada dhinac ee loo garnaqayo loo qanciyo. Waa kuwan xaaladahaas oo ay la socdaan qoraallo iyo doodo ay Kenya si toos ah iyo si dadbanba ugu talagashay iney ku muujiso in loo bahan yahay in la tix-geliyo.

·       Dhul-xeebeedka labada waddan ee is-dacweyneya: Waxaa maxkamaddu il gooni ah ku eegtaa qiyaasta dhererka labada waddan ee dacwadu ka dhexeyso iyo cabbirka dhul-badeedka la isku heysto inta uu le’eg yahay. Haddii laga guuleysto dhulka xeebta dheer iska leh maxakamaddu badanaa ma tix-geliso qodobkaan balse haddii laga guuleysto waddankii xeebtiisu gaabneyd maxakamaddu waxay hubisaa in uusan go’aankeedu aad u sii wiiqin danaha dhaqaale iyo kalluumeysi ee waddanka xeebta gaaban. Haddii la raaco xariiqa toosan oo ilaa qalfoofka sare ee badda (continental shelf) si toos ah naloo ku cabbiro waxaan shaki ku jirin in Kenya ay ku weyneyso dhul-badeed baaxad leh. Waxaan ogsoon nahay in Soomaaliya ay tahay waddanka labaad ee ugu xeeb-dheer Afrika oo waxaa markaas dhici karta in Kenya ku dooddo in la tix-geliyo xaaladda bad-la’aan ee ay wajhayso.[1] Tani waxey suurtogelin kartaa in dhul-badeedkii la isku heystay naloo xukumo balse maxkamaddu soo jeediso in aan Kenya u ogolaanno in ay nala wadaagto dhinaca maal-gashiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka dhul-badeedkaas.

·       Taariikhda soo jireenka ah ee dhul-badeedka la isku heysto: Sidaan kor ku soo sheegay Kenya mar walba waxey ku andacootaa in Soomaaliya aysan weligeed dhul-badeedkan horey u sheegan balse ay iyagu horey ugu habsadeen oo u calaamadaysteen dhul-badeedkaas. Sheegashada nooca taariikhiga ah maxkamadda ICJ horey wax tix-gelin uma aysan siinnin oo aan ka ahayn dacwad dhexmartay Denmark iyo Norway oo Norway oo weligeed ka kalluumeysan jirtay xoogaa mudnaan ah la siiyey. Waxaa xusid mudan in maxakamadda ICJ aysan hore uga doodin dacwad la xiriirta sidii sheegashada taariikhiga ah ay u saameyn karto aagga dhaqaalaha (EEZ) iyo qalfoofka badda (Continental shelf, CS) oo 1950 ka hor isku ahaa dhul-badeed aan kala xaddaysneyn. Soomaaliya iyo Kenya waxay cabbirka EEZ iyo CS gudbiyeen 2009 oo ah bilowgii markii boobkaan baddeennu bannaanka u soo baxay iyo saxiixiddii qoraalkii is-afgardka ee uu saxiixay wasiirkii Qorsheynta ee xilligaas. Way dhici kartaa in Kenya ay markaan ku dooddo in heshiiskaas uu mudan yahay in dib loo fiirsho maadaama maxkamaddu ay doorkii hore ee dacwada u aqoonsatay inuu yahay heshiis.

·       Dhinaca kheyraadka sida Kalluumeysiga iyo Ceelasha Shidaalka: Dacwad hore u dhexmartay Jasiiradaha Greenland iyo Jan Mayen oo la xiriirta dhinca kalluumeysiga waxay maxakamaddu go’aamisay in xariiqa toosan wax laga beddelo siiba cabbirka EEZ si qolo walba u hesho dhul-badeed ay ka kalluumeysato. Dhinaca ceelsha shidaalka maxakamaddu waxay dacwad u dhexeysey Nigeria iyo Cameron go’aamisay in jiritaanka ceelal shidaal aysan ahayn xaalad mudan in la tix-geliyo. Sida muuqatana Kenya waxba ku heli meyso qodobkaan oo rajo badan kama qabto in maxakamaddu ay mudnaan siiso dood ku salaysan kheyraadka dhul-badeedka ay nagu heysato.

·       Dhinaca dhaqan-dhaqaale iyo nabad-gelyada (socio-economic and security factors): Dhinaca dhaqan-dhaqaale waxay maxkamadda ICJ dacwado hore ay ku muujisay in mararka qaarokood uu qodobkaan tix-gelin mudan yahay haddii dhibaato dhaqaale ay ka soo gaareyso bulshada uu saameeyo go’aanka maxkamadda balse maxakamaddu waxay kaloo muujisay inaan la tix-gelin saameynta awoodda dhaqaale ee labada dal ee dacwadu ka dhexeyso. Dhinaca nabadgelyada oo aan aamminsan ahay in uu yahay midka ay dawladda Kenya aad u buun-buuniso in uu saameyn weyn ku yeelannayo waxay maxakamaddu muujisey in la tix-geliyo haddii xariiqaasi soo dhawaanshiisu saameyn ku yeelanayso nabad-gelyada waddanka looga guulesyto dacwada. Waxaan filayaa in sababta ay Kenya u hor boodeyso arrimaha burcad-badeedka iyo ilaalinta xeebaha badweynta Hindiya aysan ka marneyn xaaladdan nabad-gelyada. Diidmadii dawladda Soomaaliyana in Kenya madax looga dhigo ciidamadan ilaalinaya baddana waxaan filayaa inay arrinkan la xiriirto.

Akhristow waxaan qoraalkan oo aan rajeynayo inuu wax ka ifiitiimiyey natiijada ka soo bixi karta dawcada badda iyo xaaldaha kala duwan ee saameyn kara go’aankaas ayaan waxaan ku soo gunnaanadayaa in Kenya ay doorbideyso in marka hore la isla meel-dhigo oo la tix-geliyo xaaladaha gaarka ee u suurto-gelin kara in aan wax lagu qaybsan ama la isticmaalin xariiqa kala-baraha ah ee toosan (equidistance) oo la isticmaalo ugu yaraan xarriiqaas oo wax laga beddelay ama hab kale oo ay ku heli karto xuquuq iyo sad-bursi aysan mudneyn iney hesho. Haddii ay dhacdo in marka horeba maxkamaddu go’aamiso in xariiqa toosan la isticmaalo waxay Kenya sidii si la mid ah ku doodi doontaa in arrimaha nabad-gelyada, saameynta xuduudaha dalalka kale ay la leedahay iwm la tix-geliyo oo la ilaaliyo xeerka wax-wada-qeybsiga (equitable priniciple) oo ah xeer jajab ku salaysan xaqii la isla garay ee xal baa la rabaa.



advertisements
 
Click here